HALKAAN KA AQRISO W/WARGEYSKA MOGADISHU TIMES TALAADO 30-AUGSTO 2021

0
Tuesday August 31, 2021 - 08:22:53 in Wararka by
  • Visits: 503
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    HALKAAN KA AQRISO W/WARGEYSKA MOGADISHU TIMES TALAADO 30-AUGSTO 2021

    ...

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

... ...
ROOBLE IYO MUSHARAXIINTA MUCAARADKA OO HAL QODOB ISKU RAACAY
Ra'iisul wasaaraha xukuumadda Sooma aliya, Maxamed Xuseen Rooble ayaa Shalay markale kulan gaar ah la yeeshay xubnaha gol aha midowga musharixiinta, waxayna ka wadahadleen arrimaha doorashooyinka iyo dardargelintooda
Kulanka oo ahaa mid xasaasi ah ayaa wax aa sii gaar ah diiradda loogu saaray in doora shada ay noqoto mid hufan, daahfuran, islamarkaaana waqtigeeda ku dhacda.
Sidoo kale xukuumadda iyo musharixiinta mucaaradka ayaa isla gartay in si wada jir ah looga wadashaqeeyo qabsoomida doorashooy inka billowday ee 2021ka, sida uu shaaciyey af hayeenka xukuumadda federaalka Soomaaliya, Mudane Maxamed Ibraahim (Macallimuu)
"Ra'iisul Wasaaraha iyo Midowga Musharra xiinta ayaa isla gartay in si wadajir ah looga wa da shaqeeyo bilaabista wajiga labaad ee doora shada Golaha Shacabka ee BFS, si dhowna lo oga wada shaqeeyo arimaha u baahan kala ca deeynta," ayuu yiri Macallimuu.
Afhayeenka ayaa sidoo kale intaasi kusii da ray in Rooble uu midowga musharixiinta la wad aagay talooyin ku aaddan turxaan bixinta iyo ka la caddeynta qodobbada qaar ee ku xusan hab raacii arrimaha doorashooyinka ee Golaha Wa datashiga Qaranku soo saareen.
Labada dhinac sidoo kale ku ballamay shi rar kale, si ay usii socdaan wadahadallada ku aadan arrimaha doorashooyinka dalka oo haa tan maraya meel wanaagsan.
Rooble waxaa sidoo kale kulankan ku wehl inayey xubno ka tirsan golihiisa wasiirada, sida wasiirka waxbarashada Soomaaliya, wasiir ku xigeenka warfaafiinta iyo mas'uuliyiin kale.
Doorashooyinka Soomaaliya ayaa soo ma ray marxalado kala duwan, waxaana hadda qa bsoomay intooda badan doorashooyinka xubna ha Golaha Aqalka Sare ee Soomaaliya.


CARO XOOGGAN OO KA DHALATAY IIBINTA TIYAAT ARKA IYO WARARKII UGU DAMBEEYEY
Qaar ka mid ah Abwaanada Soomaaliye ed iyo fanaaniin ka tirsan hobollada qaranka ee Waabari oo la hadlay warbaahinta ayaa si we yn uga soo horjeestay in la iibiyo ama la kiree yo qeyb ka mida dhismaha xarunta Tiya atarka Qaranka.
Abwaan Cabdi Dhuux Yuu suf oo ka mid ah abwaanada macaga ku leh fanka Soom aaliyeed oo madasha ka had lay ayaa ku eede eyey in maareeyaha Tiyaata rka Abwaan Cabdi qaa dir Cabdi (Shube) uu ga lay heshiiska lagu iibiy ey xarunta dambe ee Ti yaartarka, islamar kaa na uu 250 dollar uga ki reeyey shirkad maq aa yadley ah, sida uu had alka u dhigay.
Dhuux ayaa heshiiskan ku tilmaamay mid iha ano ah, islamarkaana ay tahay wax laga xisho odu in lacago yar lagu kireeyo xaruntii weyneyd ee Tiyaatarka Qaranka. "Inuu heshiis sameey ey la galay shirkad maq aayadley ah oo uu yiri 20 sanadoodbaan kirey nayaa golihii murtida, kuna kireeyey 250 dollar, taasina waa ihaano kale Tiyaatarka in lagu kire eyo 250 dollar bishii meelaha yar yar xitaa lagu ma kireeyo," ayuu yiri Dhuux.
Sidoo kale wuxuu intaasi kusii daray "Wa xaa kaloo layaableh wasiirka warfaafinta Prof. Dubbe warqadbuu qoray baraha bulshada oo idil ku jirta wuxuu ka hadlay baarka oo dayactir yar lagu sameynayo iyo meel bannaan oo laga dhisaayo guri weyn oo madaxda ay ku nasato, waxaa weeye nasasho ka hor meeshaan Um madda waxay ugu fadhidaa qiimo waxaa laga hanuuni jiray Ummadda waxna looga sheegi jiray martidaa lagu soo dhoweyn jiray.'".
Abwaanka oo hadalkiisa sii wata ayaa xusay in arrin la yaable ay tahay in Shalay la hawees to golihii murtida iyo madadaallada, islamarka ana laga dhigo maqaayad.
"Shalay in la haweesto Shubana uu yiraah waan iibsanayaa, Dubbana uu yiraahdo waxaa laga dhisayaa guri weyn oo maqaayad casri ah & meel ay madaxda ku nasato oo amni ay ku hesho qoraalka waa idinla qeybinayaa waxaas ayaa ku qoran," ayuu sii raaciyey.
Dhankiisa Abwaan Maka Xaaji Banaadir oo shirka jaraa'id ka hadlay ayaa shaaca ka qaad ay in aysan aqbali doonin in la iibiyo ama la kire eyo xarunta qaran ee Tiyaatarka.
"Horta dadka la sheegaayo oo aan magacy adooda maqlowno meesheynee noogu yimide en, iyaga oo jaakeysan dalkana kaseynin, dadk iisana kaseynin. Ma aqbaleyno daadad noo yim id oo markii ay baxayaan na qaadi rabo" ayuu yiri Abwaan Maka Xaaji Banaadir.
Sidoo kale Xalwo Maxamed Naxar oo ka mid ah Hobolada Waabari ayaa ugu baaqday mad axda dowladda federaalka ah in ay soo farogel iyaan arrintan, waxayna sidoo kale ka dalbatay in 24 saac gudahood ku xiraan wasiir Dubbe iyo Abwaan Shubbe.
"Waxaa lasoo maray 30 sano oo burbur ah oo wadanka baaba'sanaay, maalina lama haw eysan Tiyaatarta. Anigu dowladda Soomaaliye ed haddii aan Dubbe iyo ninka la yiraahdo Shu be 24 saac ee soo socda jeebo aan lagu dhuf an dowladda waa kasoo horjeesaneynaa," ayey tiri Xalwo Maxamed Naxar oo ka mid ah hobo lada Waabari.
Si kastaba hadalkan ayaa ku soo aadayo, iy adoo Caasimada Online ay horey baahisay xog ku aadan Tiyaatarka, taas oo sheegeysa in dhul ka tirsan Tiyaatarka, islamarkaana ah me el banaan oo ka kooban dhowr boos lagu war eejiyay Shirkadda Xaawo Taako oo ay leeyihiin rag ganacsato ah, islamarkaana laga furi do ono maqaayada weyn oo casri ah.
DF SOOMAALIYA OO KA LAABATAY IIBINTII TIYAAT ARKA QARANKA
Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiis ka Cismaan Dubbe ayaa hakiyey "ijaarka iyo dib u hawlgelinta maqaaxida" Tiyaatarka Qar anka, isaga oo fulinaya ammarka Ra'iisal Wasa are Maxamed Xuseen Rooble, sida uu ku shee gay warsaxaafadeed uu soo saaray.
 
Arrintan ayaa ka dambeysay kadib markii ay qaar ka mid ah Hal abuurka iyo fannaaniinta qaranka ay ka keeneen cabasho, ayaga oo isu soo bax Shalay ka sameysay Muqdisho.
"Aniga oo fulinaya ammarka Raisal Wasa araha JFS Md. Maxamed Xuseen Rooble waxa aan joojiyey dib u hawlgelinta maqaaxida Tiy aatarka illaa amar dambe kaddib markii laga ke enay cabasho ku aaddan dib u furisteeda,"
Caasimada Online ayaa Axaddii shaacisay sida ay sheegtay in dhulka laga iibiyey shirkad gaar loo leeyahay, balse warqadda kasoo baxday Dubbe lagu qoray in la kireeyey, si loogu qariyo xaqiiqda iibka.
Xog aysheegtay in ay heshay Caasimada Online ayaa sheegaysa in dhulkaan oo ka tirs an dhismaha Tiyaatarka islamarkaana ah meel banaan oo ka kooban dhowr boos lagu ware ejiyay Shirkadda Xaawo Taako, oo ay leeyihiin ganacsato.
Abwaan Cabdi Dhuux Yuusuf oo ka mid ah abwaanada macaga ku leh fanka Soomaaliye ed ayaa ku eedeeyey in maareeyaha Tiyaatar ka Abwaan Cabdiqaadir Cabdi (Shube) uu ga lay heshiiska lagu iibiyey xarunta dambe ee Tiy aartarka, islamarkaana uu 250 dollar uga kireey ey shirkad maqaayadley ah, sida uu hadalka u dhigay.
Cabdi Dhuux ayaa heshiiskan ku tilmaamay mid ihaano ah, islamarkaana ay tahay wax laga xishoodu in lacago yar lagu kireeyo xaruntii we yneyd ee Tiyaatarka Qaranka.
"Inuu heshiis sameeyey la galay shirkad ma qaayadley ah oo uu yiri 20 sanadoodbaan kir eynayaa golihii murtida, kuna kireeyey 250 dol lar, taasina waa ihaano kale Tiyaatarka in lagu kireeyo 250 dollar bishii meelaha yar yar xitaa laguma kireeyo," ayuu yiri Cabdi Dhuux.
Xigasho:caasimadda.net

SHAQAALE AJAANIB KU XAYIRNAA XEEBAHA PUN TLAND OO DALKOODA LAGU CELIYAY
Safaaradda Indonesia ee Nairobi ayaa ku guuleysatay inay dib u soo celiso 12 shaqaale oo u dhashay dalkeeda, kuwaas oo muddo ka badan siddeed bilood ku xayirnaa markab kalluumeysi oo lagu magacaabo Liao Dong Yu oo ku sugnaa xeebaha Puntland.
Danjiraha Indonesia Kenya, Uganda iyo J/D/ Congo M Hery Saripudin ayaa sheegay in dha mm aan shaqaalaha markabka ay ku shaqeyn ayeen xaalado nololeed oo aad u liitay.
Safiirka ayaa sheegay in shaqaalahaan oo qandaraasyada ay ku shaqeynayeen uu dhama aday horraantii 2021, ay shirkadaha shaqaa ley siisay ku qasbeen inay ku shaqeeyaan cadaa dis. Habka dib loogu soo celinayay shaqaalah an u dhashay dalka Indonesia waxay bilaabat ay subaxnimadii Axadda, Ogosto 22, 2021 ka dib markii doonyo yar loogu diray xeebta Maga alada Xaafuun ee G/Bari ee M/mulgoboleedka Puntland.
27kii Ogosto 2021, ayay shaqaalahaan ka a mbabaxeen Soomaaliya kuna sii jeeday Indon esia iyagoo sii maray Addis Ababa, Itoobiya, waxayna dalkooda gaareen Sabtidii 28ka Og ost.Saddex ka mid ah shaqaalahan oo lagu ka la magacaabo, Irvandi Wabula, Riki Rikardo iyo Valentino Vrangklen Lontaan, ayaa isla marki iba ay dalkooda tageen waxaa looQaaday isbitaalka si loogu daweeyo.
 

MD.CALI GUUDLAAWE OO KALA HADLAY AMISOM AMMAANKA DOORASHADA
Madaxweynaha dowlad Goboleedka Hirshabeelle Cali Guudaawe Xuseen ayaa kula kulmay magaalada Jowhar ku xigeenka mad axa howlgalada ee Burundi, Major Tuyisenge Jean isagoo kala hadlay ammaanka doorasha da la qorsheynayo in lagu qabto magaalada Jowhar.
Saraakiisha ka socotay Ciidamada AMISOM oo uu horkacayay kulmay ku xigeenka madaxa howlgalada ee Burundi, Major Tuyisenge Jean ayaa sheegay in Ciidankooda ay si weyn uga qeyb qaadan doonaan sugida Amniga doora shooyinka.
Madaxweynaha dowlad Goboleedka HirShaeelle Cali Guuaawe Xuseen ayaa ayaa bo gaadiyay doorka Ciidanka Burundi ee AMISOM ee ku aaddan Nabadgelyada doorashooyinka soo socda.
Magaalada Jowhar ee Caasimadda HirSha beelle ayaa waxaa ay kamid tahay goobaha loo asteeyay inay ka dhacaan doorashooyinka la bada Aqal,waxaana lagu wadaa in toddobaad ka soo socda ay ka dhacdo doorashada Senatarada Aqalka Sare.

KULAN LOOGA HADLAYAY XOOJINTA AMNIGA OO LAGU QABTAY M/GAALKACYO
Duqa Degmada Gaalkacyo Cabdiraxmaan Shiikh Xasan ayaa ka qeyb galay Kulan looga hadlayay Xoojinta Amniga Magaalada Gaa lkacyo kaasi oo ay goobjoog ahaayeen Saraaki isha ugu Sareysa Taliska Qeybta booliska Gob alka Mudug, Kan Degmada
Gaalkacyo iyo Taliska Na bad Sugida.
Kulan intii uu socday ayaa la iska xog warayst ay ammaanka guud ee mag aalada iyo Maandooriyaha waxaana lagu adke eyay sii wadista Ha wlgalada Amniga lagu Sug ayo.
Maayarka Degmada Gaalkacyo Cabdiraxm aan Shiikh Xasan oo Saraakiisha Amniga ku amaanay Shaqada ay bulshada u hayaan ayaa u gu baaqay Shacabka Gaalkacyo in ay la shaq eeyaan Laamaha Amniga kuna soo wargeliya an qatar kasta oo ay dareemaan si Gaalkacyo u noqoto goob ka caagan dagaalamaayasha Alshabaab oo inta badan dilal iyo qaraxyo ka fuliya Magaalooyink iyo degaanno ka tirsan Go bolka Mudug.
MAXKAMADA CIIDAMADA OO XUKUNTAY SAWIR QAADE U SHAQEYNAYAY DAACISH
Maxkamadda Derajada 1aad ee Ci ida mada Qalabka sida oo soo gabagabeysay dha geysiga dacwad ka dhan ah Cabdisamad Ibraa him Cumar kuna eedeysan in uu katirsan yahay Daacish ayaa ku xukuntay "10 sano oo xabsi ciidan ah". Cabdisamad waxaa la xiray dhammaadkii 2020 ka dib markii lagu eedeeyay inuu katirsan yahay Daacish tan & 2016kii, wa xa uu ku dha shay M/Gaarisa, safar ayuu ku tagay Magaalada Boosaaso oo uu uga sii gudbay Buuraha Galgala sida hadalka loo dhigay.
Tababar ayuu kusoo qaa tay Tuulada Il & Ca maaro sida xafiiska xeer ilaalinta Ma xkamadda Ciidamada qal abka sida uu kahor sheegay Max kamadda, waxaana markii dambe loo wareej iyay qaybta muuqaal duubista.
Xafiiska Xeer Ilaalinta ayaa Maxkamadda ka Codsaday "in ciqaab adag la mariyo maadaa ma uu ku eedeysan yahay qalqalgelinta Amnig a Magaalada Muqdisho, kahor inta aysan soo qab an Ciidamada ammaanka ee Garoonka Diyaaradah Aadan Cadde" sida qora alka Maxk amadda lagu muujiyay.
Guddoomiyaha Maxka mad da Derajada 1a ad ee Ciidamada Qalabka Sida Gaashaanle Sare Xasan Cali Nuur Shu ute oo ku dhawaaq ay xukunka Maxkamadda ayaa sheegay in Cab disamad Ibraahim Cumar lagu xukumay 10sano oo xabsi ciidan ah.
Maxkamadda Ciidamada qalabka sida ayaa maalmihii lasoo dhaafay waxa ay soo bandhige ysay shaqsiyaad ku eedeysan in ay katirsan yi hiin AlShabaab iyo Daacish & kuwo la xuku may oo dhageysiga kiisaskooda heerar kala du wan maray.

CIIDAMADA BADDA PUNTLAND OO HOWGALLO KA SAMEEYAY GOBOLLADA BARI IYO SANAAG
Ciidamada badda Maamul Goboleedka Pun tland ayaa howgallo qorsheysan ka fuliyay deg aanno ka tirsan Gobolka Sanaag, waxaana si gaar ah ay Howgalka kaga sameeyeen buurale yda Calmadow ee Gobollada Bari iyo Sanaag.
Howgalka oo ahaa mid Qorsheysan ayaa waxaa si gaar ah u fuliyay Ciidamada badda Pu ntland ee PMPF, waxaana ay sheegeen in u je edku ahaa sidii degaanadaa asi looga saari lah aa dagaa lamayasha AlShabaab.
Intii howgalku socday wax aa ay Ciidamdu ta geen dega anada kala ah Durduri, Ceela ayo, Dhadhaab, Warbid, Majayahan iyo Togga Dhagcaan, halkaasi oo la sheegay in aysan jirin wax iska hor imaad ah oo ak dhacay sida dad ka degaanku ay kusoo warramayaan.
Ciidamada kala duwan ee Maamul Gobole edka Puntland ayaa inta badan waxaa ay dag aallo qaraar ay Alshabaab iyo daacish kula gal aan dhulka Buuralayayda ah oo ay ku xooggan yihiin dagaalamayaashu.

MEYDKA NINKII WEERARAY DAR ES SALAAM OO LA AASAY
Meydka Xamsa Maxammed, oo ku dhintay is rasaaseyn dhexmartay booliska Tanzania iyo isaga, ayaa lagu aasay magaalada Dar es Salaam habeenimadii Axadda.
Meydka ayaa la aasay kadib markii la geeyay Masjidka Ma muur ee Upanga ee Dar es Sa laam halkaas oo loogu tukaday salaadda Jan aasada.
Sida uu qoray wargeyska Mwananchi,meydka ayaa mar kii hore la filayay in la aaso 7 da fiidnimo balse afhayeenka qoyska Abdulrahm Hassan ayaa sheegay in meydka uu dib u dha cay sababo la xiriira baarista kiiska. Afar qof ay aa ku dhimat ay lix kalena way ku dhaawacmeen isbuucii la soo dhaafay is rasa aseyn ka dhacday isgoys ka waddooyinka Keny atta iyo Kinondoni oo u dhow Safaaradda Far ansiiska ee Daarusal aam.
Madaxa howlgallada booliska, Liberatus Sa bas, ayaa Wakaaladda Wararka ee Reuters u sheegay in aan la ogeyn ujeeddada uu lahaa nink weerarka geystay.

LAANQEYRTA CAS IYO BISHA CAS OO CAMBAAR EEYEY WEERAR LAGU QAADAY XARUNTII BISHA CAS BAARDHEERE
Guddiga Caalamiga ah ee Laanqeyrta Cas (ICRC) iyo Ururka Bisha Cas ee Soomaaliyeed (SRCS), ayaa cambaareeyay weerar lagu qaa day xarunta ururka bisha cas ee magaaladda Baardheere ee gobolka Gedo.
Qoraal ay si wadajir ah ay u soo saareen ur uradan ayay ku sheegeen inay ka xun yihiin dabkii loo geystey xaruntii bisha cas ee Baar dheere iyo dhaawac loo geystey qaar ka mid ah shaqaalihii xaruntaas.
"Sadexdeena saaxiib ayaa ka soo kaban aya dhaawacyada soo gaaray. Waxa aan qiime yneynaa waxyeellada soo gaartay xarunta caafi maadka laakiin burburka ayaa aad u ballaaran. Dabka ayaa gabi ahaanba baabi'yay xarunta caafimaadka iyada oo ay da mintiisuna saacado qaadat ay."ayuu yiri Axmed Maxam ed Cadale,agaasima ha SR CS .
Sidoo kale Madaxa ICRC ee dalka Soomaaliya Juerg Eg lin ayaa sheegay in dabka loo geys tey xaruntan ay saa meyn ku yeelatay illaa labo kun oo ruux oo baaritaano loogu sameyn jirey xaruntan bil walba.
"Tani waa wax aan la aqbali karin! Qoysas ka iman jiray xarunta caafimaadka ayaa hadda ku qasban in ay meelo kale daryeel caafimaad u raadsadaan. Ma jirto sabab loo weerari karo xarun ama shaqaale caafimaad." ayuu yiri Jue rg Eglin, Madaxa ICRCda Soomaliya.
Helitaanka daryeel caafimaad ayey wali dhi baato ka jirtaa gudaha Soomaaliya iyada oo ay inta badan xarumaha caafimaadku ku yaalaan goobo aysan bulshada badankeedu gaari karin. Kaliya 15 boqolkiiba oo ah dadka ku nool miy iga ayaa la qiyaasayaa in ay helaan daryeel ca afimaad, arintan oo ah caqabad ay uga sii dar aan colaadaha iyo dhibaatooyinka cimillada ee socda.
Xarunta caafimaadka Baardheere waxaa la furay sanadkii 2000 waxaana maamula 19 sha qaale caafimaad ah. Xarunta ayaa la ballaariy ay sanadkii 2018 waxa ayna bixisaa adeegyo caafimaad oo bilaash ah oo ay ku jiraan dar yeelka bukaan socodka, barnaamijka nafaqeyn ta iyo sidoo kale bartilmaameedka quudinta dheeriga ah si qoysaska loogu caawiyo in ay ka hortagaan nafaqo darrida caruurta. Xaruntan caafimaad ayaa ka mid ah 29 xarun caafimaad oo ay Soomaaliya ku leedahay Laanqeyrta Cas oo ay ICRCdu taageerto.
 

WASIIR FIQI "WAAN LA XISAABTAMEEYNAA DADKA LACAGAHA SIIYA ALSHABAAB
Wasiirka Wasaaradda Amniga dowlad Goboleedka Galmudug Axmed Macalin Fiqi ayaa sheegay in Galmudug iyo Puntland ay iska kaashan doonaan sidii loo soo afjari lahaa Xubnaha ka tirsan Ururka AlShabaab Ee ku sugan degaano ka tirsan Koonfurta Galmudug.
Waxaa uu hadalkiisa uu intaasi ku daray in Ciidamada Puntland & Galmudug ay ka go'an tahay sidii loola dagaalami lahaa AlShabaab, waxaana uu si cad u sheegay inay yaraatay awooda AlShabaab.
Wasiir Fiqi waxaa uu sheegay in dagaalkii degaano ka tirsan koonfurta Gobolka Mudug ka dhacay AlShabaab looga digay in ka badan 250 dagaalyahan, waxaana uu qiray inay dhawaan AlShabaab qabsadeen Gaadiid dagaal.
Dhinaca kale Wasiirka Wasaaradda Amniga dowlad Goboleedka Galmudug Axmed Macalin Fiqi ayaa uga digay dadka lacagaha siiya AlShabaab, waxana uu sheegay in dadkaasi lala xisaabtani doono.

DUUFAAN KU DHUFATAY MAREYKANKA OO KHASAARO SABABTAY
Magaalada New Orleans ee dalka Mareykanka ayaa waxaa ka maqan koronatada waxaana shaqeynaya Matoorada oo kaliya iyadoo duufaanta Ida ay ku dhufutay gobalka Louisiana.
Duufaanta Ida ayaa waxa ka dhashay dabaylo xooggan oo xawaare dheeraya ku socda.
Duufaanta waxay keentay dabeylo 150mph (240km/h) markii ay dhulka ku soo dhacday waxaana dadka gobolkaas lagula taliyay inay raadsadaan meelo ay kaga gabbadaan duufaanka dabaylaha xoogan wadata.
Hal qof ayaa ku dhintay daybalaha kaddib markii uu geed ku soo dhacay gurigooda oo ku yaala kaniisadda Ascension, ee aagga Baton Rouge.
Madaxweyne Joe Biden ayaa sheegay in duufaanta Ida ay noqon doonto "mid halis gelisa dadka deegaanka", iyada oo laga yaabo in burbur aad u weyn ay horseedo.
RA'IISAL WASAARIHII HORE EE AFGHANISTAN OO SHEEGAY IN AANU DAALIBAN AQOONSAN ISKUNA DHIIBAYN
Ra'isal wasaarihii hore ee Afghanistan, Amrullah Sa leh, oo maqaal ku qoray wareyskaJarmalka ka soo baxa ee Der Spiegel ayaa sheegay in aanu aqoonsanayn xukunka Daalibaan isla markaana aanu isku dhiibayn.
Saleh oo Kabul ka baxsaday bishan ayaa haatan gacan ka geysanaya iska caabinta Daaliban lagaga soo horjeedo ee ka taagan dooxada Panjshir ee dalkaas. Tan iyo markii uu Madaxweyne Ashraf Ghani u qaxay Imaaraadka horaantii bishan, Amrullah Saleh, wuxuu isku sheegay inuu isagu yahay hogaamiyaha dalka. "Juquraafi ahaan waan u go'doonsannahay laakiin siyaasad ahaan iyo niyad ahaan ba Afghanistan baa na la jirta"ayuu yidhi.
Wuxu sheegay in Daalibaanku "aanay weligood ba qabin in arimaha lagu xaliyo heshiis siyaadeed".
"Waxay ka faa'iidaysteen demenaanta, daalka iyo aragti gaabnidad Aqalka Cad ee labada goor ee ay Trump iyo Biden talada hayeen" ayuu intaa kud aray.
Wuxuu soo jeediyey talo ah in weli uu jiro xal wax lagaga qaban karayo qabashada Daalibaan "Pakistan waa in loogu hanjabaa in cunoqabatayno gaar ah lagu soo rogo,la dalbado xal siyaasadeed iyo sidoo kale in aqoonsi siyaasadeed iyo taageero ba la siiyo kooxda ka soo horjeeda Daalibaan ee National Resistance ee dooxada Panjshir".
 

MW MAAMULGOBOLEED OO ISKA DIIDEY MASHR UUC BALAAYIIN DOOLLAR AH (MA MALAYN KARTID WUXUU KA DOORTAY?!!).

Riwaayad gaaban! Madaxweyne maamul gob oleed ayaa aqoon yahanno kula taliyeen: dhu lkaagu waa nabad, khayraad ayuu ka buuxaa, maal gashi badan ayaad adduunka ka heli kartaa.
Dowladdaada dhexe iyo soomaalida oo dhan wey kula oggolyihiin we yna kula dhuuqayaan, ee fikirka iyo xoogga saar si dii aad mashaariic waaweyn (Mega Projects) u qorshayn lahayd, ugana shaqayn lahayd, (we rshedo, dekedo, waddooyin) dad aqoon iyo xi rfad lehna ugu xuli lahayd, adiguna u dhergi la hayd, dadkaaguna sabool nimada uga bixi la haa?
Wuxuu yiri: Taas hadda looma joogo, rag ba anu is haynnaa, (doorashadii) ayaanu isku hay nnaa, (xildhibaannadii ayaa loolan adag ka ji raa) taas ayaa ugu muhimsan dalka hadda, wa xaan aad sheegeysaan iyagaa iska iman dona.
Midda kale mashaariicda aad sheegeysaan 25 bilyan oo doollar ayey u baahantahay! Xa gee laga keeni? Wexey ku yiraahdeen iyaga oo yaabban: Mudane rabitaanka iyo go'aanka ay aa wax walba ka horreeya, 5ta bilyan ee kula culus dad bey adduunka kala fududahay koob shaaha.
Haddey luntana xitaa aan dareemin! Sida la gu keeni karana dad bey xirfad u tahay! Hanti weynna waad haysataa! Isagoo hoos isula ha dlaya, oo bushimaha dhaqaajinaya ayey ark een, Madaxweyne, haa..: Aqalka sare immisa ayaan ku yeelanayaa?
Liiska xildhibaanada…meeqa ayey iga rab aan? 10….15…30……Aqoon yahannadii ayaa meesha ka kacay iyaga oo dhabannada haysta oo leh: Ilaahay soomali ha u gargaaro. Mad axweynihiina taleefan ayaa u soo dhacay:
Hello, Hello Madaxweyne, codad la isku hubo ayaan kuu wadaa, haye soo gala.. soo gala!!
FG: Sheekadani waa miisaal laga soo qaatay marxaladda uu dalku marayo.
WQ: Sheekh Maxamed Idriis
XIGASHO:SOMALIWEYN.COM
 
MIDAWGA MUSHARIXIINTA OO RIYOODAY!!!.
 
Shalay oo taariikhdu aheyd 29/8/2021. waa tan, Afarta qoddob ee looga hadlay kulanka Mi dowga Musharaxiinta oo kala ah:
1. Daah furnaanta doorashada, mugdiga soo galay, niyadjabka bulshada Soomaaliyeed, isla markaana uu mas'uul ka yahay Madaxweynaha muddo xileedkiisa uu dhamaaday ee Farmaajo.
(Shacabka: In Mugdi soo galay Door ashada waa ognahay, Bulshadu in ey Adinka iyo Iyagaba ka wada niyad Jabtay waan ogah ay, In Farmajo muddo xileedkiisii dhamaday waan ognahay).
2. In la is xasuusiyay in Golaha Mido wga Muaharixiinta u taagan yihiin in dalkaan doorashooyin xor iyo xalaal ah oo la isku hal eyn karo oo daah furan ay ka dhacdo dalka.
(Shacabka: Maxaad na xasuusineysiin oo aan hilmaanay ?. in Adinka Laftiinu aad Mu sharixiin tihiin ayaan hilmaanay, ileeyn umaba dhaqantiin sida Dad Musharixiin ah oo wax ka maqanyihiin).
3. Inay wadahadallo la leeyihiin madax da Golaha wadatashiga doorashooyinka, si gaar ah dowlad Goboleedyada, iyaga oo u gu dbiyay tabashada ay ka qabaan habraaca doo rashada, wixii kasoo baxana ay Bulshada la wadaagi doonaan.
(Shacabka: Tabashadiina idiin gaarka ah ay aad Gudbiseen ee Tii shacabka ma gudbinina, waxaadna u gudbiseen, Niman waxa aad Adin ku Rabtiin iyaguna rabo, Jawaabta aad sugeey siin waa: Magan Alla, Sadaqo idiinma heeyno).
4. In Xukuumadda uu horkacsyo Ra'iisul Wa saare Rooble ay wadahadallo la leeyihiin, isla markaana ay ka arrinsanayaan sidii dalka uga dhici laheyd doorashooyin xalaal ah oo la isku raacsan yahay.
(Shabka: Baraha Bulshada, ayaan ku aragn ay in aad Adinka iyo Wiilka yar oo aad dhali kartiin, oo aan ogeyn in uu xukuumad aan jirin uu hogaamiyo iyo Adinku aad Makhaayada Ho tel Jazeera wada Fadhideen, oo aad ka wada hadasheen Cidii Biilka Makhaayadda bixin leheyd).
Gunaanad.
Midawga Musharixiintu iyaga oo Riyoonayo ayeey weli ka cabsanayaan Nin Boorso sii wato oo iska tagay Hooskiisa. ( F.S: 1aad)
FG: Aragtidaada Xur ayaad u tahay wixii ka khaldan ka sax

 Qore: Yahya Amir

GEERIDA "LIBAAXA MUQDISHO' OO LA TUHMAYO INAY AHEYD MID LA QORSHEEYEY
Waxaa soo baxaya tuhuno la xiriira in geer ida Jeneral Paul Lokech oo la yaqiin "Libaaxa
Muqdisho", kaasi oo Sabtidii lagu aasay dalka Uganda, ay aheyd mid la qorsh eeyey oo ay ku lug lahaayeen gacmo kale.
Jeneral Lakoch, oo 55 jir ah aa, ayaa hoggaamiyey howlgal kii 2011 AlShabaab looga xoreeyey Muqdisho, taasi oo uu ku muteystay naaneysta "Libaaxa Muqdisho," ayada oo aaskiisa uu ka qeybgalay madaxweyne Shariif Sheekh Axmed oo xilligii la xoreeyey Muqdisho dalka madaxweyne ka ahaa.
Markii uu geeriyooday 21kii August waxa uu 8 bilood oo kaliya ahaa kuxigeenka dambibaaraha guud ee booliiska Uganda.
Wargeyska Daily Monitor ee Uganda ayaa sheegay in durbadii uu dhintay Jeneral Lokech suuqa lasoo geliyey inuu u dhintay dhiigga u xinjiroobay, xitaa kahor inta aanay dhaqaatiirta baarin oo aanay shaacin sababta rasmiga ah ee dhimashada.
Wargeyska ayaa yiri "Dadka Uganda waxay illaa hadda isweydiinayaan sidee durba shac abka uga war heleen sababta geerida, ayada oo aan wax baaritaan rasmi ah la sameyn."
Arrinta kale ee tuhunka dhalisay ayuu wargeys ka ku sheegay in bayaan ay soo saraeen boolis ka, kadib baaritaan ay sameeyeen afar dhaq tar, lagu sheegay in sababta dhimashada ay aheyd dhiigga oo xinjiroobay, taasi oo waafaq day war suuqeedkii horey u jiray.
"Sidee ayey ku ogaadeen dadkii suuqa soo geliyey sababta dhimashada kahor inta aanay baaritaan la sameyn ama booliska shaacin. Si dee war suuqeedka iyo warbixinta booliska isku waafaqeen?," ayuu wargeyska Daily Monitor ku yiri faallo uu qoray.
Warbixinta wargeyska ayaa lagu sheegay in la tuhmayo in madaxweyne Museveni ay su urtagal tahay inuu ka dambeeyey dilka "Lib aaxa Muqdisho", maadama uu caan ku yahay inuu si hoose u dilo dadka ay isqabtaan kadib na sababo aan jirin loo sameeyo.
"Marka aad eegto guuldarrada Museveni ee ah inuu caddaaladda horkeeno dilayaasha dad badan oo caan ka ahaa Uganda, iyo xaqiiqda ah inuu marar badan sheegay arrimo aan sax aheyn, waad fahmeysaa sababta shacabka Uganda ay tuhun uga qabaan geerida Libaaxa Muqdisho."
Xigasho:dayniile.com Office Nairobi Kenya

GANTAALO LAGU WEERARAY GAROONKA DIYAARA DAHA MAGAALADA KABUL
Dhowr gantaal ayaa lagu tuuray gegida da yuuradaha caalamiga ah ee Kabul, maalin ka hor waqtigii loo qabtay in ciidamada Marey kan ka ay ka baxaan Afghanistan.
Aqalka Cad, oo xaqiijiyay weerarka, ayaa sheegay in hawlihii daadgureynta ee gegida dayuu radaha aan la joojin, isagoo intaas ku da ray in madaxweynaha Mareykanka Joe Biden laga wargeliyey gantaalkii ugu dambeeyay ee subaxnimadii Isniinta lala beegsaday Gegida Diyaaradaha ee Hamid Karzai ee Kabul. Sa rkaal Mareykan ah ayaa u sheegay wakaalad da wararka ee Reuters in gantaallada qaarkood ay dhexda u galeen nidaamka difa aca gantaall ada.Weerarkan ayaa imaanaya maalin ka dib markii ciidamada Mareykanka ay weerar la ba ad ku qaadeen dalka Afgaanistaan kadib weer arkii khamiistii ka dhacay garoonka diyaarada ha kaasoo ay ku dhinteen ku dhawaad 200 oo qof. Ugu yaraan 13 ask ari oo Mareykan ahay aa sidoo kale ka mid ahaa dadka la dilay.
Mareykanka ayaa sheegay in uu doonayay inuu ismiidaamin ka fuliyo weerarkii ugu dambe eyay ee diya aradaha aan duuliyaha lahayn ee ka dhacay Ka bul laakiin warbaahinta ayaa shee geysa in dho wr carruur ah lagu dilay dhacda daas oo burb urisay baabuur laga soo buuxiyay waxy aabaha qarxa.

DAALIBAAN OO WAR KASOO SAARTAY DUQEYNTII MAREYKANKU KA FULIYAY KABUL
Taalibaan ayaa ku eedeysay ciidamada Ma reykanka ee Kabul inay si sharci darro ah u ful iyeen weerar ay diyaaradaha aan duuliyaha lah ayn ee Mareykanku ku qaadeen caasima dda Afghaa nistaan ee Kabul.
Wareysi uu siiyay tel efishinka Shiinaha, afha yeenka Taalibaan Zabihullah Mujahid ayaa sheegay in Mareykanka ay ahayd in ay soo she egaan wax kasta oo khatar ku ah ururka.
Ehelada dhibanayasha ayaa BBC da u sheeg ay in la dilay 10 qof oo rayid ah oo ay ku jiraan lix carruur ah.
Milatariga Mareykanka ayaa hadda wada ba aritaan ku saabsan duqeynta diyaaradda.

TURKIGA OO GO'AAN CAD KA QAATAY XAALADDA AFGHANISTAN
Dowladda Turkiga ayaa go'aan rasmi ah ka qaadatay xaaladda dalka Afghanistan iyo sa faaradda ay ku laheyd magaalada Kabul ee Ca asimadda alkaas. Dowlad da Turkiga ayaa dib u furtay safaaradda magaalada Ka bul, iyadoo go' aan ku gaar tay inay sii wadato joogita ankeeda diblomaasiyadeed ee Afghanistan sida uu ku dhawaaqay madaxw eyne Recep Tayyip Erdogan.
Dowlada Turkiga ayaa markii ay Taalibaan qabsat ay dalkaas oo dhan waxay Kabul kasoo daad gureysay dad rayid ah iyo cii damo marka laga reebo kooxo farsamo ah oo ka shaqeeney say wadahadaladii dhex maray kooxda Daa libaan iyo Maamulka Ankara.
Erdogan oo dhawaan kasoo laabtay safar uu ku tagay Montenegro ayaa sheegay in safa aradda Turkiga ee Kabul ay u guurtay dhisma heeda Magaalada dhexdeeda ahaa kadib maa lmo ay ku shaqeeneysay gudaha Garoonka Diy aaradaha ee Kabul. "Qorshahayagu hadda waa in aan sidan ku sii wadno joogitaankeenna diblomaasiyadeed. Waxaan si joogto ah u cu sbooneysiineynaa qor shayaasheena iyadoo loo eegayo horumarka la xiriira xaaladda amn iga," ayuu yiri Erdogan.
Erdogan ayaa hadalada kasoo yeerayo koo xda Daalibaan ku tilmaamay inay yihiin kuwa abuurayo rajo wanaagsan isla markaasna ay rajeenayaan inay yeeshaan xiriir diblomaasiy adeed oo ku dhisan isfaham iyo wadashaqeyn.
Dowladda Turkiga iyo Taalibaan ayaa dhawaan isku fahmay in Turkiga lagu wareejiyo maamul ka Garoonka Diyaaradaha ee Kabul halka ko oxd Daalibaan ay la wareegi doonto ammaanka garoonka.

TIGRAYGA OO KU GACAN SEERAY HINDISE MIDO WGA AFRIKA KA YIMID, WEERARNA KU QAADAY
Xoogagga fallaagada ah ee ka soo jeeda gobolka Tigray ee uu dagaalku ka socdo ee Ito obiya ayaa ku eedeeyay Midowga Afrika (AU) eex, maalmo kadib markii ururku uu u magicaa bay madaxweynihii hore ee Nigeria Olusegun Obasanjo inuu dhexdhexaadiye ka noqdo cola adaha ka taagan dalka Itoobiya.
Afhayeenka Jabhadda Xoreynta Dadka Tig rayga (TPLF) Getachew Reda ayaa ku eedee yay AU in ay u eexatay dowladda Itoobiya, wuxuuna sheegay in ay "caqli darro tahay in la filaayo in how lgalkan uu shaqeeyo".
Waqooyiga Itoobiya ayaa waxaa hareeyey rabshado tan iyo bishii November ee sanadkii hore, markii Ra'iisul wasaare Abiy Ahmed uu ciidamo u diray gobolka Tigray, si ay u afgembi yaan TPLF oo ah xisbiga talada gobolkaas haya.
Abiy Axmed ayaa sheegay in ta llaabada uu ciidamada ugu diray gobolkaas ay jawaab u tahay weeraradii lagu qaaday xero oyinka ciidamada dowladda federaalka ku lah aayeen gobolka Tigray.
Guuleystaha abaalmarinta Nabadda ee No bel ee 2019, wuxuu ballanqaaday guul deg deg ah, laakiin dagaalku wuxuu sii jiitamayey mud do bilooyin ah, taas oo dhalisay dhibaato bini 'aadanimo oo ka dhacday gobolka Tigray, hal ka fallaagadu ay qabsadeyn qeybo kamid ah gobollada deriska la ah ee Canfarta iyo Am xaarada.
Abiy Ahmed ayaa horay u diiday inuu wada hadal la yeesho hoggaamiyeyaasha Tigrayga, isaga oo ku adkeystay inuu meesha ka saari doono madaxda TPLF.
Khamiistii, ururku Midowga Afrika wuxuu ku dhawaaqay inuu Obasanjo noqdo wakiilka sare ee Geeska Afrika, isagoo sheegay inay qayb ka tahay "dadaal lagu horumarinayo nabadda, am niga, xasilloonida & wadahadalka siyaasade ed".
Laakiin afhayeenka TPLF Getachew ayaa is ka fogeeyay qorshahaan, isagoo yiri: "Aad bay noogu adag tahay inaan ogaano sida dadku ay si macquul ah uga filayaan kaalin wax dhisaya hay'ad uu musuqmaasuqa u bixiyey magaca aad u xun".
"Xallinta xiisadda ugu yaraan waxay u ba ahan tahay in la qiro jiritaanka, iskaba daaye ba axadda ay le egtahay dhibaatada," ayuu ku qor ay Twitterkiisa afhayeenka TPLF. Dagaalka Itoobiya ayaa caddeeyey inuu ya hay mowduuc xaxaasi u ah Midowga Afrika oo xaruntiisu tahay Caasimadda Itoobiya ee Addis Ababa.
HOGAAMIYAHA UGU SARREEYA TAALIBAAN OO FAGAARO KA SOO MUUQANAYO
Ilo wareedyoTaalibaan ah ayaa u sheegay laanta Pashto ee BBC da in hoggaamiyahooda ugu sarreeya, Mullah Hibtollah Akhundzada, uu ku sugan yahay Qandahar oo uu dhowaan ka soo muuqan doono goob fagaare ah.
Mullah Hibtollah waa caalim diimeed ka soo jeeda Qandahar, waxa uu sannadkii 2016 kii madax u noqday Talibanka Afghanistan.
Waxaa la rumeysan yahay inuu bedelay jihadii Taalibaan oo uu u horseeday xaaladda ay hadda ku sugan tahay.
Wuxuu ka mid ahaa hoggaamiyeyaashii Islaamiga ahaa ee ka soo horjeestay ciidamadii Ruushka ee Afqaanistaan sanadihii 1980maadki, hase yeeshee marka la eego sawirkiisa guud wuxuu u muuqdaa hoggaamiye diimeed marka loo eego taliye milateri.
Madaxa xafiiska siyaasadda ee Taliban, Mullah Abdul Ghani Baradar, ayaa sidoo kale ka soo laabtay Kabul kuna soo noqday Kandahar.
Mullah Abdul Ghani Baradar ayaa ka mid ah afarta nin ee aasaasay Daalibaan sannaka markuu ahaa 1994 kii.
Dhowr hoggaamiye oo Taalibaan ka tirsan, oo uu ku jiro Mullah Baradar, oo dibad joog ahaa tan iyo markii Taliban ay qabsatay Kabul 15 kii Ogosto, ayaa dib ugu laabtay Afghanistan.
Dhanka kale, afhayeenka Taalibaan Zabihullah Mujahid ayaa sheegay in wadahadallo ay ka socdaan Afgaanistaan si loo soo dhiso dowlad cusub, dhawaanna lagu dhawaaqi doono.

MAGACYADA GOLAHA WASIIRADA CUSUB EE LA FILAYO INAY TAALIBAAN KU DHOWAAQDO

Hoggaamiye sare oo ka tirsan Taalibaan oo codsaday in aan magaciisa la shaaciin ayaa xaqiijiyey in Taalibaan ay ku jirto diyaargaroow gii ugu dambeeyay ee ku dhawaaqista Golaha Wasiirrada ee cusub oo la filayo inay ka mid noqdaan dhammaan xubnaha hadda ka tirsan golaha hoggaaminta.
Madaxa ugu sarreeya Taalibaan Hibatullah Akhundzada ayaa wadatashiyo ku qabanaya magaalada Kandahar, oo loo yaqaan meesha ay ku dhalatay kooxda Taalibaan, waxaana we heliya kuxigeennadiisa Sirajuddin Haqqani, oo ah madaxa shabakadda Haqqani, iyo Mullah Mohammad Yaqoob, oo ah wiilka aasaasaha Taalibaan Mullah Omar, ahna madaxa Guddiga militariga Taalibaan."Hoggaanka Taalibaan wuxuu hadda kala tashanayaa qowmiyado kala duwan, xisbiyo siyaasadeed iyo gudaha Imaa rada Islaamiga sidii loo dhisi lahaa dowlad ay ta hay in laga aqbalo, lagana aqoonsado gudaha iyo dibedda Afghanistan," ayuu Sher Moham mad Abbas Stanikzai, oo ah hoggaamiye kale oo Taalibaan ah ku yiri khudbad telefishanka laga sii daayay Sabtidii.
Liiska xubnaha hoggaamiya Taalibaan, oo la filayo in lagu daro Golaha Wasiirrada cusub ee Afghanistan waxaa ka mid ah;
1 Mullah Abdul Ghani Baradar, oo ah madaxa xafiiska siyaasadda ee caasimadda Qatar ee Doha.
2 Sheikh Abdul Hakeem, madaxa wada xaa joodka Taliban ee Doha
3 Sher Abbas Stanekzai, kuxigeenka kooxda wada xaajoodka ee Doha
4 Sadar Ibrahim, oo ahaa taliyihii hore ee gud diga militariga
5 Abdul Qayyum Zakir, taliyihii hore ee gud diga militariga
6 Mullah Fazil, wasiir ku xigeenkii hore ee ga shaandhigga
7 Abdul Manan Akhund, oo la dhashay aas aasaha Taalibaan Mullah Omar
8 Maulvi Noor Muhammad Saqib, madaxii ho re ee cadaalada Taalibaan
9 Amir Khan Muttaqi, wasiirkii hore ee warfaa finta
10 Abdul Salam Xanafi, oo xubin ka ah kooxda wadaxaajoodka Taaliban ee Doha
11 Qari Deen Muhammad, oo xubin ka ah koo xda wadaxaajoodka Taliban ee Doha
12 – Lateef Mansoor, oo xubin ka ah kooxda wadahadalka Taliban ee Doha
13 Sheekh Qaasim, oo ka tirsan kooxda wada xaajoodka Taliban ee Doha
14 Muhammad Zahid Ahmadzai, diblumaasi hore oo Taalibaan oo joogi jiray Pakistan
15 Maulvi Abdul Kabeer, guddoomiyihii hore ee gobolka Nangarhar
16 Sheikh Abdul Hakim Sharee, oo ah wadaad saamayn badan leh
17 Noorulah Noori, maxbuuskii hore ugu xir naa jiray xabsiga Guantanamo Bay
Waxaa sidoo kale Golaha Wasiirada la fila yaa inay ka mid noqdaan, xubno aan caan ahe yn, ama la aqoon xilalka ay hadda ka hayaan kooxda, kuwaas oo ay ka mid yihiin; Abdur Ra hman, Mullah Gul agha, Ameer Haqqani, Mul lah Maxamed Xasan, Sheekh Shariif, Faizul lah Khan, Taj Mir iyo Xafis Majeed.
 Isha: VOA


SABABTA KEENTAY WEERARADII DHALLINYARADA SOOMAALIDA AY KA GEYSTEEN WADDAANKA JARMALKA OO LA SHAACIYEY
Dalka Jarmalka waxaa maalmihii dambe ku soo badanayey dhallinyaro Soomaali ah oo halkaas ka geysanaya weerarro loo adeegsado Minddiyo, taasoo culeys weyn ku noqotay Soo maalida ku nool halkaas. Booliiska Jarmalka waxaa loo gudbiyay kiisas kala duwan oo ay ku leg yihiin Dhallinyaro Soomaali ah oo weerar ku fuliyay minddiyo, qaar kamid ah dadkaas waa ay xireen halka kuwo kale ay ku raadjoogaan.
Cabdirashiid Shariif oo Soomaalida ku cusub Jarmalka ka caawiya dacwooyinka Maxkamada ha ayaa dhibaato soo korortay ku tilmaamay weerarrada ay geysanayaan dhallinyarada Soo maaliyeed iyo falcelinta warbaahinta dalkaas ay ka sameyso.
"Soomaalida ku nool Jarmalka waxaa ku soo kordhay weerarrada Minddiyaha ay ku geysan ayaan iyo kuwa ay isku beegsanayaan dhexdo oda tan iyo June 2021, runtii saameyn weyn ay ay nagu reebtay maadaama joornaallada lagu qorayo maadaama dadka dalkaan si weyn u aqristaan," ayuu yiri Cabdirashiid Shariif.
Sababaha ugu badan ee dhallinyaradaan ku kaliftay falalkaan ayaa lagu sheegay inay tahay dhibaatooyinka shaqo la'aanta, waxyaab ihii ay Jarmalka ka rajeynayeen oo ay ka waa yeen, safarka oo ay ku dhibtoodaan iyo istic maalka walxaha maanka dooriya.
Sidoo kale waxyaabaha ku riixayo falalkaan ayaa waxaa qeyb ka ah in dhallinyaro badan loo diiday sharciga dalalka Yurub, gaar ahaan Jarmarka taasoo dhalliyarada ku kalifeyso inay ku biiraan kooxaha tuugada ah ee ka jiro dal kaas kuwaas oo kala gudbayo mukhaadara ad ka noocyadiisa kala duwan.
Seddexdii bil ee ugu dambeysay dalka Jar malka waxaa ka dhacay dhowr weerar oo ay ge ysteen dhallinyaro Soomaali ah kuwaas oo loo geystay dad ajaanib ah, qaarkood Booliska ay aa toogtay halka qaar kalana gacanta lagu dhi gay.

QAXOOTI YAMENIYIIN AH OO SOO GAARAY MAG AALADA BERBERA
Magaalada Berbera ayaa waxaa lagu soo dhaweeyay qaxooti Yemeniyiin ah oo ka soo ca raray colaadda ka taagan dalkaaasi, kuwaasi oo nolol dhaanta midda ay dalkooda ay ku hays teen u soo raadsaday degaanada Somaliland
Mas'uuliyiin ka titsan Xukuumadda Somaliland ayaa dekedda Berbera ku soo dhowaysay qa xootiga, waxaana tiradoodu ay gaareysaa 177 qof oo qaxooti Yemeniyiin, kuwaasi kasoo car aray dhibaatooyinka ka taagan dalkooda.
Mas'iiliyiin ka tirsan Xukuumadda Somali land ayaa sheegay in ay dib u dejin u sameyn doonaan dadkaasi qaxootiga ah, waxaana ay ka kooban yihiin Haween, Carruur aad u da'yar iyo Rag.
Dalka Yamen ayaa ka mid ah waddamada carbeed ee ay calaaduhu la degeen, waxaana dalkaasi ka barakacay shacab aad u tiro bad an, kuwasi oo waddamada dariska nolol u raad saday, maaddama xaaladda nololeed ee dal kaasi ay tahay mid aad u adag.


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip