Hay'addo shaaciyay in Saddex Milyan oo Soomali ah wajahayaan gaajo & Cuduro

0
Thursday August 12, 2021 - 15:36:51 in Wararka by
  • Visits: 163
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Hay'addo shaaciyay in Saddex Milyan oo Soomali ah wajahayaan gaajo & Cuduro

    ...

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

...

Hay’adaha Laanqeyrta Cas iyo Bisha Cas ayaa ku baaqay in tallaabo degdeg ah la qaado si loo qaado tillaabooyin lagu ciribtirayo cunno yarida iyo cudurrada ka jira Soomaaliya.

Agaasimaha Gobolka IFRC ee Afrika Mohammed Mukhier ayaa qoraal uu soo saaray ku sheegay in Soomaaliya ay ka mid tahay "meelaha ugu halista badan dhulka, ayna kajiraan dhibaatooyin ay ka mid yihiin masiibooyinka cimilada la xiriira, colaadaha, iyo dillaaca COVID-19, oo si xun u saameeyay ugu yaraan 3 milyan oo qof dalka gudihiisa.

 

Bayaanka ayaa lagu xusay in afartii qofba mid ka mid ah ay soo wajahday "heerar aad u sarreeya oo ah cunno yari ba’an iyo in ka badan 800,000 oo carruur ah oo da’doodu ka yar tahay shan sano ay halis ugu jiraan nafaqo -darro ba’an haddii aysan si degdeg ah u helin daaweyn iyo gargaar cunto.”

"Waxaan ku dadaalaynaa inaan gacan ka geysanno yareynta gaajada iyo cudurrada. Laakiin, markaan si run ah u hadlo, gargaarka la heli karo ayaa weli aad u yar, marka la eego baaxadda dhibaatada, ”ayuu yiri Mukhier.

IFRC waxay raadineysaa qiyaastii $ 9.4 milyan si wax looga qabto baahiyaha loona taageero Ururka Bisha Cas ee Soomaaliyeed si ay u caawiso in ka badan 563,000 oo qof muddo 18 bilood ah, ayay raacisay Warbixinta.

Soomaaliya ayaa waxaa ay kamid tahay meelaha ugu daran oo ay kajiraan dhibaatooyinka ay kamid yihiin, Abaaraha, colaadaha, iyo Cudurka safmareenka ah ee COVID-19.





Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip