Shariif Sheikh Axmed Oo Ka Hadlay Doorashadii Maanta Ka Dhacday Dhuusamareeb

0
Thursday August 12, 2021 - 20:08:24 in Wararka by
  • Visits: 156
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Shariif Sheikh Axmed Oo Ka Hadlay Doorashadii Maanta Ka Dhacday Dhuusamareeb

    ...

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

...

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya ahna musharax Madaxweyne Shariif Sheekh Axmed ayaa bogaadiyay hannaanka ay u qabsoontay doorashadii Aqalka Sare ee maanta lagu qabtay magaalada Dhuusamareeb ee xarunta Galmudu, halkaasi oo lagu soo doortay lix Senator.

Shariif Sheekh Axmed ayaa hambalyo u diray Xildhibaannada Golaha Aqalka Sare ee la doortay, waxaana uu Alle uga baryay in uu u fududeeyo mas’uuliyadda loo igmaday,

"Waxaan madaxda iyo shacabka Dowladda Galmudug ku bogaadinayaa qabsoomidda doorashada aqalka sare ee Barlamaanka Federaalka Soomaaliya.

Hambalyo ayaan sidoo kale leeyahay Senatarada maanta lagu doortay magaalada Dhuusamareeb ee xarunta Galmudug.

1- Sen. Cabdixakiim Macallin Axmed

2- Sen. Saciid Siyaad Shirwac

3- Sen. Samsam Daahir Maxamuud

4- Sen. Duniyo Maxamed

5- Sen. Cabdi Axmed Dhuxulow

6- Sen. Yuusuf Geelle Ugaas

Waxaan Alle u weydiinaynaa inuu la garab galo, una fududeeyo mas’uuliyadda adag ee la saaray”. Ayuu yiri Musharax Madaxweyne Shariif Sheekh Axmed.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip