Hordhac: Bournemouth v Liverpool – Ka Dib Habeen Weyn Oo Yurub Ah Oo Soo Maray Jurgen Klopp Oo La Filayo Inuu Isku Shaandheyn Ku Sameeyo Shaxdiisa Kulanka Maanta.

0
Sunday April 17, 2016 - 10:24:09 in Sports News by
  • Visits: 586
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Hordhac: Bournemouth v Liverpool – Ka Dib Habeen Weyn Oo Yurub Ah Oo Soo Maray Jurgen Klopp Oo La Filayo Inuu Isku Shaandheyn Ku Sameeyo Shaxdiisa Kulanka Maanta.

    Bournemouth v Liverpool Kulanka: Premier League Garoonka: Vitality Stadium Waqtiga: 3:30pm Saacada Geeska Afrika Garsoore: Mike Jones

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Bournemouth v Liverpool Kulanka: Premier League Garoonka: Vitality Stadium Waqtiga: 3:30pm Saacada Geeska Afrika Garsoore: Mike Jones

Waxa xilli ciyaareed cajiib ah, ka dib qaabkii soo laabashada cajiibta aheyd ee ay Liverpool ku soo baxday habeenkii khamiista iyo in la iska indhotirayo horumarka ay gaareyso kooxda Bournemouth xilli ciyaareedkan.

Kooxda Eddie Howe waxa ay u ordeysaa inay ku dhameysato meel ka mid ah 10ka kooxood ee ugu sareeya xilli ciyaareedkoodii ugu horeeyay ee horyaalka heerka koowaad.

Sideed gool oo ay dhaliyeen labadii kulan ee ugu danbeysay ayaa soo bandhigay in kooxda Jurgen Klopp ee Liverpool in weerarkooda uu jaanta isla helayo, laakiin xitaa taageeraha ugu niyadasan ayaa qiraya in difaaca kooxda uu shaqo u baahan yahay.

Xisaab ahaan weli waa u macquul inay Liverpool ku dhameysato kaalinta afaraad laakiin inay ku guuleystaan Europa League ayaa haatan ah wadada ugu sahlan ee ay ugu soo bixi karaan Champions League.

Ka dib lugtii hore ee Dortmund, Klopp waxa uu shaxdiisa ku sameeyay 7 bedel kulankii Stoke, waxaana laga filanayaa inuu si la mid ah sameeyo.

2335__2210__bournemouth_1000

MAXAA KA CUSUB?

Xiddiga garabka ka ciyaara ee kooxda Bournemouth Junior Stanislas ayaa ka soo laabtay dhaawac muruqa ah ka hor kulanka ay maanta soo dhaweynayaan kooxda Liverpool.

Weeraryahan Benik Afobe ayaa isna ku seegi doona kulankaan dhaawac, halka Adam Smith iyo Harry Arter aysan weli taam u aheyn inay soo laabtaan.

Tababaraha kooxda Liverpool Jurgen Klopp ayaa laga filanayaa inuu isku shaandheyn ku sameeyo kooxdiisa, laakiin waxaa ka maqan Emre Can kaasoo dhaawac ku seegaya inta ka dhiman xilli ciyaareedkan islamarkaana ganaax ku seegi lahaa kulankaan.

Joe Allen ayay u badan tahay inuu khadka dhexe ku soo bilowdo, halka Christian Benteke uu weli shaki ku jiro taam ahaanshihiisa.

SHAXDA MACQUULKA AH:

Bournemouth (4-4-2):Boruc; Francis, Elphick, Cook, Daniels; Ritchie, Surman, Gosling, Gradel; King, Grabban.

Liverpool (4-2-3-1):Mignolet; Flanagan, Sakho, Lovren, Clyne; Allen, Milner; Coutinho, Firmino, Ojo; Sturridge.

MA OGTAHAY?

  • Liverpool marnaba lagama badinin kulan tartan rasmi ah oo ay la ciyaareen Bournemouth, waxa ay badiyeen lix kulan halka ay barbaro la galeen labo kulan.
  • Kooxda martida loo yahay maanta ayaa kaliya afar gool dhalisay sideedaas kulan, waligoodna tartan rasmi ah hal gool ka badan kama dhalinin Liverpool hal ciyaar.
  • Liverpool ayaa labo jeer ku garaacday Bournemouth garoonka Anfield xilli ciyaareedkan, marna horyaalka mar kalena Capital One Cup.



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip