Ra'iisul Wasaare Rooble Oo Ku Wajahan Masar Iyo Ujeedka Safarkiisa

0
Sunday August 15, 2021 - 12:22:28 in Wararka by
  • Visits: 177
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ra'iisul Wasaare Rooble Oo Ku Wajahan Masar Iyo Ujeedka Safarkiisa

    ...

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

...

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ee xilgaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble ayaa maalmaha soo socda waxaa uu ku wajahan yahay magaalada Qaahira ee Caasimadda dalka Masar.

Ilo wareedyo ayaa sheegaya in Ra’iisul Wasaare Rooble uu martiqaad ka helay dowladda Masar, isagoo la kulmaya Madaxweynaha dalkaas cabdicaiis Al-Sisi iyo xubno kale oo ka tirsan dowladdaas.

    Safarka Ra’iisul Wasaare Rooble ee Masar ayaa noqonaya kii labaad oo uu dalka dibaddiisa ku aado, tan iyo markii uu la wareegay mas’uuliyadda amni iyo doorasho ee marxalada kala guurka ee uu dalka Soomaaliya ku jiro.

Sidoo kale socdaalka Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda xilgaarsiinta ee Masar ayaa loo arkaa mid uu ku soo celinayo xiriirkii xumaaday ee dalalka muhiimka ah ee Soomaaliya kala dhaxeeyay xiriirka wanaagsan sida Carabta iyo dalalka deriska.

Qoraal dhowaan uu soo saaray Ra’iisul Wasaare Rooble, kagana jawaabayay wareegtadii ka soo baxday Madaxweyne Farmaajo ee lagu xadidayay awoodaha hey’addaha dowladda ayaa lagu caddeeyay in aanay Soomaaliya wax dan ah ugu jirin in uu xumaado xiriirka ay la leedahay dariskeeda iyo dunida inteeda kale.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip