Madaxweyne taageere u ah Arsenal oo si adag uga hadlay ciyaartii xalay.

0
Saturday August 14, 2021 - 17:06:29 in Wararka by
  • Visits: 163
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Madaxweyne taageere u ah Arsenal oo si adag uga hadlay ciyaartii xalay.

    ....

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

....

      Inta badan lama arko madaxweynayaasha oo ka hadlaya arrimaha kubbadda cagta balse guuldaradii Arsenal ay kala kulantay ciyaartii dhexmartay Brentford habeenkii Jimcaha ayaa soo jiitay mid ka mid ah taageerayaashooda ugu weyn, Madaxweynaha Rwanda Paul Kagame.

       Dhowr daqiiqo ka dib markii kooxda fadhigeedu yahay magaalada London ay guuldarro 2-0 ah kala kulantay kooxda ku cusub horyaalka Ingiriiska, ayaa madaxweyne Kagame qoraal uu bartiisa Twitter-ka soo dhigay wuxuu ku sheegay in isbadal loo baahanyahay, isagoo yiri "taageerayaasha Arsenal uma qalmaan inay la qabsadaan tan …. MAYA !!! Waxaan sidaas u leeyahay anigoo ka mid ah taageerayaasha waaweyn ee Arsenal. Isbeddelku wuxuu qaatay waqti dheer inuu yimaado!”

       Kagame ayaa sheegay in ay tahay in la soo afjaro dhex -dhexaadnimada kooxda oo ku dhameysatay kaalinta 8 -aad xilli ciyaareedkii hore isla markaana seegtay dhammaan tartamada kooxaha Yurub.

 

 





Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip