Banaanbaxyo Looga Soo Horjeedo Jabhadda TPLF Oo Ka Socda Jigjiga

0
Saturday August 14, 2021 - 11:16:52 in Wararka by
  • Visits: 138
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Banaanbaxyo Looga Soo Horjeedo Jabhadda TPLF Oo Ka Socda Jigjiga

    ...

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

...

      Qaybaha kala duwan ee bulshada ku dhaqan Caasimadda deegaanka Soomaalida Itoobiya ayaa saaka isugu soo baxay garoonka kubadda cagta ee magaalada jigjiga, si taageero ugu mujiyaan ciidamada kala gedisan ee dagaalka kula jira jabhadda TPLF isla markaana lagu canbaareenayo gulufka Falaagada TPLF ay ku hayso deeganada dariska la ah ee Canfarta iyo Axmaarada.

     Madaxda deegaanka oo ka qeyb galaya dibad baxaan lana hadlayay shacabka ayaa ka hadlay hagardaamooyinkii ay TPLF u geysatay shacabka Deegaanka Soomaalida.

      Banaabaxyo kan la mid ah ayaa ka dhacayay Toddobaadyadii la soo dhaafay Caasimadda dalka Itoobiya ee Adis Ababa iyo deegaano kale oo ka tirsan isla dalkaas.

       Mustafe Muxumed Cumar, Madaxweynaha Deegaanka Soomaalida ee Itoobiya oo madashaas ka hadlay ayaa sheegay in TPLF ay ku andacooneyso hadda in ay soo celinayso nidaamkii Federalka qoomiga ah ee ay ku guuldarersatay hirgalintiisii 27 kii sano ee ay xukunka heysteen.





Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip