HALKAAN KA AQRISO W/WARGEYSKA MOGADISHU TIMES 14-AUGSTO 2021

0
Saturday August 14, 2021 - 08:21:46 in Wararka by
  • Visits: 493
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    HALKAAN KA AQRISO W/WARGEYSKA MOGADISHU TIMES 14-AUGSTO 2021

    .

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

.

Ra’iisul Wasaare Rooble Iyo Wafdigiisa Oo Dalka Dib Ugu Soo Laabtay

       Ra’iisulWasaaraha XF Md. Maxamed Xuseen Rooble & Wefdigiisii ayaa dalka dib ugu soo laabtay ka dib booqasho 3 maalmood ah oo uu ku tagay Kenya.

    R/Wasaare Rooble ayaa dalka Kenya kula kulmay Madaxweyna ha Kenya, mas’uuliyiin kale, Jaal iyadda Soomaalida ee Kenya iyo wakiillada Beesha Caalamka oo uu uga warbixiyay xaaladda guud ee dalka iyo hanaanka ay u socoto doorashooyinka.

       Md.Rooble iyo wafdiga uu hogaaminayo ayaa waxaa garoonka ku soo dhaweeyay mas’uuliyiin ka tirsan Goleyaasha dowladda, Maamulka Gobolka Banaadir iyo mas’uuliyiin kale.

Gudoomiyihii gudiga xalinta khilaafaadka door ashada oo Muqdisho ku geeriyooday

     Allaha u naxariistee waxaa Xalay magaalada Muqdisho ku geeriyooday guddoomiyihii guddiga xalinta khilaafaadka ee doorashada Soomaaliya  Ca bdullahi Abyan Nuur, sida ay ilo kala duwan u xaqii jiyeen Caasimada Online.

       Marxuumka ayaa Shalay ku ku geeriyooday Isbitaal Martiini, sida noo xaqiijiyeen xubno ka tirsan guddiga xalinta khilaafaadka. Guddoomiyaha waxaa laga helay cudurka Coronavirus, sidoo kale saac adihii lasoo dhaafay waxaa la sheegay inuu hayey xanuun dhanka kiliyaha ah.

Guddiga uu hoggaaminayey marxu um C/hi Abyan ayaa maalmihii dam be ku howlanaa doorashada Sooma aliya, waxuuna ka mid ahaa xubnihii Jubbaland u tegay doorashadii Senatorada Aqalka Sare ee ka dhacday Kismaayo.

     Guddiga doorashooyinka heer federaal ayaa qor aal uu ka soo saaray geerida marxuumka ayaa yiri,     "Waxa aan tacsi tiiraanyo leh u diraynaa dhamaan qoyskii, qaraabadii iyo guud ahaan ummadda Soom aaliyeed, geerida ku timid Alle ha u naxariistee Guddoomiyihii Guddiga Xalinta Khilaadka ee Heer Federal C/hi Abyan Nuur oo ku geeriyoodey M/Muq disho.”

  Dhanka kale qoraal ka soo baxay xafiiska R/wasa are Rooble ayaa lagu yiri, "Naxariistii Janno Allaha siiyo Guddoomiyihii Guddiga Xallinta Khilaafaadka Doorashooyinka ee Dalka marxuum C/hi Abyan Nu ur oo Muqdisho ku geeriyooday. Waxaan uga tacsiy eynayaa qoyskiisa, asxaabtiisii iyo guud ahaan Um madda Soomaaliyeed. Sabar iyo Iimaan Allaha na ga wada siiyo, marxuumkana Jannadii Firdows Eebbe ha ugu deeqo.”

     Guddoomiyaha G/shacabka Maxamed Mursal ay aa isna qoraal uu ka soo saaray geerida marxuum ka waxa uu ku yiri, "Innaa lillaah wa innaa Illeehi raa jicuun anigoo ku hadlaya magaca guddoonka & Xil dhibaanada G/Shacabka Waxaan Qoyskiisa ,Guddi ga xalinta khilaafaadka doorashooyinka heer Fed eraalka & guud ahaan Shacabka Soomaaliyeed uga tacsiyadeynayaa geerida ku timid Allaha ha u naxrii stee Marxuum /hi Abyan Nuur oo ahaa Guddoomiy ihii Guddiga xalinta khilaafaadka doorashooyinka he er Federaal oo Xalay ku geeriyoday M/Muqdisho.”

     Allaha u naxriistee Marxuum Cabdullaahi Abyan Nuur ayaa xilal kala duwan dalka ka soo qabtay, isagoo mar soo noqday Wasiirkii Garsoorka, Arrimaha Diinta iyo Awqaafta, xilligii xukuumaddii Ra’iisal Wasaare Cabdi Faarax Shirdoon (Saacid) sidoo kale dhamaadkii sanadkii lasoo dhaafay ayaa loo doortay guddoomiyaha guddiga xalinta khilaafaadka doorashooyinka heer federaal.

Rooble oo shaaciyey xog ku saabsan doora shada oo caqabad cusub noqon karta

      R/Wasaare Maxamed Xuseen Rooble ayaa mar kii ugu horeysay faahfaahin ka bixiyey dhaqaalaha ku baxayo doorashada dadban ee Soomaaliya iyo qoondada laga sugayo Beesha Caalamka, oo caq abad ay ka taagan tahay.  Rooble ayaa sheegay in dhaqaalaha ku baxayo doorashada dadban ee Soo maaliya ay gaareyso illaa $26 Malyan, taasoo intee da badan laga sugayo beesha Caalamka.

 Rooble ayaa xaqiiiyey in weli lacagtaas aysan soo wada gelin gacanta Xukuumadda Soomaaliya, wux uuna tilmaamay in beesha Caalamka laga helay dhaqaalihi ugu horreeyey.

    Sida uu sheegay Rooble, dhaqaalahaasi ayaa la ga hayaa 7.2 Milyan Dolllar oo ay dhowaan kala saxiixdeen Xafiiska Rwasaaraha iyo Xafiiska QM ee Soomaaliya.

 Lacagta ay beesha Caalamka bi xiso maahane inta kale ayaa la qoondeeyey in laga qaado musharixiinta u taagan xilalka labada Aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya, waxaana musharixii u tartamayo xilka aqalka sare laga rabaa inuu bixiyo lacag gaareyso ilaa 20 kun oo dollar halka haween ka laga rabo 10 kun oo oo dollar, sidoo kale musha rixiinta aqalka hoose ayaa laga rabaa 10 kun oo dol lar halka kuwa haweenka ah laga rabo 5 Kun oo Dollar.

     Maalmaha soo socdo ayaa waxaa la filayaa inay Muqdisho isugu imaadaan golaha wadatashiga qar an, waxaana la filayaa in kulankaas lagu ansixiyo miisaaniyadda doorashada Soomaaliya ee 2021.

      Rooble wuxuu sheegay in doorashada ay duw an tahay doorashadii hore, ergaduna ay tahay labal aab, laakiin lacagta inteeda badan aysan soo xero on, ayna arrintaas uga hadli doonaan shirka Wada tashiga qaran ee Muqdisho ka dhacaya maalmaha soo socdo.

    R/wasaare Rooble  Hadalkaa bixiyey inta uu safarka ku maqnaa ayaa  Shalay dib ugu soo laabtaymuqdihso, ayaa la filayaa inuu  xooggiisa isu gu geyn doonaa sidii uu usoo xareyn lahaa lacagta ku baxeyso doorashada si loo bilaabo doorashada aqalka Hoose oo aan weli bilaaban.

     Mar kasta oo doorasho ka dhaceyso Soomaaliya beesha Caalamka ayaa bixiso lacagta ugu badan ee doorashada ku baxeyso, waxaana sanadkaan weli la heli la’yahay lacagihii ka imaan jiray beesha Caalamla taasoo ay sabab u tahay khilaafka muda da dheer u dhaxeeyey saamileyda siyaasa.

      Doorashada Soomaaliya ee madaxtinimada ay aa loo balansan yahay in ay qabsoonto 10-ka Oct ober, 2021. Balse waxaa laga cabsi qabaa in mar kale dib-u-dhac uu yimaado maadaama dhaqan-gel inta jadwalkii lasoo saarey 27-dii May 2021 la balm aray taariikhaha qaar.

Ugaaska Mudulood oo soo saaray farriin xasaasi oo ka dhan ah AMISOM

     Xiisad xoog leh ayaa ka dhalatay dad shacab ah oo ciidanka AMISOM, gaar ahaan kuwa Uganda ay Talaadadii ku xasuuqeen deegaanka Golweyn ee G/ Sh/Hoose, kuwaas oo meydkooda oo jawaano ku jira Muqdisho la keenay, waxayna ehelladii dadk aas diideen in la aaso meydadka, ilaa inta AMISOM ay mas’uuliyadda ka qaadaneyso.Ugaaska beelaha     Mudullood Ugaas Maxamuud Cali Ugaas ayaa si adag uga hadlay falkaas, isagoo fariin u diray uma dda Soomaaliyeed iyo taliska ciidanka dhibkaan geystay ee AMISOM.

     "Shacabka Soomaaliyeed waxaan leenahay waxyaabaha qaar lama qa adan karo, AMISOM mudadii ay dal kaan joogtay waxay geysatay dhacd ooyin xanuun badan oo aad u foolxun, dad meyd ah oo ay dileen ayey miino ku qarxiyeen oo jarjareen, waxaan mari doonaa wado kasta oo sharcigu noo oggolyahay, waxaa kasta waxaa kasii fool xun AMI SOM waxay bogeeda ku soo qortay in dadkii ay na ga dishay ay ahaayeen Argagixiso, waxay soo sawi reen qoryo duug ah oo beerta bahalada looga ilaalin jiray, waxaan heynaa warqadii October 2018-kii ay ugu fasaxday Xaajiga in qoryahaas duuga ah uu beertiisa ku ilaashan karo,” ayuu yiri Ugaas Maxa muud Cali Ugaas.  Ugaaska ayaa sheegay in dadka la dilay uu ku ji ray Xaaji Cumar Garey oo iska lah aa beerta laga soo dhex watay qaar ka mid dadka la dilay, isla mar kaana ciidamada dilay ay aqoon u la haayeen.

      "Dadkaas la dilay waxaa ugu magac dheeraa Xaaji Cumar Ganey oo ahaa nin ganacsade ah oo si weyn deegaanka looga yaqiinay, ciidanka xaquuq ay ee AMISOM-na ay mudo dheer la yaqiineen, gur igiisa ayaa loogu tegay isaga iyo lix qof oo ehelkiisa u badnaa, dadkaas waa la dilay markii hore, ka dibana miino ayaa la dul saaray, waana lagu qarxi yey, markii asaga laga reebo, lixdii kale hilbo ayey noqdeen, iyagoo seddax jawaan ku jira ayey hadda Farnjiyeer ku jiraan,” ayuu yiri Ugaas Maxamuud.

       Ugaaska Mudullood oo sii hadlaayey ayaa yiri, "Waa wax aan la aqbali karin xasuuqa ciidanka AMI SOM, gaar ahaan kuwa Uganda, haddaba anagoo ka jwaabeyna dhacdadaas waxaan la hadleynaa dowladda Soomaaliya, AMSIOM, UN-ka iyo cid kas ta oo dhaqaale ku bixisa howlgalka AMISOM. Hadd ii nin Nabaddoon ah oo 10-sano ay la macaamilaye en ay u dileen Argagixisaa tahay, waxay ka dhigan tahay Soomaalida oo dhan ayaa argagixiso ah, mana aqbaleyno taas.”

      Sidoo kale Ugaaska ayaa sheegay inaysan hey nin meyd, balse ay hayaan hilbo, kuwaas oo uu she egay inay Faranjiyeerka ku jiri doonaan, illaa jawa ab laga helo cidii dishay oo mas’uuliyada wixii dhac ay ay AMSIOM si cad u qaadaneyso.

Guddiga Doorashooyinka Oo Ka Hadlay War qad Lagu Faafiyay Baraha Bulshada

     Guddiga Doorashooyinka Heer Federaal ayaa qoraal kasoo saaray warqad saacadihii lasoo dhaa fay si weyn baraha Bulshada loogu faafiyay, taasi oo ay ku qornaayeen habraaca doorasho Golaha Shacabka.

     Qoraal kasoo baxay Guddiga ayaa lagu sheegay in warqadda lagu sheegay inay tahay habraac door asho Golaha Shacabka, aysan ahayn mid sax ah.

"Dhammaan Daneeyayaasha siyaasadda iyo bulsha da Soomaaliyeed waxaan ku war gelinaynaa in aysan jirin wax habraac doorasho Golaha Shacabka ah oo uu Baahiyey Guddiga Hirg elinta Doorashooyinka Heer Fede ral” ayaa lagu yiri Qoraal kasoo baxay Guddiga Doorashooyinka heer federaal.

        Saacadihii lasoo dhaafay ayaa waxaa si weyn la iskula dhexmarayay Warqad lagu sheegay in ay tahay habraac doorasho G/Shacabka, taasi oo qayb ka ahayd heshiiskii dowladda dhexe iyo D/Gobol edyada dalka, waxaana guddigu caddeeyeen in ga bi ahaanba ay tahay warqaddaasi mid wax kama jiraan ah.


13 nin oo la sheegay inay damacsan yihiin qaraxyo oo soo galay Muqdisho – Xog

      Saraakiil ka tirsan ciidamada booliska Soomaal iya iyo hay’adaha ammaanka Soomaaliya ayaa she egay in Muqdisho ay ka bilaabeen baaritaan iyo fee jignaan amni kadib xogo amni oo la helay, sida ay sheegtay in ay ogaatay Caasimada Online.

      Saraakiisha ammaanka ayaa sheegay in ay hel een warbixino sheegaya in Muqdisho ay soo galeen ugu yaraan 13 qof oo rag ah, kuwaas oo dhamaant oodba la sheegay in ay u xeranyihiin Jaakadaha Qa rxa islamarkaana damacsan in xiliyo kala duwan ay weeraro ka geestaan goobo kala duwan oo Muqdi sho ah. Hoteelo ku yaala Muqdisho, Maqaayado, Saldhigyo ciidan iyo xarumo dowladeed ayaa aad looga cabsi qabaa in raggaan ay weeraro ka fuliya an, waxaana aad feejignaan loo geliyay ciidamada ammaanka Soomaaliya.

      Habeen hore M/Muqdisho waxaa la xiray wadooyinka qaar iyadoo ilaa Shalay aad loo baarayo gaadiidka raaxada ee G/Banaadir. Si gaar ah waxaa la baar ayaa gaadiidka galaya Madaxtooyada Soomaaliya ama kuwa hormaraya Villa Somalia.

      Baaritaanada iyo feejignaanta amni ee Muqdi sho ayaa aad loo dareemay saacadihii la soo dhaaf ay, inkastoo dadka qaar ay u qaateen arrimo ciidan oo la xariira khilaafka Madaxweynaha Soomaaliya iyo R/ Wasaare Maxamed Xuseen Rooble.

     Tan iyo markii DFS ay waddooyinka Muqdisho ku wada goysay dhagxaan, kooxda Al-Shabaab ay aa xeeladdeeda qaraxyada u wareejisay shaqsiya adka isku xira jaakadaha qarxa, kuwaas oo ay adag tahay in laga hortago, waxaana kadib kordhay qar axyada is-miidaaminta ah ee magaalada.

     Dadka fallanqeeya amniga ayaa dowladda ku eedeeyey inaysan laheyn wax qorshe amni ah oo aan ka aheyn in waddooyinka ku goysay dhagxaan. Xigasho:-Caasimadda.Net

AMISOM oo sheegtay inay bilowday baaritaan ku aadan dadkii lagu laayay tuulada Golweyn

      AMISOM ayaa sheegtay inay bilowday baarit aan ku aadan dhacdadii tuulada Golweyn ee G/Sh/h oose, kaddib markii lagu eedeeyay askartooda in ay si bareer ah u laayeen dad shacab ah oo aan wa xba galafsan.

    War-saxaafadeed kasoo baxay AMISOM, ayaa la gu sheegay, in askar ka tirsan AMISOM ay weerar kala kulmeen Alshabaab xilli ay ku jireen roondo ay ka sugayeen ammaanka waddooyinka Sahayda ee ku teedsan tuulada Golweyn ee G/S/ Hoose.

      AMISOM waxay sheegtay inay heshay warar sheegaya in dad rayid ah nolashooda ku waayeen howlgalkooda, waxayna hoosta ka xarriiqday sida waafaqsan sharciga caalamiga ah ee Bani –aada mnimada iyo xuquuqda Aadanaha, in ay bilowday baaritaan qoto dheer oo ku saabsan dhacdada lagu eedeeyay.

       AMISOM waxay sheegtay in guddi gaar ah oo ay u xilsaartay baadhitaanka ay soo bandhigi doona an natiijooyinkooda.

    Arrintan ayaa kusoo aadaysa xilli qoysaska dadkii lagu laayay Golweyn oo gaaraya todobo qof ay dalb adeen in caddaalada la horkeeno askartii AMISOM ee falkaas ka dambeeyay.

Wasiir Beyle oo la kulmay Wasiirka Maaliyadda Turkiga

      Wasiirka Maaliyadda Somaliya, Cabdiraxmaan Ducaale Beyle ayaa Shalay M/Ankara kula kulmay Wasiirka Maaliyadda Turkiga, Lütfi Elvan.

   Wasiir Beyle ayaa sheegay inay ka wadahadleen dib-u-habaynta ku socdo dhaqaalaha dalka, isagoo dhanka kalena kaga mahadceliy ay  taageerada maaliyadeed ee Turkigu ku kabo miisaaniyadda dalka.

  "Waxaan Shalay kulan wax ku ool ah Magaalada Ankara kula yeeshay W/Maaliy adda Turkiga, Lütfi Elvan. Waxaan ka wada hadaln ay dib-u-habaynta dhaqaalaha ee ka socda Soma liya, waxaana uga mahadceliyay doorka muhiimka ah ee Turkigu weli ku leeyahay taageerada miisaan iyadda. Turkigu waa saaxiib muhiim u ah Somaliya.” Ayuu yiri Wasiir Beyle oo warkan ku sheegay barti isa xiriirka bulshada.

     Turkiga waa saaxiibka ugu weyn ee Shalay Somaliya leedahay, iyadoona DFS uu ka taageero kaabayaasha dhaqaalaha, xoojinta dowladnimada, dib-u-dhiska dalka iyo weliba tayaynta ciidamada.

Senataradii ugu horeeyay Galmudug oo Dhuu somareeb lagu doortay

      Barlamaanka Galmudug ayaa soo gabagabee yay qeybtii 1aad ee doorashada Senotarada Galm udug u matalaya barlamaanka aqalka sare, waxaa na la doortay illaa 6 Mudane oo 2 ka mid ah ay Dum ar yihiin.Senatorada Shalay lagu doortay M/Dhuus omareeb ma jirin cid la tartantay, waxaana dhamm aantood tanaasulay musharraxiintii doorashada kula tartami lahaa.

     Dorraad ayay ahayd markii doorashadii aqalka sa re ee Puntland ay tanaasuleen 9 musharrax. Sidoo kale Jubbaland  ayay ka dhacday isu tanaasulid.

     Dadka siyaasada falanqeeya ayaa ku tilmaamay tanaasulka badan ee hareeyay doorashada aqalka sare, in ay salka ku hayso loolanka doorashada iyo in madaxwyenayaasha D/G/yadu soo saaraan sha khsiyaadka ay doonayaan.

    Sannadkii  2016, doorashadii Aqalka sare waxay ahay mid Mu sharraxiinta tartan adag ku gal een, waxaana la xasuustaa in looga guulaystay siy aasiyiin ka ag dhawaa madaxweynayaasha D/gobol eedyada.

     Senatorada Shalay la doortay waxay kala yihiin:- Duniyo Maxamed Cali, ayaa ku guuleysatay 88cod. Cidna lama tartamin

Cabdixakiin Macalin Axmed, ayaa ku guuleystay 86 cod. Cidna lama tartamin.

Samsam Dahir Maxamud , ayaa ku guuleysatay 89 cod. Cidna lama tartamin.

Cabdi Axmed Dhuxulow, ayaa ku guuleystay 86cod, cidna lama tartamin.

Yuusuf Geelle Ugaas, ayaa ku guuleystay 87cod. Cidna lama tartamin.Saciid Siyaad Shirwac, ayaa ku guuleystay, 87 cod, Cidna lama tartamin.

Shariif Sh.Axmed Oo Ka Hadlay Doora shadii Shalay Ka Dhacday Dhuusama reeb

      Madaxweynihii hore ee Soomaaliya ahna Mu sharrax Madaxweyne Shariif Sh.Axmed ayaa boga adiyay hannaanka ay u qabsoontay doorasha dii Aqalka Sare ee Shalay lagu  qabtay M/Dhuusama reeb ee xarunta Galmudu, halkaasi oo lagu soo doo rtay lix Senator.

     Sheikh Shariif ayaa hambalyo u diray Xildhibaannada G/Aqalka Sare ee la doortay, waxaana uu Alle uga baryay inuu u fududeeyo Mas’uuliyadda loo igmaday,

      "Waxaan madaxda iyo shacabka D/Galmudug ku bogaadinayaa qabsoomidda doorashada aqalka sare ee BFS Hambalyo ayaan sidoo kale leeyahay Senatarada Shalay lagu doortay M/ Dhuusamareeb ee xarunta Galmudug.

1- Sen. Cabdixakiim Macallin Axmed

2- Sen. Saciid Siyaad Shirwac

3- Sen. Samsam Daahir Maxamuud

4- Sen. Duniyo Maxamed

5- Sen. Cabdi Axmed Dhuxulow

6- Sen. Yuusuf Geelle Ugaas

   Waxaan Alle u weydiinaynaa inuu la garab galo, una fududeeyo mas’uuliyadda adag ee la saaray”. Ayuu yiri Musharax Madaxweyne Sheekh shariif

Maxey Ka Wada Hadleen R/W. Rooble & R/Wa saarihii Hore Ee Somaliya Cumar C/Ra shiid?       Ra’iisul Wasaaraha XFS Md.Maxamed Xuseen Rooble ayaa kulan la qaatay R/Wasaarihii hore ee Soomaaliya Md.Cumar Cabdirashiid Sharma’arke, kaas oo ay iska xog-wareysteen xaaladda dalka iyo doorashooyinka.   Rooble ayaa Cumar Cabdirashiid uga warbixiyay dadaallada ay Xukuumadda ku bixi say hirgelinta arrimaha Doorashooyinka oo iminka ka socda dalka, lana soo do ortay qaar ka mid ah Xildhi baannada Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka 11-aad ee Dalka.

RW Roobole ayaa intii uu ku sugnaa M/Nairobi ee dalka  Kenya, waxaa uu kulamo kala duwan ula qaa tay, qaar ka mid ah bulshada Soomaaliyeed ee ku nool dalkaasi.

Deni oo la kulmay xubno ka tirsan Gud diga doorashooyinka Soomaaliya

     Madaxweynaha Puntland Siciid C/hi Deni, ayaa Qasriga Madaxtooyada ku qaabilay xubno ka mid ah Guddiga Doorashooyinka heer Federaal oo uu hoggaa minayo Muuse Geelle Faroole, isla markaa na Puntla nd u tegay Doorashadii Aqal ka Sare oo ay goobjoog ka ahaayeen.

     Xubnaha Guddiga dooras hooyinka Heer Federa al ayaa uga mahad celiyay Madaxweynaha Puntl and sida ay doorashada u qabteen, waliba 11 kursi ee Puntland ku laheyd Aqalka Sare.

     Kulanka waxaa ka qeybgalay Madaxweyne Ku-xigeenka D/Puntland Md. Axmed Cilmi Cismaan Kar aash, G/Ku-xigeenka 1aad ee G/Wakiillada Puntla nd Md.Cabdicasiis C/hi Cismaan, Guddoomiye ku-xi geenka 2aad ee G/Wakiillada Puntland Ismaaciil Ma xamed Warsame.

Madaxweynaha Hirshabelle oo ka tacsiyeeyay geerida Wasiirkii Gaadiidka Hirshabelle

      Madaxweynaha D/G/Hirshabelle Md.Cali C/hi Xuseen oo ku hadlayay Afka Maamulka ayaa tacsi u diray qoyskii, qaraabadii, iyo Shacbiga Hirshabe elle ee uu ka geeriyooday Allaha u naxariistee W/ Gaadiidka Hirshabeelle Marxuum C/hi Maxamed Rooble oo Shalay ku geeriyooday M/Muqdisho.

    Madaxweynaha Hirshabelle    ayaa marxuumka Ilaahay uga ba ryey inuu naxariistii janno ka war aabiyo, qoyskii iyo eheladii uu ka geeriyoodayna samir iyo iimaan ka siiyo.

     Allaha u naxarisitee Cabdulaahi Maxamed Roob le ayaa hore uga mid ahaa xildhibaanadii baarlama anka 1aad ee Hirshabelle waxana uu hore u soo no qday Guddoomiyaha degmada Ka araan ee M/Muqd isho. Isagoo bilahaan dambe ku xanuunsanayey M/ Muqdisho ayaa waxaa  Meydka Marxuumka lagu Aasay Shalay M/Muqdisho.

Maxaa Shalay looga hadlay Shirka Golaha Wasiirada Puntland?

      Madaxweynaha  Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa Shir-guddoomiyey Shirka G/Wasiirada Puntland oo looga hadlay todobaadkan Amniga, Caabuqa Covid-19, xaaladda Gobollada iyo Door ashooyinka iyo Siyaasadda Biyaha Puntland.

    Kulanka Golaha Wasiirada oo uu ka qeybgalay Madaxweyne Ku-xigeenka Puntland Axmed Cilmi Cismaan Karaash, waxaa sidoo kale looga hadlay Ciyaaraha Gobo llada Puntland. Madax weynaha Puntla nd Md Siciid C/hi Deni, ayaa bo gaa diyay in Ciyaaraha Gob olada Puntland ay si weyn u xoojiyeen isdhexgalka bulsha da, dhiirigelin ta dhallinyarada iyo ka qeyb qaada shada horum arka Puntland.

    Madaxweynaha ayaa  faray Masuuliyiinta ay khu seyso iyo dhammaan Hay’addaha Dowladda in loo baahanyahay masuuliyad dheeri ah oo la iska saaro sidii Ciyaaruhu si qurux badan ugusoo dhammaan lahaayeen, lagana wada qeyb qaato oo lala shaqe

eyo Wasaaradda iyo guddiyada la shaqeynaya.


Golaha Ammaan ka QM uu ka yeeshay Soomaaliya?

     Ergeyga Xoghaya Guud ee QM u qaabilsan Soo maaliya James Swan, oo Shalay warbixin kooban oo ku saabsan xaaladda Soomaaliya siinayay Gol aha Ammaanka QM, ayaa sheegay in horumar laga sameeyey siyaasadda Soomaaliya.

Swan ayaa sheegay in R/Wasaa re Rooble uu muujiyay ho gaam iyenimo, isagoo kullamo wada ta shi oo joogta ah la lahaa madax da maamul goboleedyada si loo hirgeliyo heshiiskii doorashada.

      Waxa uu u sheegay Golaha Amaanka ee Q/ Mi do obay in doorashada kuraasta Aqalka Sare ay ka bil aabatay maamul goboleedyada.

      Swan ayaa intaas ku daray in kastoo guulo la taaban karo la gaaray, haddana loo baahanyahay in la xoojiyo ammaanka doorashada, oo uu sheegay in si gaar ah uu uga werwersanyahay.

     Waxa uu sheegay in sidoo kale loo baahanyahay in la xaqiijiyo qoondada kuraasta ee dumarka, dhalli nyarada, iyo dadka la takooro oo laga qeyb geliyo siyaasadda.

     James Swan ayaa booriyay in caqabada mustaq balka ka hor imaan kara doorashadan loo baahan yahay in lagu xaliyo si xasiloon iyo wada-hadal ku dhisan ismaqal.

   Waxa uu sheegay in Al-Shabaab ay weli ku ta hay halis amaanka Soomaaliya, isla markaana ay xafiis ka QM ee Somaliya ee UNSOM uu diwaan geliyay sanadkan 2021-ka 708 qof oo rayid ah oo rabshad aha Soomaaliya wax ku noqday. Dadkaas ayuu she egay in 321 ka mid ah ay dhinteen, 387 kalena la dhaawacay.

     Swan ayaa sidoo kale sheegay in tacdiyada ka dhanka ah dumar ay kordheen, islamarkaana xaal adda bani’aadaminimo ay meel xun mareyso.

      Waxa uu hadalkiisa ku soo gabagabeeyay Jam es Swan in Qaramada Midoobay ay diyaar u tahay sii wadista taageerada ay u fidiso Soomaaliya, gaar ahaan howlaha doorashada, si buu yiri, waddanku uu xoogga u saaro dhinaca nabad gelyada iyo ahda aftiisa horumarineed.

Somalia oo noqotay dalka 8-aad ee dhoofiya mi ro aad muhim uga ah suuqyada caalamka.

      Safaaradda Britain ee Somalia ayaa sheegtay in ay Somalia ka caawinayso sidii loo kordhin lahaa lo ona tayayn lahaa wax soo saarka Sisinta oo ay So malia ka mid tahay dalalka kulaala ha dhaca ee soo saara.

    Somalia ayaa ka mid ah 10-ka sare marka la eego dalalka Sisinta dhoofiya, iyadoo weliba boosaska ugu horreeya geli karta marka la eego kaalinta 8-aad ee ay haatan ku jirto ee misna xisaabta lagu daro xasaradda amman ee dalka oo saamayn xun ku leh ballaarinta wax soo saarka, daabulka iyo horumarinta.

      UK ayaa sheegtay in ay in ka badan 5,600 oo ah beeraleeyda Sisinta soo saara ay siiyeen tab abar ay ku kordhiyeen wax soo saarka inta kiilo ee ka soo go’da halkii hekter oo awal ahayd 600 oo ki ilo, balse haatan la gaarsiiyey 900 oo kg.

       Somalia ayaan



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip