Farmaajo Oo War Kasoo Saaray Geeridii Ku Timid Guddoomiye Cabdullaahi Abyan

0
Saturday August 14, 2021 - 09:39:31 in Wararka by
  • Visits: 131
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Farmaajo Oo War Kasoo Saaray Geeridii Ku Timid Guddoomiye Cabdullaahi Abyan

    ...

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

...

Madaxweynaha muddo xileedkiisa dhammaaday Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa tacsi tiiraanyo leh u diray qoyska, qaraabada iyo dhammaan shacabka Soomaaliyeed ee uu ka baxay Alle ha u naxariistee Guddoomiyihii Guddiga Xallinta Khilaafaadka Doorashooyinka Heer Federaal Marxuum Cabdullaahi Abyan Nuur oo ku geeriyooday magaalada Muqdisho.

       Madaxweyne Farmaajo ayaa tilmaamay in Marxuumku uu u soo adeegay dalkiisa iyo dadkiisa, isaga oo soo noqday Wasiir, Xildhibaan iyo Guddoomiyaha Guddiga Xallinta Khilaafaadka Doorashooyinka Heer Federaal oo uu hadda hayay.

     "Innaa Lillaahi Wa Innaa Ilayhi Raajicuun. Alle ha u naxariistee Marxuum Cabdullaahi Abyan Nuur oo muddo u soo adeegayey Qaranka Soomaaliyeed. Geerida ku timid waa mid murugo leh oo taabatay qalbiyadeenna, waxaanna uga tacsiyeynayaa qoyskiisa iyo guud ahaan shacabka Soomaaliyeed ee uu ka geeriyooday”.

         Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa Marxuumka Alle uga baryey in uu hoygiisa ka yeelo Jannatul Fardowsa, samir iyo iimaanna uu ka siiyo qoyskiisa iyo dhammaan shacabka Soomaaliyeed ee uu ka baxay.

       Guddoomiyihii Guddiga Xallinta Khilaafaadka Doorashooyinka Heer Federaal ayaa Isbitaalka martiini ee magaalada Muqdisho ugu geeriyooday Cudurka halista ah ee COVID-19 oo ku dhacay, isla markaana uu la jiifay maamlmihii lasoo dhaafay.





Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip