Japan oo markii ugu horreeysey iibsan kara gawaarida gaashaaman ee Turkigu sameeyo + Sawirro

0
Saturday August 14, 2021 - 18:31:14 in Wararka by
  • Visits: 161
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Japan oo markii ugu horreeysey iibsan kara gawaarida gaashaaman ee Turkigu sameeyo + Sawirro

    ...

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

...

Tokyo:-Gawaarida gaashaaman ee fudud ee Turkish-sameega ah ee ay soo saarto Nurol Makina oo loo yaqaan Yörük 4×4 ayaa ka mid noqday gaadiidka iskugu soo haray tartan ay furtay dowladda Japan.

Haddii ay guulaysato Nurol Makina, waxay noqon doontaa markii ugu horreeysey ee gaadiid gaashaaman oo uu Turkigu sameeyo laga iibiyo dalka Japan, balse waxaa sidoo kale final-ka la taagan 4 shirkadood oo kale.

Shirkaddan Turkiga ah ayaa samaysa moodallo kalageddisan oo gaashaaman, waxana ka mid ahEjder Yalçın 4×4 oo ahgawaari gaashaaman oo ay ku rakiban yihiin taayarro taatikaysan, Yörük, Ilgaz II oo gaashaaman ciidankana daabula (APC), Ejder Kunter oo ah qallaabi gaashaaman iyo Ejder TOMA oo loogu tala galay inuu rabshadaha la tacaalo, kuwaasoo 8-dii sanadood ee lasoo dhaafay ka shaqaynayey dalal kala geddisan oo haysta.

Waxaa dalalkaa ka mid ah Qatar, Kuwait, Hungary, Chile, Uzbekistan iyo Senegal, iyadooYörük 4×4 lagu soo bandhigay Carwada DSEI Japan Fair, oo ahayd carwo lagu bandhigo agabka ciidanka oo lagu qabtay Japan 2019kii.

Haddii uu qalabkan Japan iibsado waxay sidoo kaleTurkiga u sahlaysaa inuunoqdo tartame rasmi ah oo ka muuqda suuqyada caalamka, taasoo keenaysa inay sidoo kale soo dalbadaan dalal waawayn oo ay ku jiraan kuwa dhaca Aasiyada Baasifigga.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip