Kulanka is cafinta Siyaasiyiinta Waqooyi oo lagu qabtay Muqdisho (SAWIRRO)

0
Tuesday September 07, 2021 - 16:44:07 in Wararka by
  • Visits: 153
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Kulanka is cafinta Siyaasiyiinta Waqooyi oo lagu qabtay Muqdisho (SAWIRRO)

    ...

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

...

Waxaa maanta Magaalada Muqdisho lagu qabtay munaasabad ay isu cafinayeen Siyaasiyiinta Gobolada Waqooyi, oo maalin ka hor heshiis ka gaaray khilaafkii in muddo ahba ku kala dhex jiray ee la xiriiray Doorashada Kuraasta Xildhibaanada Gobolada Waqooyi ee Somaliland.

      Munaasabadda oo lagu qabtay Hotel Jazeera ayaa waxaa ka qaybgalay Ra’iisal Wasaaraha Xukuumadda, Maxamed Xuseen Rooble, Ra’iisal Wasaare         Kuxigeenka, Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar), Gudoomiyaha Golaha Aqalka Sare, Cabdi Xaashi Cabdullaahi, Gudoomiyaha Maxkamadda Sare Dalka,       Baashe Yuusuf Axmed, Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, General Cabdi Xasan Maxamed (Xijaar), Wasiiro, Xildhibaano, Golaha Mido wga Musharaxiinta qaarkood, Siyaasiyiinta Gobolada Waqooyi iyo dadweyne kale.

      Munaasabadda ayaa ahayd mid ay isu cafinayeen Siyaasiyiinta Somaliland iyo xoojinta heshiiskii ay Axaddii ku wada gaareen Caasimadda Muqdisho.

       Tallaabada lagu soo ajfaray khilaafkan ayaa ka dambeysay, ka dib markii Siyaasiyiinta Gobolada Waqooyi loo madaxbannaaneeyay in arrimahooda ay si hoose u dhameystaan, iyadoo markaasi uu garwadeen ka yahay Gudoomiyaha Maxkamadda Sare, oo qudhiisu ka soo jeedo Somaliland.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip