Beesha Caalamka oo war ka soo saartay khilaafka Farmaajo iyo Rooble

0
Tuesday September 07, 2021 - 23:51:44 in Wararka by
  • Visits: 165
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Beesha Caalamka oo war ka soo saartay khilaafka Farmaajo iyo Rooble

    ....

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

....

       Saaxiibada Caalamka ee Somaliya ayaa caawa war ka soo saaray khilaafka Isniintii dalka ka soo kordhay, ee u dhaxeeya Madaxweynaha Jamhuuriyadda, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Ra’iisal Wasaarihiisa, Maxamed Xuseen Rooble.

Beesha Caalamka ayaa warsaxaafadeed ku sheegtay in khilaafkani uu abuurayo xiisado siyaasadeed, oo saamayn ku yeelan kara hannaanka geeddi-socodka ee doorashooyinka dalka.

     "Saaxiibada Caalamku waxay ka walaacsan yihiin in muranka ku gadaaman waayitaanka Marwo Ikraan Tahliil Faarax uu abuurayo xiisado siyaasadeed oo saamayn ku yeelan kara habsami u socodka shaqada Dowladda Federaalka Somaliya, carqaladeyn karana hannaanka doorashooyinka.” Ayaa lagu yiri warsaxaafadeedka.

Beesha Caalamka ayaa Madaxweynaha iyo Ra’iisal Wasaarahaba ugu baaqday inay dejiyaan xaaladda ka dhalatay kiiska Ikraan Tahliil Faarax.

    "Waxaan ku boorinaynaa Madaxda Soomaalida inay dejiyaan iska horimaadka siyaasadeed ee ku gadaaman baaritaankan, gaar ahaanna ay ka fogaadaan fal kasta oo horseedi kara rabshado.” Ayaa lagu sheegay warka.

       Warka ayaa lagu yiri "Waxaan ugu baaqaynaa Madaxda Somaliya inay ka wada shaqeeyaan sidii loo horumarin lahaa hirgelinta heshiiskii 27-kii bishii May ee ku aaddan qabsoomidda doorashooyinka, iyagoo garwaaqsan horumarka illaa iyo hadda ay gaareen Golaha Wadatashiga Qaranka, oo hoos yimaada hoggaaminta wax ku oolka ah ee Ra’iisal Wasaare Maxamed Xuseen Rooble.”

      Warka ayaa lagu xusay in Saaxiibada Caalamka ay sii wadi doonaan xiriirka ay la leeyihiin Madaxda Qaranka, si ay u xaliyaan khilaafkan.





Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip