Masjidka Bilaal oo laga daahfuray magaalada Jowhar (Sawiro)

0
Friday August 13, 2021 - 15:33:55 in Wararka by
  • Visits: 186
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 1 0
  • Share via Social Media

    Masjidka Bilaal oo laga daahfuray magaalada Jowhar (Sawiro)

    ....

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

....

Munaasabadan si weyn loo soo agaasimay oo lagu daahfurayay masjidul Bilaal ayaa maanta lagu qabtay magaalada Jowhar ee xarunta dowlad goboleedka Hirshabelle.

     Daahfurka Masjidkan ayaa waxaa ka qeybgalay culumaa’udiin ka kala yimid magaalada Jowhar iyo gobolada dalka Soomaaliya.

Ugu horeyntii waxaa ka warbixiyay dhismaha masjidkan iyo sidii uu kuyimid Sheekh Muxidiin Cabdulle Ciyow oo ah hormuudkii ka dambeeyay dhismaha masjidka oo dhowr dabaq ka kooban kana mid ah dhalinyarada qurbojoogta ah ee dalka dib ugu soo laabatay ayaa ka warbixiyay dhismaha masjidkan.

      Sheekh Muxidiin Cabdulle Ciyow ayaa sheegay in masjidkan ay dhiseen muxsiniin Soomaaliyeed kuwasoo dalka iyo dibadiisa ku nool.

"Masjidkan waxaa dhisay muxsiniin Soomaaliyeed oo ku nool dalka gudihiisa iyo dibadiisa,waana u mahadcelineynaa dhammaan dadki ka qeybqaatay dhismaha masjidka.”ayuu yiri Sheekh Muxidiin Cabdulle Ciyow.

      Munaasabadii furitaanka masjidka ayaa waxaa ka hadlay culumaa’udiin faro badan kuwaasoo ka hadlay fadliga uu leeyahay dhisida masjidka.

Ugu dambeyntii waxaa ka hadlay munaasabadan oo xariga ka jaray dhismaha masjidkan Wasiirka Diinta iyo Ow Qaafta dowlad goboleedka Hirshabelle Sheekh Abuukar Xasan Cali waxana uu si qotodheer uga hadlay dhismaha masjidka faa’idada ay leedahay.

     "Masjidkan aadka u quruxda badan oo lagu magac daray asxaabigii weynaa ee Bilaal waxaan u mahadcelinayaa dhamaan muxsiniintii ka qeybqaadatay waxaana si gaar ah ugu mahadcelinayaa Sheekh Muxidiin Cabdulle Ciyow oo u dhabar adeygey sidii masjidkan uu u dhismi lahaa.”ayuu yiri Wasiirka Awqafta iyo arrimaha diinta Hirshabelle Sheekh Abuukar Xasan Cali Maqaney.

       Masjid Bilaal oo laga daahfuray magaalada Jowhar maanta ayaa dhismihiisa waxa uu socday muddo labo sano ah waxaana dhismaha masjidkana aad u soo dhaweeyay shacabka ku nool magaalada Jowhar.

masjidka bilaal oo laga daahfuray magaalada jowhar (sawiro)masjidka bilaal oo laga daahfuray magaalada jowhar (sawiro)masjidka bilaal oo laga daahfuray magaalada jowhar (sawiro)masjidka bilaal oo laga daahfuray magaalada jowhar (sawiro)masjidka bilaal oo laga daahfuray magaalada jowhar (sawiro)masjidka bilaal oo laga daahfuray magaalada jowhar (sawiro)masjidka bilaal oo laga daahfuray magaalada jowhar (sawiro)masjidka bilaal oo laga daahfuray magaalada jowhar (sawiro)masjidka bilaal oo laga daahfuray magaalada jowhar (sawiro)masjidka bilaal oo laga daahfuray magaalada jowhar (sawiro)




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip