Qiimeynta Ciyaartoyda Ee Kulankii Barcelona & Valencia Ee Xalayto – Kumaa Ahaa Xiddiga Garoonka? Ayaase Ugu Liitay Ciyaarta?

0
Monday April 18, 2016 - 12:03:18 in Sports News by
  • Visits: 617
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Qiimeynta Ciyaartoyda Ee Kulankii Barcelona & Valencia Ee Xalayto – Kumaa Ahaa Xiddiga Garoonka? Ayaase Ugu Liitay Ciyaarta?

    Kooxda Barcelona ayaa mar kale waxaa gurigeeda ku soo gaartay guuldarro taasoo keentay in tartanka horyaalka uu noqdo mid aad u furan, waxaana xalayto ay guuldarro ka soo gaartay kooxda Valencia oo 2-1 kaga badisay. Waxaana ay taasi la micno tahay in

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Kooxda Barcelona ayaa mar kale waxaa gurigeeda ku soo gaartay guuldarro taasoo keentay in tartanka horyaalka uu noqdo mid aad u furan, waxaana xalayto ay guuldarro ka soo gaartay kooxda Valencia oo 2-1 kaga badisay. Waxaana ay taasi la micno tahay in Barcelona iyo Atletico Madrid ay

hogaanka isla hayaan iyagoo hal dhibic kaliya ka sareeya kooxda Real Madrid.Hadaba waxaan eegeynaa qiimeynta ciyaartoyda ee kulankii xalayto? Ayaa ahaa xiddiga garoonka, ayaase ugu xumaa ciyaartii shalayto.

BARCELONA

Claudio Bravo (4):Labadaba goolba dadaal weyn kuma uusan bixinin inuu badbaadiyo. Tan hore waxaa laga dhaliyay meel u dhow goolka, tan labaad gacanta ayuu ku dhigay laakiin waa uu awoodi waayay inuu bixiyo.

Sergi Roberto (5):Kubad taabashadiisa ayaa aad u hooseysay, waxaana uu dilay weerar halis ah ka dib kubad uu Mascherano u dhigay, sidoo kale qalad ayuu ku yara lahaa goolkii labaad isagoo boos badan u baneeyay Santi Mina.

Gerard Pique (6):Shaqo ka fiican intii qabtay ayaa laga filayay inuu sameeyo goolkii labaad, Dani Parejo ayuu siiyay boos banaan oo uu baas ku helo. Waxa uu sidoo kale qaatay jaalihii 10aad ee xilli ciyaareedka isagoo ganaax ku maqnaanaya kulanka bartamaha isbuuca ay la dheelayaan Deportivo La Coruna.

Javier Mascherano (7):Sabab loogu yeero Jefecito ayaa jirta. Kubad xamaasadeysan, firfircooni iyo hogaamin ayaa ka muuqatay.

Jordi Alba (5):Kubad qasaarintiisa dhanka weerarka ayaa badneyd inkastoo uu caawiye ka noqday goolkii Messi.

Sergio Busquets (5):Horumar ayu ka sameeyay qaab ciyaaredyadiisii ugu danbeeyay ee liita, laakiin weli kuma jiro qaab ciyaareedkiisii ugu fiicnaa.

Ivan Rakitic (5):Waxaa fursad ka badbaadiyay Diego Alves qeybtii labaad, laakiin fursado kale uu helay kama uusan faa’ideysan.

Andres Iniesta (6):Si wacan ayuu ku bilowday ciyaarta, weerarka Barcelona ayuu dhisayay laakiin 20kii daqiiqo ee ugu danbeeyay wuu muuqbeelay.

suarez-valencia-afp-1460925290356

Lionel Messi (7):Wuxuu udub dhexaad u ahaa wax walba oo ay kooxdiisa sameysay. Waxa uu dhaliyay goolkiisii 500aad ee waayihiisa ciyaareed, waxaana uu baasas fiican garabka bidix ugu dhigayay Alba iyo Neymar.

Luis Suarez (5):Inta badan waxa uu ku jiray offside, waana uu awoodi waayay inuu gool u sarifo fursadihii uu helayay.

Neymar (4):Mar kasta uu kubada helo waxaa ku soo xoomayay ciyaartoyda Valencia, sida iska cadeydna saameyn ayay ku yeelatay. Waa uu awoodi waayay inuu waxna ku sameeyo kubada, fursadaha uu helayayna durbadiiba wuu dhuminayay. Waxa uu taakal xun ku sameeyay Joao Cancelo dhamaadkii ciyaarta taasoo soo koobeysa ciyaartiisa.

VALENCIA

Diego Alves (10 – Xiddiga Garoonka):Goolhayaha reer Brazil ayaa dhowr jeer badbaadiyay Los Che, waxa uu badbaadiyay fursado badan iyadoo Barca ay cadaadis saareysay Valencia, wuxuuna soo bandhigay qaab ciyaareed lagu najaxay.

Ayman Abdennour (7):Kubado badan ayuu bixiyay oo halis ahaa, laakiin qalqal ayuu muujinayay mararka qaar.

Siqueira (8):Inta badan kubada si fiican ayuu u difaacday xitaa haddii mararka qaar uu booskiisa ka tagayay, wuxuuna soo saraay goolka hore.

Mustafi (8):Qaab ciyaareed aad u fiican ayuu soo bandhigay xiddiga Jarmalka, meel walba ayuuna u raacay Luis Suarez, waana uu ka celiyay inuu shabaqa soo taabto.

Barragan (5):Wuu liitay int badan ciyaarta waxa uu qalad ku lahaa goolkii Messi.

Dani Parejo(8):Inkastoo garab la saaray hadana si fiican ayuu u dheelay, waxa uu caawiye ka noqday goolkii labaad ee Mina uu u dhaliyay Valencia.

Javi Fuego (7):Dagaal fiican ayuu ku soo bandhigay khadka dhexe, kubada waa uu dhuminayay laakiin difaacasho ahaan shaqo fiican ayuu qabtay.

Perez (7):Firfircooni ayuu ku soo bandhigay bartamaha garoonka, waxaana uu naftiisa agdhigayay kubad walba.

Andre Gomes (5):Tayadiisa wuu soo bandhigay laakiin inta badan waxa uu caawinayay difaaca, inkastoo uu qeyb libaax leh ka qaatay goolkii hore isagoo quudiyay Siqueira.

Santi Mina (7):Garabka ayuu orod badan ku sameynayay, inta badan wuu aamusnaa laakiin waxa uu ka soo xarooday Sergi Roberto isagoo Valencia u dhaliyay goolka labaad.

Rodrigo (6):Wuxuu hogaaminayay weerarka Valencia, laakiin inta badan ciyaarta waxaa laga dhigay mid aan ku xirneyn khadkiisa dhexe.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip