Ka Dib Haritaankii Aston Villa, Waa Kuwee Kooxaha Ugu Mudada Dheer Ee Aan Weli U Dhicin Heerka Labaad Ee Ka Ciyaara Premier League?

0
Sunday April 17, 2016 - 10:17:47 in Sports News by
  • Visits: 598
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ka Dib Haritaankii Aston Villa, Waa Kuwee Kooxaha Ugu Mudada Dheer Ee Aan Weli U Dhicin Heerka Labaad Ee Ka Ciyaara Premier League?

    Kooxda Aston Villa ayaa 29 sanno ka dib xaqiijisatay shalayto inay u dhacday horyaalka heerka labaad ee Championship, waxaana horyaalka Premier League uu waayi doonaa mid ka mid ah kooxaha sida joogtada ah u ciyaari jiray Premier League tan iyo marki

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Kooxda Aston Villa ayaa 29 sanno ka dib xaqiijisatay shalayto inay u dhacday horyaalka heerka labaad ee Championship, waxaana horyaalka Premier League uu waayi doonaa mid ka mid ah kooxaha sida joogtada ah u ciyaari jiray Premier League tan iyo markii la sameeyay 1992.

Guuldaradii shalayto ka soo gaartay Manchester United ayaa la micno aheyd in Aston Villa ay isku diyaarin doonto inay ka qeyb qaadato horyaalka heerka labaad xilli ciyaareedka danbe, laakiin waa kuwee kooxaha ugu joogista badan horyaalkaPremier League tan iyo intii magacaas loo bixiyay horyaalka.

CgMW0CBXIAAXQxl

Afarta kooxood ee waa weyn ee kala ah Manchester United, Liverpool, Chelsea iyo Arsenal uma aysan laabanin heerka labaad tan iyo markii Premier League la sameeyay 1992, waxaa ku wehliya kooxaha Everton iyo Tottenham. Lixdaas kooxood ayaana weli heysta rikoorka sida joogtada ah looga ciyaarayo horyaalka.

Manchester City oo haatan ka mid ah shanta kooxood ee ugu waa weyn waa ay ka soo ciyaartay heerka labaad intii uu jiray waayaha Premier League, markii ugu danbeysay ee ay u dhacaan heerka labaad waxa ay aheyd sannadii 2001.

Kooxaha sida Bournemouth oo xilli ciyaareedkan ciyaareysa markii ugu horeysay Premier League, Swansea iyo Stoke iyagana uma laabanin heerka labaad tan iyo markii ay soo galeen Premier League laakiin waxaa la xisaabinayaa kooxaha mudada ugu dheer ku jiray horyaalka.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip