Heesaaga Jay Z Oo Isha La Raacaya Xiddiga Man United Marcus Rashford Si Uu Qeyb Uga Noqdo Shirkadiisa Maamulka Isboortiga

0
Sunday April 17, 2016 - 10:12:02 in Sports News by
  • Visits: 604
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Heesaaga Jay Z Oo Isha La Raacaya Xiddiga Man United Marcus Rashford Si Uu Qeyb Uga Noqdo Shirkadiisa Maamulka Isboortiga

    Weeraryahanka Manchester United Marcus Rashford ayaa waxaa lagu waramayaa inuu diirada u saaran yahay ninka ka taajiray muusiga Rap-ka Jay Z, sida ay qortay jariirada The Sun.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Weeraryahanka Manchester United Marcus Rashford ayaa waxaa lagu waramayaa inuu diirada u saaran yahay ninka ka taajiray muusiga Rap-ka Jay Z, sida ay qortay jariirada The Sun.

Heesaaga Mareykanka ah ayaa isha la raacaya 18 jirka Rashford isagoo doonaya inuu daafaca Bayern Munich Jerome Boateng iyo kuwa kale kula biiro shirkadiisa maamulka isboortiga ee wakiil u noqoneysa ciyaartoyda isboortiga ee Roc Nation Sports.

Rashford ayaa haatan waxaa wakiil u ah qoyskiisa laakiin waxa uu soo jiitay indhaha caalamka qeybta labaad ee xilli ciyaareedkan isagoo dhaliyay todobo gool 12kii kulan ee ugu danbeysay.

Rashford-Jay-Z

Waxa uu shabaqa soo taabtay shalayto iyadoo Red Devils ay 1-0 kaga badisay kooxda ugu hooseysa horyaalka ee Aston Villa oo marti ku aheyd Old Trafford, taasoo xaqiijisay in Villa ay u dhacday Championship.

Daafaca Koobka Adduunka ku guuleystay Boateng, feeryahanka Mareykanka ah Andre Ward ayaa ka mid ah dadka ku xiran shirkada Roc Nation Sports oo ay wakiil u tahay.

Kanye-West-Yeezy-Season-3

Rashford ayaa ku dhow inuu qandaraas cusub saxiixo xagaaga isagoo wacdarro u dhigaya haatan kooxda Louis van Gaal, waxaa xitaa la soo jeediyay inuu qeyb ka noqdo xulka England ee Euro 2016.

Qandaraas cusub uu saxiixo dhamaadka xilli ciyaareedkan ayaa keeni doonta inuu mushahar ahaan isbuucii ka qaato 15 kun ginni.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip