Hordhac: Arsenal v Crystal Palace – Iska Ilow Hanashada Horyaalka, Gunners Oo U Xarbineysa Inay Xajisato Booskeeda Top 4 Ka Dib Barbarihii West Ham.

0
Sunday April 17, 2016 - 10:21:18 in Sports News by
  • Visits: 603
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Hordhac: Arsenal v Crystal Palace – Iska Ilow Hanashada Horyaalka, Gunners Oo U Xarbineysa Inay Xajisato Booskeeda Top 4 Ka Dib Barbarihii West Ham.

    Arsenal v Crystal Palace Kulanka: Premier League Garoonka: Emirates Stadium Waqtiga: 6pm Saacada Geeska Afrika Garsoore: Roger East

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Arsenal v Crystal Palace Kulanka: Premier League Garoonka: Emirates Stadium Waqtiga: 6pm Saacada Geeska Afrika Garsoore: Roger East

Xisaab ahaan Arsenal weli waa ay ku guuleysan kartaa Premier League. Xisaab ahaan, Crystal Palace weli heerka labaad waa ay u dhici kartaa. Laakiin ha isku wareerinin xisaabta midkoodna uma muuqato inay dhaceyso xilli ciyaareedkan.

Rajadii yareyd ee ay Arsenal ka laheyd horyaalka waxaa quusisay kooxda West Ham isbuucii hore. Dib u dhac kale oo soo gaara Arsenal waxa ay waxyeelo weyn u geysan kartaa booskooda afarta kaalin ee ugu sareysa iyagoo haatan u soo dhacay kaalinta afaraad ka dib guushii ay shalayto Man City ka gaartay Chelsea.

Lama filayo inay dhibaato weyn kala kulmaan kooxda Crystal Palace kuwaasoo hal il ku haya kulanka axada ee semi-finalka FA Cup oo ay la ciyaarayaan Watford.

Kooxda Alan Pardew waxa ay tiigsatay 38 dhibcood kala sareynta horyaalka. Ma jirto koox iyadoo dhibcahaas leh hartay tan iyo 2011. Taasina isma bedeli doonto xilli ciyaareedkan.

crystal

MAXAA KA CUSUB?

Arsenal ayaa la filayaa inay dib ugu soo yeerato booska goolka kooxda Petr Cech kaasoo bedelaya David Ospina oo ku soo bilowday kulankii West Ham ee isbuucii hore.

Jack Wilshere ayaa diyaar u aheyn inuu ciyaaro kulankaan inkastoo uu u ciyaaray kooxda juunyeerka ka dib markii uu ka soo kabsaday lugtii ka jabtay.

Dwight Gayle ayaan wajihi doonin Gunners ka dib dhaawacii muruqa ee soo gaaray laakiin Crystal Palace ayaa rajo ka qabta inuu taam u ahaan doono kulanka semi-finalka FA Cup.

Wilfried Zaha ayaa mari doona tijaabo caafimaad xilli danbe maanta isagoo dhibaato ka qaba garabka.

SHAXDA MACQUULKA AH:

Arsenal (4-2-3-1):Cech; Bellerin, Mertesacker, Koscielny, Monreal; Coquelin, Elneny; Sanchez, Ozil, Iwobi; Welbeck.

Crystal Palace (4-2-3-1):Hennessey; Souare, Delaney, Dann, Ward; Jedinak, Cabaye; Sako, Puncheon, Bolasie; Adebayor.

MA OGTAHAY?

  • Crystal Palace ayaa badisay kaliya seddex ka mid ah 38 kulan oo ay kulmeen Arsenal.
  • Kulanka kaliya ee ay Palace ka badisay Arsenal horyaalka Premier League waxa uu ahaa bishii October 1994.
  • Arsenal ayaa lix kulan oo isku xigta ka badisay kooxda Crystal Palace.



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip