Calanka Taliban oo ugu dambayn laga taagay Dooxada Panjshir

0
Tuesday September 07, 2021 - 12:39:33 in Wararka by
  • Visits: 154
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Calanka Taliban oo ugu dambayn laga taagay Dooxada Panjshir

    ...

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

...

Taliban ayaa ku dhawaaqday inay iminka si buuxdo uga arrimiso dalka Afghanistan, ka dib markii ay sheegtay inay la wareegtay Dooxada Panjshir.

Taliban ayaa sheegtay in dagaalkii ka socday Panjshir looga adkaaday Jabhadda NRFA, ee uu hoggaamiyo Ahmad Massoud.

    Xoogaga Taliban ayaa Calanka Ururka ka taagay Xafiiska Barasaabka ee gobolkii ugu dambeeyay ee maalmahaanba iska caabinta kala kulmayeen.



    Taliban waxay dadka deegaanka ugu yeertay inay guryahooda ku nagaadaan, isla-markaana aanay u barakicin buuraha, iyadoo dhinaca kalena damaanadqaaday amnigooda.

     Dhaqdhaqaaqa wax iska caabinta ayaase sheegaya inay sii wadi doonaan dagaalka, haddii sida ay sheegeen ay weli ku sugan yihiin goobaha muhiimka ah.

Dadka deegaanka oo ka baqdin qaba in mar kale lagu dul dagaalamo ayaa qaarkood isaga barakacay guryahooda.

       Inkastoo aan la garanayn halka uu ku sugan yahay hoggaamiyaha xoogaga wax iska caabinta Ahmad Massoud, haddana cod uu soo duubay oo lagu baahiyay barraha bulshada ayuu dadka deegaanka ugu yeeray inay meel uga soo wada jeestaan Taliban.

     Ururka Taliban ayaa bishii August la wareegay inta badan dalkaasi, ka dib markii ay meesha ka saareen dowladdii ay Reer Galbeedku taageerayeen. 15-kii bishaasi ayay ahayd markii dagaal aanu dhiig ku daadan ay kula wareegeen Caasimadda Kabul.



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip