HALKAAN KA AQRISO W/WARGEYSKA MOGADISHU TIMES KHAMIIS 2-ASEPTEMBAR 2021-KA2021

0
Thursday September 02, 2021 - 09:37:34 in Wararka by
  • Visits: 495
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    HALKAAN KA AQRISO W/WARGEYSKA MOGADISHU TIMES KHAMIIS 2-ASEPTEMBAR 2021-KA2021

    ...

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

...

RA’IISUL WASAARE ROOBLE OO FARRIIN CULUS U DIRAY MAHDI GUULEED IYO CABDI XAASHI
Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, Md.Maxamed Xuseen Rooble oo ka hadlayey arrimaha doorasho oyinka dalka, ka dib kulan uu la qaatay guddiyada doorashada ayaa soo hadal qaaday dooda weli ka taagan kuraasta Somaliland.
Ugu horreyn Rooble ayaa farriin u diray labada garab ee is haya, ga ar ahaan RW/re ku xigeenka dalka Mahadi Maxamed Guuleed iyo gu ddoomiyaha aqalka sare Cabdi Xa ashi C/hi, isaga oo ka codsaday inay ka shaqeyaan horumarinta iyo isaaminaada, si ay doorashada 2da Aqal ee Somaliland ugu dhacdo si cadaalad ah.
Rooble ayaa tilmaamay in habraacii u dambeeyey uu dhigayo ee la soo saaray uu dhigay in 2dan ma s’uul ay soo xulayaan liiska musharixiinta xildhibaa nada ka imaanaya G/lada waqooyi, isagana uu ka hubin dono, si markaas turxaan bixin logu sameyo.
Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray inuu diyaar u ya hay inuu si gaar ah ula shaqeeyo 2da dhinac, si loo ga gudbo caqabadaha weli ka jira kuraasta gobola da waqooyi ama Somaliland.
Dhinaca kale wuxuu R/wasaaruhu intaasi ku sii daray inaanu oggolaan doonin in 2da garab ay isku dulmiyaan doorashada, ayna sidoo kale jiri doonin u kala eexasho.
Hadalkan ayaa kusoo aadayo, iyada oo khilaafka u dhexeeya 2da garab ee kuraasta Somaliland isku haya uu meeshii ugu sareysay gaaray, kaas oo saa meeyey horey u socodka doorashooyinka, waxaase haatan soo farageliyey golaha wadatashiga qaran oo soo saaray habraaca doorashooyinka iyo sida loo wajahayo kuraasta gobollada waqooyi.
Si kastaba doorashooyinka Soomaaliya ayaa soo maray marxalado kala duwan iyo is jiid jiid dheer, ka as oo dib u dhigay qabashada doorashooyinka oo ka daahay waqtigii loo asteeyey.


WASIIRADA ARRIMADA DIBADA SOMALIYA IYO QADAR OO KA WADAHADLAY XIRIIRKA 2DA WADAN
Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya Maxam ed C/risaaq ayaa wada hadal khadka taleefanka la yeeshay R/Wasaare Kuxigeenka ahna Wasiirka Arr imahaDibadda Qatar Sh.Mohamed Bin Abdurahman Al Thani, iyagoo ka wada hadlay xoojinta xiriirka iyo iskaashiga ka dhaxeeya labada dal.
D/Qatar ayaa aheyd taageeraha ugu weyn ee dhinaca dhaqaalaha 4tii sano ee Maamulka Madaxweyne Farmaajo Hase yeeshee waxaa jira hoos u dhac ku yimid xiriirka 2da wadan tan & markii uu dalka RWasaare ka noqday Maxamed Xuseen Rooble.
D/Qadar ayaa dhawan ka shaqeysay sidi dib loo gu soo celin lahaa xiriirka 2da dal ee Somaliya &Kenya.

GUDDOOMIYAHA GOBOLKA BANAADIR OO KA HADLAY DUMARKA FARUURYAHA WEYNEYSTA
Guddoomiyaha G/Banaadir ahna Duqa Muqdisho Md.Cumar Maxamuud Maxamed Finish ayaa ka hadlay Dumarka faruuryaha weyneysta oo maalmihii la soo dhaafay aad looga hadal haayey Caasimadda, ka dib muuqaalo warbaahinta baahisay oo lagu arkay Dumar weyneysanaya faruryaha
Md. Finish oo ka qeyb galay kulan dood wadaag ayaa waxaa uu marka hore sheegay inay jiraan xarumo lagu qurxiyo dumarka oo Maamulka Gobolka siiyay shatiyo Ganacsi, isla markaana laga furay Muqdisho.
Guddoomiyah ayaa tilmaamay inay soo gaartay arrinta la xiriirta inay jirto Xarumo dumar loogu wey neyo faruuryaha, ayna laamaha amniga DFS albaab ada isugu laabteen xaruntaas.
"Gabdhuhu inay is qurxiyaan waan taageersanah ay,laakiin in diinta laga tago maaha. Meeshii dibna ha (bushmaha) lagu weynaynayay waan xirnay ku wa kalena waa xiri doonnaa” ayuu yiri G /Finisha oo ka qeyb galay kulan dood wadaag. Sidoo kale ayaa Carabka ku dhuftay inay jiraan Xarumo kale oo lagu sameeyo qaliino dumarka jirkooda wax looga bedd elo oo ay xireen, halka kuwo kalena ay qorsheynayaan la xiro. Dhawaanayay ahayd markii gabdho qalliin looga sameeyay farruuryaha ay kasoo muuqde en baraha bulshada, iyagoo ku faanaya in ay ku faraxsan yihiin isbedel lagu sameeyay qeyb ka mida jirkooda, waxaana arrintaan caro ka muujiyay dad farabadan oo Soomaaliyeed.

MADAXWEYNE CALI GUUDLAAWE OO AMAR SIIYEY LAAMAHA AMNIGA HIRSHABEELLE
Madaxweynaha DG//Hirshabeelle Cali C/Xuseen Guudlaawe ayaa shir gudoomiyay kulanka guud ee amniga ee deegaanada Maamulkaas oo Shalay ka dhacay M/Jowhar ayaa kulankan muhiimka ah ee amniga warbixin guud uga dhageystay saraakiisha Hay’adda amniga Hirshabeelle, iyadoo kulankaan looga hadlay ammaanka deegaanada Hirshabee lle, sameynta Howlgalo qorsheysan, adkeynta Amniga musharixiinta, iyo xaqiijinta Nabad galyada Magaalooyinka Jowhar iyo Beleddweyne oo ay ka dhacayaan Doorashooyinka.
Saraakiisha Hay’addaha Amniga ayaa madaxwaynaha la wadaagay howlgalo qorsheysan oo Hay’adaha Amaanka sameeyeen, is looga shaqeeyo nabad galyada Caasimada iyo Guud ahaan Magaalooyinka Hirshabeelle.
Md.Guudlaawe ayaa ugu dambeyn Saraakiisha Amniga faray inay laba laabaan howlaha shaqo ee loo igmaday adkeeyaana amniga guud gaar ahaan kan Jowhar, maadaana maalmaha soo soacda ay ka dhaceyso Doorashada Aqalka Sare.
Kulankaan ayaa waxaa qeybgaleen Wasiirka Amniga Gudaha, Gudoomiyaha M/Gobolka Sh/Dhexe, Taliyaha Guutada 3aad qeybta 27aad ee CXD Taliyaha Hay’adda Nabad Sugida NN/Sirdoonka Hirsha beelle, Taliska Booliska, Saraakiisha Amisom ee Secter five, iyo Howlwadenada Xafiska Madaxweynaha

YAASIIN MAAXI MACALIN: MURASHAX XILDHIBAAN GOLAHA SHACABKA HOP #106
OLOLAHA DAWLADWANAAGGA 20212025.
Salaamu calaykum
Tashi dheer iyo dhageeysi badan ka dib waxaan go´aansaday 29/08/2021 in aan isu soo sharaxo xil dhibaan kursiga Goloha Shacab ka sumadiisu tahay Hop #106. Markii aan dhageeyst ay dadkii deegaan doorashadeey dii ka soo jeeday, talooyinkii garab istaagii iyo dhiiro gelintii aay ii soo jeediy een oo aay ugu horeeyaan Culu mada, Odaydhaqameedya da, Nabadoonada,Haweenka Dhalinyarada, Sarakiisha, Siyaasiyiinta, Gana csatada, u rurada bulshada rayidka, iyo dhamaan qa ybaha bul shada ee deegaan doorashadeeyda waxa ay talo iyo duco isku raaceen inaan ku matalo kurs iga golo ha shacabka sumadiisu tahay Hop #106 sanadka 20212025 insha Alaah.
Wixii midnimo lagu keeni waayo kala tag iyo kala qaybsanaan laguma keeni karo, Soomaalidana wa xay tiraahdaa gacmo wadajir ayey wax ku gooyaan. Sidoo kale isnaceybka iyo xaasidnimadu waa ca mal sheydaan Naftaada waxa aay jeceshahay nafta walaalkaa la jecloow wish me for the best.
Wixii rag u kaco Rabina aqbalo waa rumoobaan.
Walaalaalaheey iyo saaxibadeey FF igu taageer kursigaas sumadiisu tahay Hop #106 waxaad igu taageeri kartaa noocyo badan kursigu waa kursi QARAN loogu adeegaayo DADKA SOOMAALIYED shere iyo like Mahadsanidiin.

GOBOLKA BANAADIR OO DALBADAY IN TODDOBAAD GUDIHIIS LOOGU SOO WAREEJIYO ISBITAALLADA YARDAMEELI IYO JAZIIRA
Maamulka gobolka Banaadir ayaa Shalayeyd soo saaray amar ku socda isbitaalada Yardameeli iyo Jaziia, kaasi oo dhigaya in muddo toddobaad gudahood ah ay kusoo wareejiyaan maamulka isbit aaladaas. Afhayeenka gobolka Banaadir oo warbaa hinta la hadlay ayaa sheeg ay in ayaga oo ku shaqey naya dastuurka iyo shuruu cda u dagsan dalka, isla markaana la tixraacayo he shiiska ku saleysan wareej inta iyo daadajinta ade ega caafimaad ka ee gobolka in maamulka gobol ka uu mas’ uul ka yahay gacan ku haynta isbitaalad aas.
"Isbitaaladaa kor ku xusan oo loogu talogalay in bulshada gobolka Banaadir ugu shaqeeyan si lac ag la’aan ah uu ka war helay maamulka gobolka in hanaankii loogu talogalay in loogu adeego bulsha da hanaan aheyn oo u muuqda mid ganacsi iyo mid gaar ahaaneed u adegayan isbitaaladaas,” ayuu yiri.
"Wuxuu maamulka gobolka Banaadir ku warge li nayaa isbitaaada Jaziira iyo Yardameeli in muddo 7 cisho ah gudahood ah ay kusoo wareejiyaan maam ulida isbitaaladaas, islamarkaana maamulka G/Bana adir uu mudadaas ku magacaabi doono maamulka uu yeelanayo isbitaaladaas.”
Maamulka G/Banaadir ayaa amarkan cusub ku sa babeeyay in isbitaaladaas ay ka leexdeen hanaankii loogu talogalay inay ugu adeegaan bulshada Soom aaliyeed, gaar ahaan kuwa gobolka Banaadir.

WASIIR DUBBE: FANAANIINTA REER SUUDAAN OO NA DA KA MID TAHAY AYAA TIYAATARKA QARANKA IMAAN RABA.
Wasiirka warfaafinta Soomaaliya, Cismaan Ab uukar Dubbe ayaa xilli uu khudbad ka jeedinayay xa fladda Qalinjebinta Jaamacada Somali International University, waxa uu sheegay in fanaaniinta reer Suu daan oo ay ka mid tahay Nada Naada AlQalcah, ay rabaan inay barnaamij ku qabtaan tiyaatarka Qaran ka Soomaaliya taas oo hadal hayn ka dhalisay bara ha bulshada ee Soomaalida.
"Safiirka Suudaan ayaa ii yimid oo igu yiri fanaaniin reer Suudaan ayaa raba inay tiyaatarka barnaamij ku dhigaan, xafiiska ayuu iigu yimid wuxuuna igu yiri fanaaninta waxa ka mid ah ah oo Nada Alkhala.” ayuu yiri wasiirka.
Waxa ay ka mid tahay fannaaniidta aadka loogu jecelyahay dalka Suudaan, iyada oo haysato taa geero badan oo Soomaali ah.
In kastoo Suudaan ay leedahay boqollaal fanaaniin caan ah, Naada way ka soo dhex baxday, waxayna ka mid noqotay kuwa ugu caansan.
Magaceeda dhabta ah waa Naada Moxamed Cus man. AlQalcah waa naaneysteeda, waana xaafad ka tirsan magaalada Khartuun oo ah meesha ay fankeeda ka soo bilowday.
Naada waa fannaanad dhalatay sannadkii 1975, waxayna fanka ku soo biirtay 1990kii. Muddo 22 sa no ah ayey tahay fannaan. Waxayna inta badan ka heestaa arrimaha haweenka. Waxay qaaday in ka badan 200 oo heesood.
Heesaheeda qaar ka mid ah waxay kula talisaa dhallinyarada – rag iyo du,mar – ee isticmaala bara ha bulshada. Mid ka mid ah kuwa ugu caansan waa "Ragel alSitrah”.Xigasho:BBC

MAAMULKA JUBBALAND OO KALA HADLAY NETHERLAN DS, JARMALKA & MAREYKANKA ARRIMAHA GARGAARKA
Wasiirka wasaaradda Gargaarka iyo Maareynta Musiibooyinka D/Jubaland Md. C/raxmaan Cabdi Ax med oo safar shaqo ku joogaa Nairobi ayaa Shalay Safaarada Netherlands kulan kula qaatay.
1. Madaxa arimaha Gargaarka Geeska Africa ee Safaarada Netherlands 2. Madaxa arimaha Gargaar ka ee Safaarada Jarmalka ee arimaha Somalia
3. Madaxa arimaha Gargaarka ee Safaarada Swe den
4. Madaxa arimaha Gargaarka ee USAID
5. Madaxa arimaha Gargaarka ee Midowga Yurub
Wasiirku wuxuu usoo bandhigay xubanaha uu la kul may qabya qoraalka qorshaha wasaaradda iyo inaay kala shaqeeyaan hergelintiisa, Baahiya Garg aar eed ee kajira guud ahaan Jubaland iyo arimaha aba araha iyo biyo la’aanta oo hada ka jirta deegaan
nada Jubaland oo u baahan xal dag dag ah.

HANTI DHOWRAHA GUUD EE QARANKA OO KA HADLAY HESHIISKA KIREYNTA TIYAATARKA
Hanti Dhowraha Guud Qaranka ayaa sharci da rro ku tilmaamay heshiis ay wasaarada warfaafinta ku kireeysay qeyb kamid ah Tiyaatarka Qaranka ba lse lagu joojiyay amar ka soo baxay Ra’iisul Was aare Maxamed Xuseen Rooble. Warqad ka soo baxday Xafiiska Han ti dhawrka Guud ayaa la gu sheegay in Wasaar adda Warfaafinta "ay si cad ugu xadgudubtay nidaamka dowliga ah iyo shuruucda dalka maadaama Wasiirka Wasaaradda uu maamulka hantida Wasaaradda u maray sifo aan sharciga waafaqsanayn.”
Waxa uu sidoo kale Xafiiska Hantidhawrka Guud sheegay in bixinta dhulkan aysan wax dan/faa’iido u gu jirin guud haan shacabka iyo bahda fanka Soo maaliyeed, sida qoraalka lagu dhigay.
Xafiiska Hantidhawrka Guud ayaa faray Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta afar qodob oo kala ah:
1. In uu si degdeg ah uu gebi ahaanba u joojiyo arrin ka bixinta dhulka Tiyaatarka Qaranka uuna Wa siirku muddo 72 sacaadood gudahooda marka war qadan soo gaarto uu soo saaro qoraal rasmi ah oo lagu joojinayo bixinta dhulka Tiyaatarka Qaranka iyo in Xaf iiska Hantidhawrka Guud uu la soo wadaago dhammaan heshiisyada la xiriira dhulal kale oo ay Wasaaradda bixisay haddii ay jiraan;
2. In Wasiirku uu si maangal ah oo mas’uuliyad ku jirto u maamulo dhulka danta guud ee Wasaarad da Warfaafinta;
3. In arrimaha maamulka hantida Wasaaradda aan looga faa’iidaysan dano gaar ah ama shaqsiya deed;
4. In uu gacan siiyo bahda fanka iyo dhaqanka oo kaalin muhiim ah uga jira dib u dhiska dalka iyo wacyigalinta dadweynaha, uuna joojiyo tallaabooyin ka dhibaataynaya bahda fanka iyo dhaqanka guud ahaan.
Xafiiska Hantidhawrka Guud ayaa dhinaca kale sheegay inuu uu si adag ugu digayo hay’adaha iyo mas’uuliyiinta Dowladda in ay hantida ummadda si sharci darro ah u maamulaan iyadoo laga faa’iiday sanayo xilliyada kala guurka ah.

HANTI DHOWRAHA GUUD EE QARANKA OO KA HADLAY HESHIISKA KIREYNTA TIYAATARKA
WADDO MUHIIM U AH MUQDISHO OO SHALAY DIB LOO FURAY KADIB MUDDO AY XIRNEYD
Waxaa Shalay dib loo furay waddada Kuliyada oo muddooyinkii lasoo dhaafay u xirneyd sababo amni, kadib markii cabashooyin dhowr ah loo gudb iyey maamulka gobolka Banaadir, markii uu hak ad ku yimid isku socod ka magaalada. Guddoomiya ha G/Ba naadir ahna duqa M/Muqdisho, Cumar Maxam ud Maxamed (Cumar Filish) oo howlo kormeer ah ku sameeyay dhismaha Waddada dheer ee degmada Deyniile oo meel wanaagsan mareysa, ayaa sidoo kale wadadaasna dib u furay.
Dhismaha waddada dheer ee D/Deyniile ayaa ay aduna muhiim u ah isku socodka caasimadda iyo dalxiiska deegaanka, waxayna mas’uuliyiinta ku sa meeyeen kormeer socod ah. duqa M/Muqdisho oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in maamulkiisa ay ka go’an tahay isku tashi iyo in caasimadda la hormariyo. Ugu dambeyntiina waxa uu guddoomiye Filish dib u furay G/Biyamareenka ah oo ay dowl ada hoose Xamar mudooyinkii u dambeysay ka wa day howlo dib u habeyn ah

PUNTLAND OO SHAACISAY IN AY CIIDAMADEEDA KU BIIRAYAAN DAGAALKA ALSHABAB LOOGA XORRAYNAYO KOONFURTA MUDUG
Puntland ayaa sheegtay in ay ka qeyb galayso da gaalka ururka Alshabab looga xorraynayo deegaan nada kuyaalla koonfurta gobolka Mudug, iyadoo hal kaas ay gaareen cutubyo katirsan ciiddamadeeda Puntland iyo saraakiil ciiddan. Ciiddamada Puntland ayaa gaaray deegaanka Wisil oo qiyaastii 161 KM Koonfur Bari uga beegan magaalada Gaalkacyo.
Guddoomiyaha gobolka Mudug ee Puntland, Cab didladiif Muuse Sanyare oo la hadlayay BBC So mali, ayaa sheegay ciiddamadan in ay yihiin kuwa ta babaran oo awood ciidan ku biirin doona ciidam ada Galmudug ee ku jira furimaha dagaalka.
Guddoomiye Sanyare wuxuu sheegay ciidamadan iyo gaadiid dagaal oo dhawaan lagu wareejiyay Gal mudug in ay qeyb ka yihiin heshiis Muqdisho ku dhe xmaray madaxweynayaasha Puntland & Galmudug.
"Qorshaheenu wuxuu yahay in ciidamada Puntla nd ay si toos ah dagaalka u galaan, ayna la falgal aan ciidamada Galmudug. Waxaan naga go’an in aan argigixisada meel walba oo ay joogaan ugu tag no,” ayuu yiri guddoomiye Sanyare.
Saraakiisha ciiddanka Galmudug iyo kuwa xoog ga dalka ee ku sugan Wisil ayaa soo dhoweeyay ci idamada Puntland iyo saraakiishooda, waxayna arr intaan kusoo aadaysaa xilli Alshabab ay dib ula war eegeen deegaannadii horay looga saaray ee Koon furta Mudug.

FAAH FAAHIN KASOO BAXEYSA DIL KA DHACAY DULEEDKA MUQDISHO
Warar dheeraad ah ayaa waxaa ay kasoo baxaya an kooxo ku hubeysnaa Bastoolad oo duleedka M/ Muqdisho gaar ahaan tabeelaha Sheekh Ibraahim ku dilay Askari ka tirsanaa Ciidanka Booliska DFS.
Dad ayaa ku warramay in dilka loo geystay Ask ariga uu ka dhacay tabeelaha, waxaana la sheegay inuu Askariga u geeriyooday xabbado looga dhuftay qeybaha sare ee jirkiisa, xili uu ku sugnaa halkaas.
Raggii ka dambeeyay falkaas ayaa goobta si deg deg uga baxsaday, isla markaana waxaa sida caa dada aheyd halka uu dilka ka dhacay gaaray Ciida mo ka tirsan kuwa Booliska oo qaaday Meydka Askariga dowladda.
Alshabaab oo ka hadashay dilkaas ka dhacay tabeelaha Sheekh Ibraahim ee duleedka Muqdisho ayaa magaca Askariga la toogtay ku gaabisay Asad, iyagoona sheegay inuu ka tirsanaa CDFS gaar aha an kuwa Booliska.
Habeen hore ayey aheyd markii rag ku hubeys naa Bastoolado ay xaafadda Burka Diikow ee D/Kaa raan ku dileen laba Askari oo ka tirsanaa Ciidamada Milateriga dowladda, waxaana falkaas Mas’uuliy adiisa sheegtay Alshabaab.

AMISOM OO KA SHAQAYNAYSA INAY SOMALIA SII JOOGTO ILAA 2027KA (3 ARRIN OO AY DIIDEEN)
Ururka Midowga Afrika (AU) ayaa doonaya in mar ka ay dhamaato sharciyadda AMISOM ee haatan lagu kordhiyo 5 sanadood oo kale, si ay Somalia u joogaan ilaa 2027ka. Sida uu The EastAfrican kasoo xigtey ilo umuur tan war u haya, AU, DF Somalia & dalalka ugu muhiimsan kuwa bix iya qaaraanka AMISOM ayaa isku raacay ajende ku saabsan "dib u qaabaynta” ciidamada amaanka su gaya ee AMISOM.Wararku waxay intaa raacinayaan in khubarada amaanka AU ay haatan wadaan qiim aynta waxy aabo ay ka mid yihiin lafagurka hal ista, waxyaabaha uu howlgalku u baahan yahay ray id iyo ciidanba, xoojinta iyo maalgeli nta baahiyaha ciidankan.
Dib u eegista qaab dhismeedka shaqo ee AMI SOM ayaa ka koobnayd ilaa 4 hindise oo ay keentay QM waxaana ku jirtey in la sameeyo ciidan isku barx an oo ka kooban QM iyo Afrika, balse waxaa diidey AUda, sida xogta lagu helayo.
Waxaa ay AU hindisahaa ku cilladeeyeen inuu sii fogaynayo silsiladda maalgelineed iyo midda taageero ee la siiyo howlgalka, taasoo ka dhigan in mar kasta ay wax ka eegayaan dhanka danahooda.
Hindisayaasha kale waxaa ka mid ahayd mid dhi gayey in Ciidamo ka socda Bariga Afrika oo qura oo la yiraahdo Eastern African Standby Forces la kee no Somalia,halka uu midka kale ahaa inay AMISOM ka baxdo Somalia.
Waxaa la fahamsan yahay inaanu howlgalkani mi radhali doonin haddii uu sidan kusii socdo maa daa ma aysan jirin siyaasad laxajeclo& waxgaradnimo ka muuqato oo ay siyaasiyiinta Soomaalidu wa daan marka laga reebo ruwaayado shacabka loo dhigayo, taasoo keentay dalalka yimid oo markii ay arkeen in la wada danaysanayo iyaguna dhankooda ka dars aday.
MUWAADIN SOOMAALI OO KAMID NOQDAY MAXKA MADDA KHILAAFYADDA ICC AFRIKA
Muwaadin Soomaali ah ayaa waxaa loo mag acaabay maxkamadda Khilaafyadda ganacsiga iyo ICC Afrika.
Guleed Yusuuf oo haysta culuunta shra ciyadda ee Jaamacadaha Warwick iyo Columbia ay aa noq onaya muwaadinkii u horeeyey ee ma gaca Soomaaliya ku gala Maxkmadd an qaybteeda Magaalada London ee Caasimadda dalka Ingiriiska.
Maxkamadda Cadaalada aduunka ee ICJ ee ku taalla dalka Holland ayuu horey Muwaadin Soomaali ka le u galay, kaasi oo ah garsoorre Cabdi Qawi Yuu suf.

SAFIIRKA UK EE SOOMAALIYA: BIXITAANKA CIIDA MA DA AMISOM EE SOOMAALIYA WAY DHICI KARTAA IN LAGA BAQO WIXII KA DHACAY DALKA AFGHANISTAN
Safiirka Ingiriiska ee Soomaaliya Kate Foster oo wareysi siinaysay warbaahinta dibedda ayaa shee gtay inuusan jiridoonin qorshe degdeg ah oo loogu talagalay in Amisom uga baxdo Soomaaliya.
Danjiraha Ingiriiska ee Soomaaliya ayaa sidoo kale sheegtay in ka bixita anka ciidamada Amisom ee Soomaa liya ay dhici karto in laga ba qo wixii ka dhacay dalka Afghani stan.
Kate Foster waxay sheegtay in xa aladda Afghanist an ay tahay wax ay dadka Soomaaliyeed ka hadla yeen toddobaadkan islamarkaana ay jiraan casharro laga bartay xaaladd una ay la mid tahay tan Soom aaliya.
"Waxaan dadka u xaqiijinayaa inaysan jirin qo rshe degdeg ah oo loogu talagalay Amisom, laakiin golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay waa inuu si nidaamsan u hormariyaa hoggaaminta amni ga, iyo wareejinta ciidamada, ”ayay tiri Kate.
waxay sheegtay in dowladda Soomaaliya iyo Mid owga Afrika ay ku jiraan wada hadallo lagu hirgel inayo qorshaha Amisom ee wareejinta amniga Soo maaliya, kaasoo ugu dambeyn ka mid noqon doona la talinta iyo tababarka ciidamada ammaanka Soo maaliya. Waxay ugu dambayn sheegtay in ay wala ac ka qabto in Alshabab ay saameyn ku yeeshaan doorashada Somaliya, gaar ahaan hannaanka lagu soo xulayo ergooyinka doorashada ka qeyb
qadanaya.
ALSHABAAB OO XUKUN DIL TOOGASHO AH KU FULISAY ANFAC XUSEEN MUXUMED + SABABTA
Dagaalyahanada kooxda AlShabaab ayaa saac adihii lasoo dhaafay xukun dil toogasho ah ku fuliyey haweeney la sheegay inay ka tirsaneyd ciidamada maaamulka HirShabelle ee ka howlgala Xerada LamaGalaay ee Beledweyne.
Fagaare ku yaalla deegaanka Shaw ee gobolka Hiiraan ayaa lagu toogtay haweeneydan oo lagu ma gacaabi jiray Anfac Xuseen Muxumed, sida ay baahi say warbaahinta ku hadasha Afka AlShabaab.
Sidoo kale waxaa goobta lagu toogtay haweene yda ku sugnaa xubno ka tirsan AlShabaab iyo dadweyne kala duwan oo la’isugu yeeray halkaasi.
Maxkamad hoostagta AlShabaab ayaa ku eedey say haweeneyda la toogtay inay ka tirsaneyd ciidan ka milatariga, islamarkaana ay ka qeyb qaadatay dagaallo ka dhacay gobolka Hiiraan balse ay ugu da mbeyn gacanta ku dhigeen xoogag ka tirsan kooxdaasi.
Ma jiro weli wax hadal ah oo ka soo baxay sara akiisha ammaanka ee Beledweyne iyo maamulka HirShabelle oo ku aadan toogashada lagu fuliyey Anfac Xuseen Muxumed.
Hiiraan ayaa ka mid ah meelaha ay sida aadka ah ugu xoogan tahay kooxda AlShabaab, waxaana ugu yaallo xarumo muhiim ah sida maxkamado iyo saldhigyo ciidan.
Si kastaba AlShabaab ayaa had iyo jeer xukuno u badan dilal toogasho ah ka fuliso deegaanada ay ka arrimiso ee ku yaalla
koonfurta iyo bartamaha dalkeena Soomaaliya.

CABDIMAALIK MUUSE COLDOON HOOYADII OO SHEEGTAY IN AY LA'ADAHAY WIILKEEDII
Faadumo Rooble Xuseen, oo ah hooyada dha shay Cabdimaalik Muuse Coldoon, oo warbaahinta kula hadashay magaalada Hargaysa, ayaa sheegtay in ay la'adahay wiilkeedi, oo sida ay sheegtay Habeen hore xili danbe laga soo qaaday xabsiga Madheera.
"Inankayga Habeen hore ayaa laga soo qaaday Madhe era, ilaa Shalayna waanu wareegaynay, meel alaale iyo meel uu joogo iyo meel uu ku suganyahay toona ma hayno, lanoomana soo sheegin oo lama odhan maxkamad baanu keenaynaa, sidaasina caddaalad maaha" ayay tidhi hooyo Faadumo.
Faadumo ayaa sheegtay in ay meelkasta oo ay islahayd waala gaynayaa, ay kasoo raadisay sida maxkamadaha, isbitaalada iyo xarumaha ciidanka, ee danbi baadhista, hase yeeshee anay wali ka war kahayn meesha lagu hayo.
"Maxkamadii lama keenin C.I.D lama keenin dha khtar lama keenin oo wuu liitay, meel ala meel aanu u raacno ayaanu lanahay wakhtigaasanu taagana hay, madaxweyne waxan ahay islaan inankeedi Bu rco laga soo afduubtay oo la yidhi ma arki kartid" ayay tidhi Hooyo Faadumo.
Hadaba xildhibaan Axmed Khaliif oo ka tirsan golaha wakiilada Somaliland, ayaa sheegay in tali yaha Ciidanka Asluubta Somaliland oo uu la hadlay uu u sheegay in Coldoon Shalay la keenay mid ka mid ah isbitalada Hargaysa oo lagaga daweeyay lug uu ka cabanayay isla markaana dib loogu celiyay xa bsiga Madheera

WIIL KALE OO SOOMAALI AH OO LAGU DILAY SWE DEN IYO TIRADA SOOMAALIDA OO GAARTAY 30
Dilka dhallinyarada Soomaaliyeed ee ku nool da lka Swedan ayaa sii kordhaya, ayada oo ugu dam beeyay wiil habeenimadii ay Isniintu soo galeysay lagu dilay degmada Hjulsta oo ku taalla Stockholm.
Sheekh Xuseen Faarax Xaaji Warsame oo ah im aamka Masjidul Nuur oo Soomaalidu maamusho, kuna yaala xaafada Rinkybay ee Stockholm ayaa id aacada VOAda u sheegay in wiilkaas oo da’diisu aheyd labaatameeyada dilkiisa loo qabtay dad ku dhow 8 qof.
Sheekh Xuseen ayaa sidoo kale sheegay in dila lka Soomaalida ee ka dhaca dalka Sweden ay u bad an yihiin kuwa dhexmara dhalinyarada Soomaaliy eed, oo ayagu u kala qeybqeybsan kooxo kooxo, sida uu sheegay.
"Habeenkii ay Isniintu soo galeysay ayaa lagu di lay xaafad ay dadka Soomaalidu ku badan yihiin, Ila ahay waxaa uga baryaynaa isaga iyo intii hore ee dhimatayna unaxariisto,” ayuu yiri Sheekh Xuseen Faarax.
Sidoo kale waxa uu sheegay inay ku howlan yihiin sidii dowladda iyo ciidamada dalkaas wax ka qabtaan dilalkaas, isagoona xusay inay ka wacyigel iyaan bulshada Soomaaliyeed sidii ay u xoojin lahaayeen midnimadooda.
Horey waxaa dalka Sweden loogu diley dhalliny aro Soomaaliyeed oo ku dhow 30meeyo laga soo bi llaabo 2015kii, halka ay dhaawacyo kala duwan isku geysteen ku dhawaad Sagaal dhallinyaro.
Si kastaba, waddamada galbeedka waxaa ka ji ra in dhallinyaro badan oo Soomaaliyeed, oo siyaa bo kala duwan ayagu isugu dila ama loogu diley.

ERDOGAN OO WADAHADALLO LAMA FILAAN AH LA YEESHAY HOGGAAMIYE AY XIFAALTAMAAN
Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyib Erdogan ayaa wadahadal qadka taleefoonka ah la yeeshay hogaamiyaha dhabta ah ee Imaaraadka ahna Dhaxal Sugaha Abu Dhabi Mohammed bin Zayed Al Nahyan, sida uu sheegay Xafiiska Erdogan.
Wadahadalladan cusub ayaa muujiyey inuu sii xoogeysanayo isbeddel weyn oo bilihii dhowaa ku yimid xiriirka labada dal.
Turkiga iyo Imaaraadka ayaa ku tartamay saamaynta gobolka tan iyo markii kacdoonnadii Carabtu qarxeen toban sano ka hor, waxayna labada dhinac kala taageerayeen dhinacyada kala duwan ee uu ka dhaxeeyey dagaalka sokeeye ee Liibiya.
Erdogan ayaa sheegay sanadkii hore in Turkigu uu ka fikirayay inuu xiriirka diblumaasiyadeed u jaro kadib heshiiskii dowladaha Khaliijka ee ahaa inay caadi ka dhigaan xiriirka ay la leeyihiin Israel.
"Xiriirka u dhexeeya dalalka iyo arrimaha gobolka ayaa looga hadlay wadahadallada,” ayaa lagu yiri war kasoo baxay xafiiska Erdogan oo looga hadlay wicitaankiisa Sheekh Maxamed.
Wadahadalka labada mas’uul ayaa yimid laba toddobaad kadib markii Erdogan uu la kulmay sarkaal sare oo ka tirsan Imaaraadka, wuxuuna sheegay in labada dal ay horumar ka sameeyeen wanaajinta xiriirka taasoo horseedi karta maalgashi weyn oo Imaaraadku ku sameeyo Turkiga.Dhaqtar lagu dilay Muqdisho iyo kooxda AlShabaab oo eed eyn yaab leh u jeedisayDhaqtar lagu dilay Muqdisho iyo kooxda AlShabaab oo eedeyn yaab leh u jeed isay "Qof walba waxay dani ugu jirtaa in la raaco siy aasad ku salaysan heshiis halkii laga samayn lahaa siyaasad ku salaysan khilaaf. Sababtoo ah tan dam be waxay leedahay kharash. Tanna horana waa hor umar muhiim ah,” ayuu yiri sarkaal sare oo Turki ah oo ka hadlay wadahadaladii u dambeeyay.
Ankara iyo Abu Dhabi ayaa muddo sanado ah taageerayay kooxaha iska soo horjeeda ee Bariga Dhexe, iyadoo Turkigu uu taageerayay dhaqdhaqaa qyada Islaamiyiinta, gaar ahaan Ikhwaanul Musli mi inka oo ka qayb qaatay kacdoonnadii Gugii Carabta. Hoggaamiyeyaasha khaliijka ee hodanka ah waxay ka walwalaan in xasillooni darrada noocan ahi ay gurigooda gaarto.
Wakaaladda wararka Imaaraadka ee WAM ayaa sheegtay in labada hoggaamiye ay ka wada hadleen "rajada laga qabo in la xoojiyo xiriirka labada umm adood si loogu adeego danahooda guud iyo labad ooda shacab.”
Turkiga ayaa sanadkii la soo dhaafay ku eede eyay Imaaraadka Carabta in ay qas iyo qalalaase ka wadaan Bariga Dhexe iyada oo loo marayo farage linta Libya iyo Yemen, halka Imaaraadka iyo dhowr dal oo kale ay dhaleeceeyeen tallaabooyinka mila teri ee Turkiga. Dowladaha Turkiga iyo Imaaraadka ayaa shee gay inay qaban doonaan wajiga labaad ee wada ha dalka toddobaadka soo socda. Sarkaalka Turkiga ah ayaa sheegay in aysan macquul ahayn in la filo in muddo gaaban lagu xaliyo dhibaatooyinka muddada dheer jira.
Ankara ayaa sidoo kale sannadkaan ku dhaqaa qday tallaabooyin ku wajahan xulafada ugu weyn go bolka ee Imaaraadka, Masar iyo Sacuudi Carabiya si looga gudbo xiisadaha saameeyay dhaqaalaha Turkiga.
Xiriirka Turkiga iyo Sucuudiga oo aad u cakiran ayaa burburay kadib dilkii Dowladda Sacuudiga ay sanadkii 2018 ay wariye Jamal Khashoggi ku dileen qunsuliyadda Sacuudiga ee Istanbul.
Xiriirka Masar iyo Turkiga ayaa xumaaday tan iyo markii militariga ay afgembiyeen madaxweynihii ugu horreeyay ee Masar oo si dimuqraadi ah loo soo doortay, Maxamed Mursi oo ka tirsanaa Ikhwaa nul Muslimiinka. Erdogan oo ka tirsan xisbiga AK Party ee islaamiga ah ayaa si weyn u taageri jiray Mursi

FANAAN CAAN AHAA OO GEERIYOODAY & DOWL ADDA OO KA HADASHAY
Waxaa Magaalada Muqdisho ku geeriyooday Xalay fannaankii Caanka ahaa ee Maxamed Aadan Shamuuri, kaas oo la sheegay in muddooyinkii dam be uu ku xanuun sanayay Magaalada Muqdisho.
Wasiirka Warfaafinta Dhaqanka iyo Dalxiiska Jamhuuriyadda Federaalka So omaaliya, Cismaan Abuukar Dubbe, ayaa Tacsi u di ray qoyskii, as xaabtii iyo gu ud ahaan Umm adda Soomaaliye ed ee uu ka baxay Fanaankii wa ynaa ee Hob oladda Qaranka ee Waabari oo Xalay Muqdisho ku geeriyooday.
Waxaan uga tacsiyeynayaa qoyskiisa, asxaabt iisii, Hoboladda Qaranka ee Waabari iyo guud aha an Ummadda Soomaaliyeed. Sabar iyo Iimaan Allaha naga wada siiyo, marxuumkana Jannadii Fird ows Eebbe ha ugu deeqo.
Maxamed Adan Shamuuri wuxu ahaa fannaan qar an oo dadkiisu aad u jeclaa, sidoo kale marxuumku wuxu ahaa nin leh dabeecad fiican iyo dad la dhaq an wanaagsan. Ilaahay ha u naxariisto. Ayuu yiri” Wasiirka Warfaafinta Dhaqanka iyo Dalxiiska Jamhu uriyadda Federaalka Soomaaliya mudane, Cismaan
Abuukar Dubbe.

TAARIIKHDII, SH. MADAR IYO ASAASKII MAGAALADA HARGESA. QORE: YAHYA AMIR
Hargesa waa sida Nairobi oo kale, waa Laba Magaalo aad u da’ yar. Labadu ba waxa ey jiraan Qiyaastii Hal Qarni iyo Rubac aad ayeeyna u koreen, waxa eyna dhaafeen Magaalooyin ka Da’ weyn.
Taariikhdii, Sh. Madar iyo Asaaskii Magaalada Hargesa. Qore: Yahya Amir Nairobi, waxaa la asaasay 1899, Markii la dhisayay Waddada Tareenka ee isku Xirto Mambasa iyo Uganda, ayaa Shirkadii wax dhiseysay waxaa Keeynta Xarun uga dhisay, "Sir George whitehouse”, xaruuntaa oo markii Dambe noqotay Mag aalo, Macnaha Kalmadda Nairobi ee luqadda Qabiilka Masaai ayaa ah (Enkare Nyirobi) "Meeshii Biyaha qaboobeyd”.
Hargesa.
Magaca Hargeesa waxaa la yiraa, waxa ey ka kooban tahay Laba kalmadood oo kala ah "Hargo & Geeys”, Meeshii lagu ururi jiray Maqaarta Berbera laga dho ofiyo, In kasta oo Oromaduna ey sheegtaan in Kalmadda Hargesa ey tahay Luu qadooda oo iyagu ey degaanan jireen, Laakin waxaa inta badan la isku raacsan yahay in uu asaasy Sh. Madar.
Sh. Madar Axmed ShirwacAUN, waxa uu ku dhashay Berbera 1825 waxa uu na ku geeriyooday Hargesa 1918. waxa uu ahaan Hogaamiye: Diineed, Bulsho, Sharciyaqaan, Isbedel Doon, Aftahan fikirkiisa gudbin karo. waxa uu ka tirsanaa: Dariiqada Sunni, Shaafici, Ashcari. waxa uu ka dhashay Qoys Ganacsataa oo Hantiile ahaa.
Aabihii ayaa u diray Magaalada Harar oo muddo 20 Sanno ah uu ku barnay ay Diinta. Shiikhiidii, Sheikh Kabiir Khaliil ayaa Faray in uu diinta Fidiyo. Sh. Ma dar waxa uu ahaa Beesha:Yunis NuuxSacad MuseHabar Awal.
Sh.Madar, Masjid ayuu ka dhisay Hargesa 1883, waxa uuna Berbera ka soo guuray Sannadkii 1899.wakhtigaa waxaa Magaalada Hargesa Hogaaminayay Sh. Madar iyo Sudan Diiriye Xassan. Sh. Madar, waxa uu Hargesa ka asaasay Jameeca Diineed oo loo yaqiin” Jamaaca weyn” waxa uu Xaliyay Colaadii Beela ha dhexdooda aheyd waana mideeyay.
Waxaa kale oo la yiraa, Bilawgii hore waxaa deganaa Hargeso Ganacsato Garxajis ah, waxaana Magaalada aad u deganaa tira Badan oo Sacad Muse ah. Waxa ey aheyd Meel isku xirto Berbera iyo Deegaanka Gudaha, waxa ey aheyd Meel Biyo leh oo Ganacsatadu ku nasto.
Wuxuu Sheikhu ku soo kordhiyay Deegaanka Beerashada Masagada iyo Dhismooyin cusub oo dhagax ah.
Markii Sh. Madar iyo Suldaan Diiriye ey ku kulmeen Banaanka Hargesa 1870 ( F.S: 1) "Sh. Madar Sawirka Dharka Madow” waxa ey Amreen in la joojiyo Uga arsiga Duurjoogta iyo jaridda Dhirta si deegaanka loo Dhowro.
Berbera, waxaa Muddo dheer hogaminayay Culumada Dariiqada Qaadiriyada, Laakin markii Dambe waxaa soo galay Dariiqada Saalixiyada oo uu hogaamin ayay Sayid Maxamed Cabdule Xassan oo Berbera yimid Sannadkii 1895.
Sayidku waxa uu Degay Masjid ku yiil Magaalada Berbera waxa uuna ku abu uray Arday Xer ah, si uu u Fidiyo Dariiqada Saalixiyada oo aheyd qeyb ka mid ah Dariiqada Axmadiyada. waxa uu mamnuucay Jaadkii iyo Isticmaalka Tubaaka da, kuwaa oo Qaadiriyadu ey hore uga aamustay.
Waxaa la isagu yeeray Culumaddii deegaanka oo ey ka mid ahaayeen: Aw Gaas, iyo Shiikh Ibrahim Xirsi, waxaana loo wacay Sh. Madar 1897 si uu uga qeyb galo Dood Diineed u dhexeeysay Qaadiriyada iyo Saalixiyada, Doodii wa xaa ku guuleystay Qaadiriyadii.
Sayidkiina waxaa laga eryay Magaalada. Kadi bna waxaa bilaabatay in Laba da dhinac ey isgaaleeysiiyaan. Sayidkiina waxa uu Sameystay Daraawiish Saalix iyo ah, Laba Sanno kadibn ayuuna Duulaan bilaab ay Sayidku. Waxa la dareem ay Saxan saxo Colaadeed, waxa la Diyaarsaday Cii damo Badan. Sh. Madarna waxaa loo sameeyay ilaalo u gaar ah ( F.S: 2aad)
Markii laga war helay in Sayidku uu u dhaqaaqay Dhinaca Oodweyne, Sh. Madar waxa uu u yeeray Garxajis/Ciidangale iyo Habar Awal, si looga hortago Sayidka iyo Amxaarad oo iyana Wakhtigaa ku soo fideeysay Dhulka Galbeedka Hargesa ka xigo, si Qabaa’iilada Somalidu ey Cashuur u siiyaan General Ras Makonnen Walde Mikael oo Hogaaminayay Axmaarada. Amxaarada oo markaa u muuqatay khatar
Dhinaca kale ka soo wajahee Magaalada Hargesa iyo Deeg aanada ku har eereeysan iyo si Sayidka looga Badbaadiyo in uu Hargesa ka jaro Wadada Gan acsigu maro, Kadibna Baarlamaankii Ingriiska ayaa Go’aamiyay Sannadkii 1901dii in laga hortago Sayidka, inkasta oo uuna Sayidku si toos ah u weerareyn Xarumaha iyo Magaalooyinka Ingriisku joogo, Haddana waxaa ka soo Cabtay Dadkii Miyiga ku noolaa ee Hoos tagayay Mustacmaradda Ingriiska. Sayidku waxa uu isticmaalayay Xubno ka tirsan isla Beelweynta Sh. Madar, kuwaa oo Daraawiishta ka tirsanaa, Raggaa waxaa Hogaaminayay Ninkii ahaa Gacanta Midig ee Sayidka loona yaqiin Ahmed Warsame, Daraawiishta Dhaxd eedana looga yaqiin Magaca "Xaji Sudi Shabeel” una dhashay Qabiilka Adan Madoobe ee Habar Jeclo, kana tirsanaa Daraawiishta ilaa uu ka geeriyooday 1920kii. ( FS: 3aad ) Xaji Sudi ” Sawirka Bixid”iyo Ducaale Idris oo ey Xigto ka ahaayeen dhinaca Guurka.
Sh. Madar Axmed SirwacAUN waxa uu ku guuleystay in uu Dadkii Deegaan ka Diinta Baro, Mideeyo, Difaaco una Dhiso Magaalada Hargesa.
FG: wixii ka khaldan ka sax, wixii ka dhimanna ku dar. QORE: YAHYA AMIR

QATAR OO DIGNIIN KASOO SAARTAY ARRIN KA DHALAN KARTA GO’DOOMINTA TAALIBAAN
Wasiirka Arrimaha Dibedda Qatar ayaa Talaadadii ka digay in go’doominta Taalibaan ay hoggaamin doonto xasillooni darro horleh.
Sheekh Mohammed bin Abdulrahman ayaa dalalka caalamka ugu baaqay inay la hadlaan kooxda, si wax looga qabto walaacyada amni iyo dhaqaale bulsho ee Afghanistan.
Qatar oo xulufo la ah Mareykanka ayaa noqotay wadaxaaj oode muhiim ah oo loo maro Taalibaan, ayada oo martgelineys ay xa fiiska siyaasadda kooxdan, tan iyo 2003.
Haddii aan isku dayeyno inaan soo rogno shuruudo, oo aan joojino la mac aamil ka, waxaan ka tagi doonnaa firaaq, su’aashuna waxay tahay, yaa buuxin doona firaaqaas, ayuu yiri Sheekh Mohammed isaga oo dhinac taagan dhiggiisa Jarmalka Heiko Maas.
Illaa iyo hadda ma jiro dal Taalibaan u aqoonsaday dowladda Afghanistan ka dib markii ay Kabul qabsadeen 14kii August. Dalal badan oo Reer Galbeed ah ayaa kooxdan ku booriyey inay dhisto dowlad loo dhan yahay, islamarkaana ilaaliso xuquuqda aadanaha.
Wasiirka Arrimaha Dibedda Germany Heiko Maas ayaa weriyayaasha u shee gay in Berlin ay diyaar u tahay inay caawiso Afghanistan, hase yeeshee kaalma da caalamiga ah ay wadato shuruudo horudhac ah.

MAXAY KA WADA HADLEEN GANACSATA SOO MAALIDA KENYA IYO RA’IISAL WASAARIHI HORE EE KENYA RAILA ODINGA?
Gacanasatada Soomaalida ah ee xaafada islii ee magaalada Nairobi oo qayb ka ahaa kulan guudahaan ganacsatada Kenyaanka ah ay la yeesheen Raysal Wasaarihii hore ee dalka kenya Raila Odiinga.
Ganacsatada Soomalida ah wax ay si gaar ah Raila ugala hadleen cu leysyo u gaar ah ganacasatada xaaf ada islii ee mgaalada Niarobi.
Ganacsatada Soomaalida ah ayaa sheegay in qaar ka mid ah adeegya da ay dalka kenaan la saaray canshu ur xaddhaaf ah taas oo ay hadda do onayaan in laga qafiifiyo.
Sheekh Maxamed Shakuul ayaa ka mid ah ganacsatadii ka qayb gashay kul anka, Ciise Xaaji Cabdulle ayuuna uga warmay waxyaabihii kulankaas looga wa dahadlay marka horese wuxuu waydiiyay isbarbardhig uu ku sameyay ismam aulka Mandheera iyo ismaamullo kale oo siyaabo kala duwan looga hadlay.

MARAYKANKA: SIDA AAN SOOMAALIYA UGU FULINO WEERARADA ARGIGIXISADA AYAAN AFGHANISTAN UGA FULIN DOONNAA
Dowladda Maraykanka ayaa sheegtay in ka bixitankooda Afghanistan uusan ka dhignayn inay faraha kala baxayaan dagaalka ay kula jiraan kooxaha Argigix isada ee dalkaas ku sugan.
Xoghayaha warfaafinta Aqalka Cad, Jen Psaki ayaa sheegtay in Maraykanku uu si lamid ah Sooma aliya iyo Yemen uu kooxaha argigixisada ku beegs adan doo no gudaha dalka Afghanistan.
"Mareykanka wuxuu awood u yeelan doonaa in uu ka fuliyo Afghanistan hawlg allo argagixiso la dirir ah iyada oo aan ciidan halkaas joogin, si lamid ah tu saalooyinka Yemen iyo Soomaaliya," ayuu tiri, Jen Psaki.
Tani waxay timid ka dib markii Mareykanka uu ku dhawaaqay Isniintii inay dhammeystireen ka bixitaankii Afghanistan, muddo 20 sano ka dib.
"Waxaan awood u leenahay adduunka oo dhan, oo ay ku jirto Afghanistan, in aan qaadno weerarro ka dhan ah argagixisada doonaya inay na dhibaateeyaan.
Sidaad ogtihiin, waddan ka waddan, oo ay ku jiraan meelaha sida Yemen, sida Soomaaliya, qaybo badan oo Suuriya ah, iyo Liibiya , waxaan awood u leen ahay inaan aadno kuwa doonaya inay waxyeello noo geystaan.
Waxaan ku hayn doonaa awooddaas Afghanistan, "ayuu yiri Blinken. Xogha yaha Arrimaha Dibadda Maraykanka Antony Blinken ayaa sheegay inay jiraan weli tiro yar oo Mareykan ah, oo lagu qiyaasay inay ka yar yihiin 200 askari, kuw aas ku harsan gudaha dalka Afghanistan.
 
 

Operations Senior Assoicate
Job categories Project Management, Programme Management
Vacancy code VA/2021/B5001/22407
Department/office NYSC, Peace and Security Cluster
Duty station Nairobi, Kenya
Contract type Local ICA Support
Contract level LICA7
Duration Ongoing contract (Openended, subject to organizational requirements,
availability of funds and satisfactory performance)
Application period 01Sep2021 to 15Sep2021

Applications to vacancies must be received before midnight Copenhagen time (CET) on the closing date of the announcement.

Background Information PSC

Peace and Security Cluster

The UNOPS Peace and Security Cluster (PSC) is a principal service provider in the field of mine action with the United Nations Mine Action Service (UNMAS), UNDP, UNICEF, Governments of mineaffected countries and other mine action partners. It is led by the Director, who has overall authority and accountability for the performance PSC on behalf of its clients. The Director is responsible for administering and providing oversight of the daytoday management of the Project Field offices, both according to the client requirements and in line with UNOPS rules and regulations.

UNMAS

United Nations Mine Action Service (UNMAS) is a division of the Office of Rule of Law and Security Institutions (OROLSI) in the Department of Peacekeeping Operations (DPKO). UNMAS is mandated by the United Nations General Assembly (RES/68/72) to ensure an effective, proactive and coordinated response to the problem posed by a wide range of explosive hazards. Legislative mandates also recognize UNMAS technical expertise in responding to threats posed by unsecured and unsafe conventional weapons and ammunition stockpiles. As an office within DPKO, UNMAS supports peacekeeping and special political missions in accordance with Security Council mandates.
UNMAS as a component of the United Nations Support Office in Somalia (UNSOS) provides explosive hazard management capacities, including mitigation, to AMISOM as part of a logistical support package. Nonlethal tactical advice and analysis are delivered by UNMAS technical advisors located in each AMISOM Sector Headquarters and at AMISOM Force Headquarters, who support AMISOM planning and operations. UNMAS support includes both enabling ("operate in spite of IEDs”) and response ("defeat the device”). As a component of the UN Mission in Somalia (UNSOM) UNMAS also supports the Federal Government of Somalia, including the Somali Police Force, Somali Explosive Management Authority and National Security Advisor.
Functional Responsibilities

Under the supervision of the Project Manager for Capacity Building (CB) in Human...
Competencies
.
Treats all individuals with respect; responds sensitively to differences and enc...
Education/Experience/Language requirements

Education: First level university degree (Bachelor’s of equivalen...
Contract type, level and duration

Contract type: Local Individual Contractor Agreement (LICA) Contract le...
Additional Considerations

Please note that the closing date is midnight Copenhagen time Applications ...
Background Information UNOPS
.
UNOPS is an operational arm of the United Nations, supporting the successful imp..



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip