Wayne Rooney Oo Mar Kale Loogu Baaqay Ciyaarta Musaaricada – Markaan Wuxuu La Dagaalamayaa Sheamus.

0
Sunday April 17, 2016 - 10:14:07 in Sports News by
  • Visits: 714
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wayne Rooney Oo Mar Kale Loogu Baaqay Ciyaarta Musaaricada – Markaan Wuxuu La Dagaalamayaa Sheamus.

    Wayne Rooney ayaa jecel ciyaarta musaaricada laakiin waxaa haatan la siiyay fursadii ugu weyneyd ee uu ku cadeyn lahaa inuu jecel yahay… inuu la dagaalamo xiddiga WWE Sheamus.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wayne Rooney ayaa jecel ciyaarta musaaricada laakiin waxaa haatan la siiyay fursadii ugu weyneyd ee uu ku cadeyn lahaa inuu jecel yahay… inuu la dagaalamo xiddiga WWE Sheamus.

Ninka reer Ireland ayaa taageere weyn u ah Liverpool waana mid ka mid ah sababihii uu u go’aansaday inuu kabtanka Manchester United ugu balansado ciyaar musaarico ah.

Rooney ayaa dabcan ah nin jecel ciyaarta musaaricada WWE, ciyaarta feerka iyo ciyaarta dagaalka ee UFC, waxaana uu bishii November helay fursad uu qeyb uga noqdo madadalaada musaaricada isagoo dharbaaxay xiddiga WWE Wade Barrett markii WWE soo gaartay England.

Laakiin haatan Sheamus ayaa ugu baaqay Rooney inuu la dagaalamo isagoo marti ku ahaa barnaamijka Soccer AM ee ka baxa Sky Sports, wuxuuna ku balansaday ciyaaraha musaaricada ee ka dhaceysa Manchester 19ka bisha April.



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip