HALKAAN KA AQRISO W/WARGEYSKA MOGADISHU TIMES 12-AUGSTO 2021

0
Thursday August 12, 2021 - 08:39:23 in Wararka by
  • Visits: 495
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    HALKAAN KA AQRISO W/WARGEYSKA MOGADISHU TIMES 12-AUGSTO 2021

    .

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

.

Farmaajo & Amiirka Qatar oo kulan khadka Telefoonka ah yeeshay

    Madaxweynaha muddo xileedkiisa uu dhama aday ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Ami irka dalka Qatar ayaa waxaa la sheegay inay khad ka telefoonka uga wada hadleen arrimo dhowr ah.

    Md.Farmaajo iyo Amiirka Qatar ayaa ka wada hadlay xoojinta  xiriirka labada dal, Ar rimaha gobalka iyo caalamka intaba.

    D/Qatar ayaa waxaa ay kamid tahay dowladaha taageera Soomaaliya, waxaana la sheegaa inay si gaar ah u maalgeliso madaxweynaha muddo xilee dkiisa uu dhamaaday ee Maxamed C/hi Farmaajo iyo Saaxiibadiisa siyaasadda.

Ra’iisul Wasaare Rooble oo la kulmay Jaali ya dda Soomaaliyeed ee magaalada Mombasa

    Ra’iisul Wsaare Maxamed Xuseen Rooble ayaa kulan la qaatay qaar ka mid ah jaaliyadda Soo maaliyeed ee M/Mombasa ee dalka Kenya kuwaas oo uu ugu warbixiyay xaaladda dalka iyo doorasho oyinka dalka ka bilowday.

Masuuliyiinta Jaaliyadda ayaa iyaguna

    dhankooda uga wara may R/Wasaaraha xaal adahooda nololeed,ganacsi iyo xiriirka wadashaqe yneed ee kala dhaxeeya shacabka Kenya.

   Qaar ka mid ah jaaliyada oo kulankas ka hadlay ayaa waxa ay xuseen in dad badan oo Soomaali yeed ay ganacsi xoog leh ku leeyihiin Kenya sidaa awgeedna ay muhiim u arkaan soona dhaweynay aan booqashada uu dalkan ku yimid R/Wasaarahu iyo Wafdigiisa iyaga hoosta ka xariiqay inuu wan aagsaado xiriirka diblomaasiayadeed ee 2da dal in ay dan ugu wada jirto shucuubta labada waddan ee dariska ah.

    R/Wasaare Rooble oo weli booqasho ku jooga dalka Kenya ayaa Dorraad la kulmay Madaxweyna ha dalka Kenya Uhuru Kenyatta isagoo kala hadlay arrimo badan oo ay ka mid tahay ganacsiga.

    R/wasaare rooble oo la kulmay jaaliyadda soo maaliyeed ee M/Mombasa

FILISH oo xilalkii ka qaaday dhowr guddoomiye degmo

      Gudoomiyaha maamulka gobolka Banaadir, Cu mar Maxamed Maxamed (Filish) ayaa Shalay xila lkii ka qaaday afar guddoomiye degmo, kadib war eegto kasoo baxday xafiiskiisa, taas oo ay aragtay shabakadda wararka ee Caasim ada.

   Guddoomiyeyaasha xilalka laga qaaday ayaa kala ah guddoomiyaha degmada Xamarweyne Cabdiqaadir Maxamed Cabdiqaadir, guddoomiyaha Kaaraan Abshir Kaaraan, guddoomiyaha Waabari Cabdicas iis Cismaan Jaamac & guddoomiyaha Hiliwaa Cabdixakiin Cumar Cabdulle. Sidoo kale duqa Mag aalada Muqdisho ayaa guddoomiyaha cusub ee maamulka degmada Heliwaa u magacaabay, Mire Salaad Dhuxulow, halka ku simeyaal guddoomiye loo magacaabay degmooyinka kale ee Xamarwe yne, Kaaraan iyo Waabari ee gobolka Banaadir.

    Xilka guddoomiyaha Xamarweyne ayaa wax aa sii heynaya Maxamed Axmed Idow oo ah ku xigeenka dhinaca amniga ee degmadaasi, sidoo kale waxaa sina si kmg ah xilka guddoomiyaha Waabari loogu magacaabay Jamaal Cali Maxa med isna ah ku xigeenka amniga degmada, ha lka Kaaraan ku sime looga dhigay Deeq Xasan Sheekow oo ah guddoomiye ku xigeenka amniga ee degmadaasi. Tallaabada xilka qaadista ee uu qaaday Cumar Filish ayaa aheyd mid la filayey, isla-markaana si aad ah looga hadal hayey bar aha bulshada ee Internet-ka.

Baarlamanka Galmudug oo qaaday talla abo looga hortagayo musharaxiinta malxiiska ah

    Guddiga qabashada Doorashada Aqalka sare ee Baarlamaamka Galmudug ayaa soo saaray Habraaca Doorashada Aqalka sare ee Baarl amaanka DG/Galmudug, kaasoo ay qodobadiisu yihiin kuwo ka adag habraacii maamul gobolee dyada kale.

    Qodobka ugu culus ee habraac an ayaa ah inaan cod gacan taag ah loogu codeyn musharaxii loo tanaasulo, balse uu ka raadsado xildhibaanada cod kalsooni ah.   

   "Haddii musharax uu u tanaa sulo musharax kale, waxaa qasab ku ah mushar axa loo tanaa suley in sanduuqa cod qarsoodi ah loogu code eyo, oo haddii uu waayo 50+1 tirada guud ee Baarlamaanka Galmudug loo celiyo ma daxway naha markale,” ayaa lagu yiri qoraal ka soo ba xay guddiga qabashada doorashada Galmudug.

     Go’aanka kasoo baxay guddiga doorashada Galmudug ayaa ah mid looga hortagayo in mush arax loo tanaasulo kadibna midka kale uu si toos ah usoo baxo, taasoo ka dhacday maamul Gobo leedyada kale oo ay ugu dambeysay Puntland.

    Guddoomiyaha Baarlamaanka Galmudug Dr. Maxamed Nuur Gacal ayaa muddo badan u olol eenayey inaan kuraasta Aqalka Sare ee Galmud ug loo xirin shakhsiyaad gaar ah, balse waxaa muuqato in arrintaan looga adkaaday kadib mar kii madaxweynaha Galmudug Axmed Qoor Qoor uu kuraasta u xiray shakhsiyaad isaga aad ugu dhow, waxayna shur uudaan adag u muuqataa mid looga jawaabayo taallabada uu qaaday.

     Doorashada Lix kursi oo kamid ah kuraasta Aqalka sare ee Galmudug ayaa la filayaa in Maalinta Berri ah lagu qabto M/Dhuusamareeb ee Caasimadda Maamulkaas, waxaana ku tarta mayo illaa 12 musharax oo 6 kamid ah ay yihiin malxiis lana filayo inay tanaasulaan mar ka doo rashada bilaabato.

QOOR QOOR oo shaaciyey liiska mush araxiinta 6 kursi oo ka mid ah Aqalka Sare

      Madaxweynaha Maamulka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qo or Qoor ayaa shaa ciyey liiska mushar axiinta 6 ka mid ah kuraasta Aqalka Sare ee laga soo doora nayo Galmudug.

 Qoor Qoor ayaa dib u dhigay shaa cinta mu shara xiin ta laba ka mid ah kuraasta, oo ay ku kala fadhiya an Cabdi Xasan Cawaale Qeybdiid iyo Cabdiwa axid Cilmi Goonjeex.

   Waxa uu Qoor Qoor meesha ka saaray gudd oomiye ku-xigeenka labaad ee Aqalka Sare Ab shir Bukhaari, hase yeeshee wuxuu liiska kusoo daray saddex ka mid ah xubnaha Aqalka Sare ee iminka. Xubnaha lasoo celiyey waxa ay kala yih iin Cabdi Axmed Dhuxulow Dhagdheer, Yuusuf Geelle Ugaas, iyo Samsam Daahir Maxamuud.

Waxaa sidoo kale liiska ku jira xildhibaan Cabd ixakiim Macallin Axmed oo hadda ka tirsan gola ha shacabka, kana mid ah taageerayaasha Far maajo, kaasi oo loo soo wareejiyey Aqalka Sare kadib markii beeshiisa ay sheegtay inuusan kursi ka heli doonin.

LIiska musharaxiinta iyo sida ay isugu aada yaan ayaa kala ah:

1- Cabdi Axmed Dhuxulow iyo Nuur Xasan Guut aale

2- Yuusuf Geelle Ugaas iyo Daahir Faarax Fii dow

3- Saciid Siyaad Shirwac iyo Maxamed Daahir Maxamed

4- Samsam Daahir Maxamuud iyo Farxiya Maxa med Guure

5- Cabdixakiim Macallin Axmed iyo Ismahaan Ca bdi Xuseen

6- Duniyo Maxamed Cali iyo Qadra Cabdullahi Isxaaq

Gabadh yar oo ku dhimatay rabshad dhexm artay ciidanka Booliska iyo ardayda M/Laascaanood

    Gabadh lagu sheegay in ay 12 jir tahay ayaa ku dhimatay rabshad  dhexmartay ciidanka Bool iska iyo arday dhigata Dugsiga Sare ee Hoyga Laascaanood oo ay wax ku bartaan ardayda ba danaa tuulooyinka aan laha yn dug siyada Sare ka yim aada.

 Rabshadan ayaa ka dhala tay ka dib markii ma amulka iskuulku uu 4 arday damcay in ay ka saar aan iskoolka  iyadoo lagu ee deeyey rabshado ta as oo is koolka buuq ka dhalisay.

    Ciidanka Booliska oo soo gaadhey goobta aya a sida ay goobjoogayaal u sheegeen HOL la kul may dhagax iyo buuq taas oo sababtay inay ras aasta nool isticmaalaan. Ilaa hada ma cada wax yeelo soo gaadhey ciid anka iyo ardayda midna, ardaydu iskoolkooda ay ay joogaan ciidamaduna waxay dib ugu noqdeen goobohoodii, welina wax war ah oo ka soo baxay lama maqal masuuliyiin ta amaanka iyo waxbarashada walow uu Magaa ladaa maqnaa gudoonkii waxbarashada gobolku.


RW Rooble oo baaq u diray dowlad Goboleedyada

      Ra’iis Wasaaraha Xukuumadda xilgaarsiin ta Maxamed Xuseen Rooble Shacabka Puntland u gu hambalyeeyay bilaabista doorash ada kuraas tii ugu horreeyay ee Aqal ka sare, isaga oo sidoo kale hambal yo u diray xildhibaannada soo baxay.

    Sidoo kale RW Rooble ayaa bogaadiyay mada xweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qo or Qoor oo soo gudbiyay liiskii u horreeyay ee murashaxiinta Golaha Aqalka Sare ee BFS.

     Ugu dambeyn Dhammaan Dowlad-goboleedy ada ayuu kula dardaarmay in ay dedejiyaan ho wsha doorashada maadaama waqtigu is gurayo, si loogu dul shaqeeyo jadwalkii lagu heshiiyay.

 

Koonfur Galbeed Oo Guddoomiye Ku-Xige en Cusub Magacaawday (Wareegto)

     Wasiirka Arrimaha gudaha Maamulka K/Gal beed Maxamed Abuurkar Cabdi ayaa xilka qaad is ku sameeyay Guddoomiye ku-xigeenkii Arrima ha bulshada degmada Wanlaweyn ee Gobolka Shabeellaha Hoose.

     Wareegto uu soo saaray Wasiir Maxamed Ab uukar ayaa waxaa uu ku magacaabay Guddo omiye ku-xigeenka cusub ee Arrimaha bulshada D/Wanlaweyn oo laga dhigay Maxamed Mukhta ar Axmed.

      Sababta keentay Magacaabista Guddoomiye ku-xigeenka ayaa waxaa lagu sheegay inay baa hi loo qabo dardar-gelinta howlaha ballaaran ee horyaalla degmada, sida lagu sheegtay wareegta da lasoo saaray.

     Wasiirka ayaa faray Maxamed Mukhtaar inuu u si toos ah u guto waajibaadkiisa shaqo ee loo Idmaday, ayna la shaqeeyaan shacabka.

Hoos ka Akhriso Wareegtada Magacaabista.

 

Baarlamaanka Puntland oo doortay 11 kursi ee Puntland ku matalaya Aqalka Sare

     Magaalada Garoowe ee Caasimadda D/G/P untland waxaa Shalay oo Arbaco aheyd ka dhac day doorashada Xildhibaannada Aqalka sare ee Puntland ku matalaya DFS, wax aana la dooray dhamaan 11 kursi ay Puntland ku leedahay Aqa lka Sare.

     22 Xubnood ayaa Madaxweynaha Puntland uu soo gudbiyay inay ku tartamayaan 11 kursi ee Aqalka sare, hayeeshee waxaa tartan kaliya lagu galay laba kursi oo ay ku tartameen Cabd iraxmaan faroole & Maxamed Cusmaan Colaad & Cabdiqani Geelle Maxamuud & Cabduqaadir Maxamed Yuusuf halka 9 kursi oo kale Xubnaha ku guuleystay ay tartanka ka hareen Xubnihii la tartami lahaay.

      Kursiga koowaad oo lagu tartamay ayaa wax aa ku guuleystay Senator Cabdiraxmaan Maxam ed Faroole oo helay 54 cod, halka Musharax Sen ator Maxamed Cusmaan Colaad uu helay 11 cod.

    Kursiga labaad waxaa ku guuleystay  Maxam ed Cali Yuusuf ( Gaagaab) , kadib markii cod gac antaag ah 65 Xildhibaan ku ogolaadeen, halka Musharaxii kale ee Kowsar Cabdullaahi Xirsi ka tanaasushay.

      Kursiga 3aad waxaa ku guuleystay  Maxam ed Cabdi Cismaan ( Majiino) oo sidoo kale ah wa siirka Dekadaha Puntland kadib markii cod gac antaag ah 65 Xildhibaan ku ogolaadeen, halka Musharaxii kale Maxamed Geeddi Maxamuud uu tanaasulay.

     Kursiga Afaraad ayaa waxaa ku guuleystay Cabdullahi Cali Xirsi ( Tima-cadde) oo ah wasii rka Warfaafinta Puntland kadib markii cod gacant aag ah 65 Xildhibaan ugu codeyen, halka Mush araxii kale Cabdullahi Maxamed Xaashi uu ka ha ray tartanka.

      Kursiga Shanaad a waxaa ku guuleystay Cab disamad Yuusuf Maxamed ( Abwaan)  oo sidoo kale ah Guddoomiyaha Gobolka Bari, kadib mar kii cod gacantaag ah 64 Xildhibaan ku ogolaad een, halka Musharaxii kale ee  Ismaaciil Mire Mu umin uu ka haray tartanka.

     Kursiga 6aad  ee Aqalka sare ayaa waxaa ku guuleystay Ganacsade Daahir Ayaanle Siciid, ka dib markii cod gacantaag ah 64 Xildhibaan ugu codeeyeen, halka Musharaixii kale Maxamed Cu mar Maxamed uu tartanka ka tanaasulay.

    Kursiga 7aad ayaa waxaa ku guuleystay Far xaan Cali Xuseen oo horay kursigan ugu fadhi yay, kadib markii cod gacantaag ah 65 Xildhib aan ku ogolaadeen, halka Musharixii kale Hodan Isaaq Maxamed ay ka haray tartanka.

     Kursiga 8aad ayaa waxaa ku guuleysatay Sey nab Ismaaciil Maxamed oo sidoo kale ah Wasiir Ku-xigeenka Deegaanka iyo Beeraha Puntland kadib markii cod gacantaag ah 65 Xildhibaan ku ogolaadeen. waxa ay noqtay Haweeneydiii ugu horreeysay ee Aqalka sare loogu doorto garoo we, halka Musharaxii kale ee  Aamiina Jaamac Ibraahim ay ka haray tartanka.

     Kursiga9aad ayaa waxaa ku tartamay Cabdiq ani Geelle Maxamuud & Cabduqaadir Maxamed Yuusuf, waxaana 52 Cod ku guuleystay Cabdiqa ni Geelle Maxamuud halka Cabduqaadir Maxam ed Yuusuf uu helay 12 Cod.

     Kursiga 10aad ayaa waxaa ku guuleystay Sa miiro Maxamuud Xaaji Cawad oo cod gacan-taag ah ku heshay 64 Cod, kaddib markii ay u tanaasu shey Naciima Axmed oo la tartami laheyd.

Kursiga ugu dambeeya ee aqalka Sare ayaa waxaa Shalay ku guuleystay Sareedo Maxamed Jaamac, kadib markii cod gacantaag ah 64 Xildhi baan ku ogolaadeen. waxa ay noqtay Senatorkii 11aad ee ka soo baxa Puntland, halka Mushar axii kale Fartuun Yusuf Jaamac ay ka haray tar tanka.   

Madaxweyneyaashii Hore Ee Dalka Oo Ka Hadlay Doorashadii Ka Dhacday Garoowe

      Madaxweyneyaashii hore ee dalka Soo maal iya Sheekh Shariif Sh Axmed iyo Xasan Sh. Max amuud ayaa ka hadlay doorashadii Xildhibaana da Aqalka Sare ee Shalay ka dhacday M/Garoo we ee Caasimadda Puntland.Qoraal uu soo saa ray Xasan Sheekh ayaa waxa uu ugu hamba lye eyay Senatarrada Aqalka Sare ee Baarlamaan ka Federaalka ee Puntland, kuwaasi oo la door tay, isagoo Alle uga baryay inuu la garab galo mas’uuliyadda loo idmaday.

      Xasan Sheekh ayaa Mas’uuliyiinta dowlad Goboleedka Puntland iyo shacabkooda, ku bo ggadiyay hirgelinta doorashada Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ee ka dha cday Magaalada Garoowe.

     Dhinaca kale Sheekh Shariif ayaa u hambaly eeyay Xildhibaanada cusub ee Puntland ku mat elaya Golaha Aqalka Sare, isla markaana waxaa uu Madaxweye Saciid Cabdullaahi Deni iyo Gol aha Wakiilada Maamulkaas ku boggaadiyay doo rashadii la qabtay.

      "Waxaan Madaxweynaha Puntland H.E Said Abdullahi Deni, Golaha Wakiilada iyo Shacabka Puntland ku bogaadinayaa doorashada iyo dham aystirka xubnaha Puntland, waxaan Alle uga raje ynayaa inuu la garab galo xilka culus ee loo igm aday” ayuu yiri Sheekh Shariif Sh Axmed.

     Doorashada Aqalka Sare ayaa ka dhacday Garoowe, isla markaana waxaa lagu doortay 11-ka Xildhibaan ee Puntland ku matelaya Golaha Aqalka Sare, waxaana Maamulka Puntland uu no qday maamulkii saddexaad ee qabta Dorashada.

Ciidamada AMISOM & kuwa Jubbaland oo howlgal Wadajir ah fuliyay

    Ciidamada Kenya ee ka tirsan howlgalka Midowga Afrika ee AMISOM ayaa saacadihii la soo dhaafay waxaa howlgallo lagu xaqiijinayay amniga ay ka sameeyeen degaano ku yaal  duleedka M/Kismaayo ee G/Jubbada Hoose, hal kaas oo dhowr jeer weeraro ka dhaceen.

      Ciidamada oo ay wehlinayeen tiro yar oo ka tirsan Ciidanka Daraawiishta Jubbaland ayaa wa xaa ay howlgalka ka sameeyeen deganka Cabd alla Biroole oo 32 km Koonfur Galbeed kaga be gan magaalada Kismaayo ee Gobolka Jubbada Hoose.

      War kooban oo kasoo baxay oo kasoo baxay AMISOM ayaa waxaa lagu sheegay in howlgalka uu ahaa mid ay ku baarayeen Xaafadaha dega anka Cabdalla Biroole iyo degaannada ku dhow dhow, isla markaana dad badan lagu xir xiray.

      " Ciidamada Difaaca Kenya ee fadhigoodu yahay degaanka Cabdalla Biroole) oo 32 km koo nfur -galbeed kaga beegan magaalada Kismaayo ayaa ka bilaabay duleedka magaalada Cabdalla Biroole hawlgal xarig iyo baaris ah si loo xaqiijiyo amniga iyo xasiloonida Dowlad Goboleedka Jub aland ayaa lagu yiri” Warka kasoo baxay AMI SOM. Degaanka Cadabdalla Biroole ee Gobolka Jubbada Hoose oo ay ku sugan yihiin Ciidamada dowladda & kuwa Jubbaland ayaa waxaa dhowr jeer weeraro culus ku qaaday Xubno ka tirsan

 Ururka Al-Shabaab.

Rooble; "Doqon meeshii lagu dagaalamo un beey ogtahay ee ma ogo meeshii lagu hishiiyey”

    Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble ayaa markii ugu horeysay goob fagaare ah uga hadlay khilaafka u dhexeeya isaga iyo Madaxw eyne Farmaajo isagoo sheegay in uusan jirin wax khilaaf ah oo u dhexeeysa isaga iyo Madaxweynaha.

            Maxamed Xuseen Ro oble Ra’isul Wasaaraha dalka oo la hadlayay qaar kamid ah ganacsatada iyo jaaliyada So omaaliyeed ee ku nool mag aalada Nairobi ayaa sheegay in ay heshiis yihiin isaga iyo Madaxweyne Farmaajo.

    "Aniga iyo Madaxweyne Farmaajo hishiis baan nahay Waxaa la yiraahdaa doqon meeshii lagu dagaalamo un beey ogtahay ee ma ogo meeshii lagu hishiiyey”ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Rooble.

     R/wasaare Rooble ayaa sidoo kale ka hadlay ujeedada booqashada uu u yimid Kenya waxana uu xusay in uusan u imaan inuu saxixio heshiis gaar ahaan arrimaha qaadka waxana uu sheeg ay in guddi labada dal loo xilsaaray dhammaan arrimaha u dhexeeya labada dal.

     "Booqashadeyda Kenya waxay daarrantahay hagaajinta xiriirka labada dal ee dariska ah. Ke nya uma imaan in aan wax saxiixo”ayuu yiri Ra’isul Wasaare Rooble.

    Waxa uu soo hadalqaaday ra’iisul wasaaraha arrimaha doorashada dalka waxana uu sheegay inay ka go’an tahay in dalka ay ka hirgeliyo doo rasho.

     "Aniga iyo madaxda kale ee Qaranka waxaa naga wada go’an in aan dalka doorasho ka hir gelinno. Waxaa daaha keenay duruufihii la soo maray, balse doorashadii way noo bilaabatay.”

    Sidoo kale ra’iisul wasaare Rooble ayaa ku cel iyay mar kale arrinta Badda isagoo sheegay in la ga sugayo oo kaliya natiijada maxkamada caa lamiga ah ee ICJ.

    "Arrinta badda waa lama tabtaan waxaanna ka sugeynaa Maxkamadda Caddaaladda Adduunka ”ayuu yiri Rooble.

    Ra’isul Wasaare Rooble ayaa weli ku sugan dalka Kenya kadib markii uu booqasho rasmi ah uu ku tegey isla markaana la kulmay Madaxda u gu sareysa dalka Kenya.

Sheekh Yuusuf Cali Caynte oo jawaab cul us kasoo saaray liiskii kasoo baxay Qoor Qoor

    Dr. Sheekh Yuusuf Cali Caynte, oo kamid ah aa musharixiintii laga reebay liiska dadka u tart amayo xubnaha Aqalka Sare ee kasoo galayo maamulka Galmudug, ayaa ka hadlay go’aanka uu qaatay madaxweynaha Galmudug Axmed Qoor Qoor.

    Sheekh Yuusuf ayaa sheegay inuu buuxiyey dhammaan shur uudihii looga baahnaa qofka mu sharaxa ah, wuxuuna xusay in aysan jirin sifo sharci ah oo lo oga hor istaagay inuu isku soo sharaxo xilkaas.

Sheekh ayaa Shacabka Soomaaliyeed u sheeg ay in go’aanka uu qaatay madaxweynaha Galm udug uu yahay ku takrifal awoodeed iyo xadgu dub ka dhan ah xuquuqda muwaadinka Soomaal iyeed.

Sheekh Yuusuf ayaa tilmaamay in madaxwey naha Galmudug uu diidan yahay rabitaanka Ba arlamaanka, isagoo xusay inuu hubo in cod aq labiyad leh lagu dooran lahaa haddii si xor iyo xa laal ah loo tartami lahaa. Halkaan hoose ka akhriso qoraalka uu Sheekh Yuusuf kusoo daabacay barteeda Facebook

Bismillahi Raxmani Raxiim.

    Waxaan codkeyga ku biirinayaa inta ka dhiidhi say sida uu madaxweynaha Galmudug u maamu lay doorashada Aqalka Sare ee Baarlamaanka Soomaaliya. Go’aanka uu madaxweyne Axmed Qoorqoor ku qaatay inuu muwaadiniin Soomaali yeed duudsiiyo xuquuqdooda dastuuriga ah waa mid baal-marsan dastuurka dalka, midka Galmu dug Iyo dhaqanka suubban ee Soomaalida.

    Waxaan kamid ahaa muwaadiinta Soomaaliy eed ee isku soo taagay xilka Aqalka Sare ee Baa rlamaanka Soomaaliya, waxaanna buuxiyey dha mmaan shuruudaha looga baahan yahay murashaxa.

     Ma jirto sifo sharci ah oo la iiga hor istaagi kar ay inaan isku sharroxo xilkaas. Sidaas darteed, waxaan ummadda Soomaaliyeed u caddeynayaa in go’aanka kasoo baxay Madaxweyne Axmed Qoorqoor uu yahay ku takrifal awoodeed iyo xad gudub ka dhan ah xuquuqda muwaadinka Soomaaliyeed.

     Mar haddii si sharci darro ah la iiga hor istaag ay inaan waxqabadkeyga iyo barnaamijkeyga siy aasadeed horgeeyo mudanayaasha baarlamaan ka Galmudug, waxaa meeshaas ka caddaatay in la diiddan yahay rabitaanka baarlamaanka Galm udug, oo aan hubo iney cod aqlabiyad ah igu doo ran lahaayeen haddii aan si xor ah oo xalaal ah u tartarmi lahaa.

     Ugu dambeyntii, waxaan ka digayaa cawaa qib xumada ka dhalan karta booobka doorashoo yinka iyo ku takarifalka awoodda siyaasadda. Waxaan ugu baaqayaa guud ahaan ummadda Soomaaliyeed, gaar ahaan reer Galmudug, iney had iyo goor u hiilliyaan xaqa Ivo caddaaladda.

Allaa mahad leh.

Qarax ay dad ku dhinteen oo ka dhacay Shabeellaha Hoose

    Dhimasho iyo dhaawac ayaa ka dhashay qa rax Miino oo Shalay barqadii ka dhacay wadada xiriirisa degaannada Golweyn iyo Ganow oo ka tirsan Gobolka Shabeellaha Hoose. <



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip