Doorashada Labaad Ee Aqalka Sare Oo Maanta Ka Dhaceysa Magaalada Baydhabo

0
Sunday August 15, 2021 - 09:07:18 in Wararka by
  • Visits: 168
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Doorashada Labaad Ee Aqalka Sare Oo Maanta Ka Dhaceysa Magaalada Baydhabo

    ....

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

....

Magaalada Baydhabo ee Caasimadda kumeerka u ah Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa Maanta oo Axad ah lagu wadaa inay ka dhacdo doorashada kuraas ka harsaneyd Senatorada Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka.

Lix Musharax ayaa ku tartamaya saddex kursi oo kamid ah 8-da kursi ee Aqalka Sare ee laga soo doorto Koonfur Galbeed, waxaana dadka Musharaxiinta tartameysa kamid ah Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda xilgaarsiinta Xasan Xuseen Xaaji.

       Doorashada Maanta ka dhaceysa Baydhabo ayaa waxaa kursigeeda Xildhibaan ee Golaha Shacabka ku weyneysa Wasiirada Haweenka Xukuumadda Xaniifa Maxamed Ibraahin Xaabsade, kadib markii Lafta-gareen uu Liiska Musharaxiinta ka saaray, kuna soo bedelay Nin la dhashay.

Xildhibaanada Baarlamaanka Koonfur Galbeed ayaa dooran doona kuraasta harsan ee doorashada Aqalka Sare, waxaana haatan howlka Baarlamaanka Maamulkaas ka ka socota qaban-qabadii ugu dambeysay ee doorashada dhaceysa.

Maamulka Koonfur Galbeed ayaa noqon doona maamulkii labaad ee dhameystira doorashada Xildhibaanada Aqalka sare ee Baarlamaanka Federaalka ee Soomaaliya, iyadoo horey Puntland u dhameystirtay.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip