Daawo: Wasiir Kaahin oo ka sheegaya sababtii Lixle loogu bixiyey "Astaanta Halganka"

0
Saturday August 14, 2021 - 10:06:43 in Wararka by
  • Visits: 146
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Daawo: Wasiir Kaahin oo ka sheegaya sababtii Lixle loogu bixiyey "Astaanta Halganka"

    ....

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

....

Wasiirka arrimaha gudaha ee Somaliland, Maxamed Kaahin oo ka qeyb-galay munaasibad lagu daah furayay buug laga qoray taariikhdii Lixle oo kamid ahaa Mujaahidiinti SNM ayaa ka sheekeyay sababtii Lixle loogu bixiyey Astaantii Halganka

       Wasiir Maxamed Kaahin ayaa ugu horeyntii Maxamed Xaashi Diiriye (Lixle) AUN ku tilmaamay inuu ahaa Nin geesi ah oo aan marnaba cabsan, oo halgankii gudaha si weyn uga waday, sida uu sheegay.

      Waxa uu sheegay in Lixle uu ku hantay sumada "Astaantii Halganka”, maadama uu kamid ahaa labadii Sarkaal ee gudaha ka waday halganka, islamarkaana uu ahaa nin aad u diyaarsan oo uu ku dhici waayey taliskii xiligaas.

      "Lixle wuxuu ahaa Saraakiishii caanka aheyd ee ciidamadii Soomaaliya, xaga aqoonta, aragtida iyo cilmiga Injineer ayuu ahaa nin aad u diyaarsan ayuu ahaa. Waxyaabihii la yaabka lahaa waxaa kamid ahaa marka aynu leenahay Lixle iskamaanu siin Astaantii Halganka, waxaa ku garaneysaan ninka darajadaa leh ee ciidamada lagu hayn waayey, ee haddana halgankii gudaha ka waday,” ayuu yiri Wasiir Maxamed Kaahin.     

"Halgankii gudaha labo nin ayaa mas’uul ka ahaa ciidamadii, mid waa Maxamed Xaashi Diiriye (Lixle) iyo Axmed Maxamed Halac oo isaguna Xamar Jooga. Maxamed Xaashi iyada oo halkaas laga raadinayo ayuu Hargeysa ayuu ku noola.”

Daawo: Wasiir Kaahin oo ka sheegaya sababtii Lixle loogu bixiyey

Hoos ka daawo muuqaalka Maxamed Kaahin oo dhameystiran




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip