Wasiir Beyle oo la kulmay Wasiirka Maaliyadda Turkiga

0
Thursday August 12, 2021 - 14:30:29 in Wararka by
  • Visits: 170
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wasiir Beyle oo la kulmay Wasiirka Maaliyadda Turkiga

    ...

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

...

Wasiirka Maaliyadda Somaliya, Cabdiraxmaan Ducaale Beyle ayaa maanta Magaalada Ankara kula kulmay Wasiirka Maaliyadda Turkiga, Lütfi Elvan.

Wasiir Beyle ayaa sheegay inay ka wadahadleen dib-u-habaynta ku socdo dhaqaalaha dalka, isagoo dhanka kalena kaga mahadceliyay taageerada maaliyadeed ee Turkigu ku kabo miisaaniyadda dalka.

      "Waxaan maanta kulan wax ku ool ah Magaalada Ankara kula yeeshay Wasiirka Maaliyadda Turkiga, Lütfi Elvan. Waxaan ka wadahadalnay dib-u-habaynta dhaqaalaha ee ka socda Somaliya, waxaana uga mahadceliyay doorka muhiimka ah ee Turkigu weli ku leeyahay taageerada miisaaniyadda.       Turkigu waa saaxiib muhiim u ah Somaliya.” Ayuu yiri Wasiir Beyle oo warkan ku sheegay bartiisa xiriirka bulshada.

Turkiga waa saaxiibka ugu weyn ee maanta Somaliya leedahay, iyadoona Dowladda Federaalka uu ka taageero kaabayaasha dhaqaalaha, xoojinta dowladnimada, dib-u-dhiska dalka iyo weliba tayaynta ciidamada.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip