Madaxweynaha Afghanistan oo xukunka ku wareejinaya Daalibaan

0
Sunday August 15, 2021 - 17:52:33 in Wararka by
  • Visits: 164
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Madaxweynaha Afghanistan oo xukunka ku wareejinaya Daalibaan

    ....

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

....

     Wasiirka Arrimaha Gudaha Afghanistan Abdul Sattar Mirzakwal ayaa maanta sheegay in xukunka si nabad ah loogu wareejin doono dowlad ku-meel gaar ah kadib markii Taliban ay amartay dagaal-yahanadeeda inay u sugaan gelitaanka magaalada caasimadda ah ee Kabul.

      "Shacabka Afghanistan yeysan walaacin, ma jiri doono weerar lagu soo qaado magaalada, waxaa jiri doona in xukunka si nabdoon loogu wareejiyo dowlad ku-meel gaar ah,” ayuu yiri wasiirka arrimaha gudaha.

       Ali Ahmed Jalali, oo ah aqoonyahan fadhigiisu yahay Mareykanka, horeyna u ahaa wasiirka arrimaha gudaha, ayey u badan tahay inuu hoggaamiyo maamulka ku-meel gaarka ah, sida ay ilo-wareedyo diblomaasi u sheegeen Reuters.

        Afhayeenka Taliban Suhail Shaheen ayaa u sheegay taleefishinka Al-Jazeera inay sugayaan "In si nabdoon loogu soo wareejiyo magaalada Kabul.” Waxa uu diiday inuu faah-faahin ka bixiyo wada-xaajoodyada ay kula jiraan dowladda.

Si kastaba, Shaheen ayaa sheegay inay doonayaan in si shuruud la’aan ah loogu wareejiyo xukunka dalka. Ma cidda xilliga ay wareejintaas dhici doonto.

       Dhinaca kale, madaxweyne Ashraf Ghani ayaa ciidamada dowladda ugu baaqay inay sugaan amniga magaalada Kabul.


Afhayeen u hadlay ururka Taalibaan ayaa sheegay in aysan jiri doonin wax aargoosi ah oo lagula kici doono shacabka reer Afghanistaan.

       "Waxaan dadka reer Afghanistan u ballanqaadaynaa, gaar ahaan kuwa jooga Kabul in naftooda, hantidooda ay tahay ammaan- ma jirta cida laga aargoosan doono,” Ayuu Suhail Shaheen.
      "Hoggaankeennu wuxuu faray ciidamadeenna inay ku sugnaadaan iridda Kabul – inaysan soo gelin magaalada. Waxaan sugnaba waa in si nabad ah xilka lagula kala wareego ”

       Waxa uu sidoo kale sheegay in dhammaan dadka reer Afgaanistaan ​​ay ka qeybqaadan doonaan dowladda Islaamka – taasoo la micno ah in dadka reer Afghanistan ee aan Taalibaan ahayn lagu dari doono.



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip