Haweeney Soomaali Loo Diiday Ka Mid Noqoshada Baarlamaanka Australia Oo Sheegtay In La Dooranayo

0
Saturday August 14, 2021 - 13:34:31 in Wararka by
  • Visits: 126
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Haweeney Soomaali Loo Diiday Ka Mid Noqoshada Baarlamaanka Australia Oo Sheegtay In La Dooranayo

    ....

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

....

      Sahra Sheekh Axmed Mustaf, oo u sharaxan kursiga Baarlamanka Federaalka ee xaafadda ay ku badanyihiin Soomalida ee dalka Australia ayaa lagala noqday ruqsaddii u ogolaaneysay in ay xubin ka ahaato xisbiga talada haya ee dalkaas.

      Sahra ayaa waraysi ay BBC siisay ku sheegtay in aysan ka harin musharaxnimada kursiga Baarlamanka, balse ay hadda go’aansatay in ay u istaagto si madax-banaan, si loo doortay, isla markaana xustay in la dooran doono.

       Sahro oo ah haweeney Soomaali ah ayaa sheegtay in sababta uu xisbiga cuskaday ay tahay lacag Soomaaliya looga soo diray, hayeeshee taas uusan sharciga u diideynin. "Xisbiga wuxuu adeegsaday sharci ay meel marisay dowladdan middii ka horeysay, si xun ayuuna u fahmay lacagtaas.” ayey tiri Sahra.

     Sharciga uu xisbiga cuskaday wuxuu dhigayaa in qof musharrax ah oo xil u taagan in aan lacag looga soo dirin karin dalka dibaddiisa.

"Lacagaha la sheegayo ee aan aniga helo waa kuwa la ii soo diro xilliyada fasaxa iyo ciidaha oo gaaraysa ilaa saddex kun oo doollar, oo sanadkiiba hal mar carruurta loo soo diro, Adeerkay wuxuu soo diraa lacag yar ayuu carruurta u soo dira maadama uu yahay nin iska mashquul badan. Sida uu wasiir        Soomaaliya uga noqdayna waxba ma uusan ii soo dirin. Lacagaha laga hadlayana wuxuu ii soo diray ka hor inta uusan wasiirka noqonin” ayey tiri Sahra Sheekh.

     Sahro ayaa sannadkan go’aansatay in ay musharax noqoto oo ay u istaagto kursiga Baarlamaanka ee xafadda ay dagantahay, markii hore waxay iska diwaan-gelisay xisbiga talada haya ee dalkaas oo hadda kala laabtay musharaxnimada.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip