Cabdirashiid Janan oo beeniyay inuu burburay heshiiskii uu dowladda la galay

0
Sunday August 15, 2021 - 13:25:31 in Wararka by
  • Visits: 206
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Cabdirashiid Janan oo beeniyay inuu burburay heshiiskii uu dowladda la galay

    ....

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

....
 Wasiirkii hore ee amniga Jubbaland, Cabdirashiid Janan oo maanta Muqdisho shir jaraa’id ku qabtay isagoo musharrax xildhibaan ah, ayaa beeniyay warar 24-saac ee lasoo dhaafay saxaafadda lagu faafiyay oo sheegayay inuu burburay heshiiskii uu dowladda la galay.
     Cabdirashiid Janan ayaa sheegay marnaba in aysan ka suurtoobin inuu dib u furo colaadii uu sheegay inuu damiyay. Wuxuu kaloo been abuur ku tilmaamay inuu ku biiray mucaaradka dowladda.


      "Caqligeeda ma lihi, aragtideeda ma lihi, shacabkii aan shalay u naxay, colaadii aan damiyay, dib aan u furo ma dhacayso. Nin dagaalamaya, mucaarad ah, raba inuu qori qaato, ma ahi,” ayuu yiri Cabdirashiid Janan.

      Janan waxa uu sheegay in si qaldan loo turjumay kaddib markii uu kasoo guuray hoygiisa oo ku dhawaa xarunta nabad sugida, taasoo uu sheegay in loo fasiray inuu dhinaca mucaaradka usoo guuray.

      Wasiirkii hore amniga Jubbaland ayaa sidoo kale mar uu ka hadlayay arrimaha Gedo, wuxuu sheegay in uusan waxba kala socon wararka sheegaya in  ciidamadii uu dowladda ku wareejiyay ay gadood sameeyeen.

     Wuxuu sheegay ciiddamadaasi in ay yihiin ciidamo dowladdeed oo uu masuuliyadooda horay ugu wareejiyay xukuumada Soomaaliya, wuxuuna sheegay ciidamadaas in aysan hadda ku shaqeyn fikirkiisa.







Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip