Hordhac: Barcelona v Valencia – Blaugrana Oo Rajeyneysa Inay Soo Gabagabeyso Seddex Kulan Oo Guul La'aan Ah Horyaalka La Liga Xilli Real Madrid Ay Ku Soo Dhawaatay.

0
Sunday April 17, 2016 - 10:19:09 in Sports News by
  • Visits: 606
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Hordhac: Barcelona v Valencia – Blaugrana Oo Rajeyneysa Inay Soo Gabagabeyso Seddex Kulan Oo Guul La'aan Ah Horyaalka La Liga Xilli Real Madrid Ay Ku Soo Dhawaatay.

    Barcelona v Valencia Kulanka: La Liga Garoonka: Camp Nou Waqtiga: 9:30pm Saacada Geeska Afrika Garsoore:David Fernandez

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Barcelona v Valencia Kulanka: La Liga Garoonka: Camp Nou Waqtiga: 9:30pm Saacada Geeska Afrika Garsoore:David Fernandez

Ka dib markii ay ka hareen koobka Champions League isbuucii hore islamarkaana ay macsalaameeyeen rajadoodii aheyd inay mar kale seddexda koob isku hantaan xilli ciyaareedkan, kooxda Barcelona ayaa heysata fursad ay ku soo kabsato marka ay caawa garoonka Camp Nou ku soo dhaweeyaan kooxda Valencia, iyagoo doonaya inay meel iska dhigaan seddex kulan oo aysan badinin horyaalka La Liga.

Kooxaha horyaalka kula tartamaya Real Madrid iyo Atletico Madrid ayaa weli ku jira tartanka Champions League, laakiin Barcelona hal dhibic ayay haatan hogaanka horyaalka kaga heysaa Real Madrid, waxaana ay diirada saarayaan inay hantaan labada koob ee ay ku guuleysan karaan xilli ciyaareedkan ee La Liga iyo Copa del Rey.

Barcelona ayaana rajeyneysa inay caawa ka fogaato kooxaha Madrid ka dhisan oo ay guul ka gaaraan kooxda Valencia kuwaasoo ka mid ah 10ka kooxood ee ugu hooseeya horyaalka.

Barcelona-vs-Valencia

MAXAA KA CUSUB?

Kooxda Barcelona ayaa tababar sameysay khamiistii iyo sabtidii iyadoo jimcihii ay aheyd maalin nasasiino, waxaana ay u diyaargaroobeen sidii ay ku wajihi lahaayeen kooxda soo booqaneysa ee Los Che.

Marka laga soo tago dhaawacyada Rafinha, Thomas Vermaelen iyo Jeremy Mathieu, kooxda Catalans waxa ay heysataa koox buuxda oo ay ka soo xushaan shaxdooda ugu adag.

Dhanka kooxda Valencia waxaa weli dhaawacyo uga maqan Joao Cancelo, Jose Gaya iyo Denis Cheryshev.

SHAXDA MACQUULKA AH:

Barcelona:Bravo; Danil Alves, Pique, Mascherano, Alba; Rakitic, Busquets, Iniesta; Neymar, Suarez, Messi.

Valencia:Alves; Barragan, Mustafi, Abdennour, Siqueira; Gomes, Fuego, Parejo; Feghouli, Alcacer, Vezo.

MA OGTAHAY?

  • Kulankoodii ugu horeysay xilli ciyaareedkan, waxa ay ku kala baxeen barbaro 1-1 ah ciyaartii 5tii December ka dhacday Mestalla markaasoo Santi Mina uu guusha ka beeniyay Barca.
  • Barcelona ayaa badisay todobo ka mid ah sideedii kulan ee ugu danbeysay ee ay Valencia kula ciyaartay Camp Nou.
  • Markii ay Barcelona 2-0 ku garaacday Valencia kulankii Camp Nou ee xilli ciyaareedkii hore, Lionel Messi wuxuu dhaliyay goolkiisii 400aad ee Blaugrana. Xiddiga reer Argentina ayaana fursad u heysta inuu gaaro kulanka caawa goolkiisii 450aad ee Blaugrana iyo goolkiisii 500aad ee waayihiisa ciyaareed ee koox iyo xulba.



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip