Saddex kamid ah Xildhibaannada Aqalka Sare oo goordhow lagu doortay Garoowe

0
Wednesday August 11, 2021 - 19:37:54 in Wararka by
  • Visits: 164
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Saddex kamid ah Xildhibaannada Aqalka Sare oo goordhow lagu doortay Garoowe

    Magaalada garoowe ee Caasimadda Puntland waxaa weli ka socota doorashada Xildhibaannada Aqalka Sare ku matalaya Maamulka Puntland, waxaana la doortay qaar kamid ah xildhibaannada halka kuwo kale ay harsan yihiin. Ilaa Saddex kursi oo kamid ah Xild

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Magaalada garoowe ee Caasimadda Puntland waxaa weli ka socota doorashada Xildhibaannada Aqalka Sare ku matalaya Maamulka Puntland, waxaana la doortay qaar kamid ah xildhibaannada halka kuwo kale ay harsan yihiin. Ilaa Saddex kursi oo kamid ah Xildhibaannada Aqalka Sare ayaa lagu doortay Magaalada Garoowe, waxaana kurisgii ugu horreeyay ku guuleysatay Cabraxmaan Sheekh Maxamuud faroole Madaxweyn ihii hore ee Maamulka Puntland. Sidoo kale kursiga labaad ayaa waxaa cod gacan taag ah ay xildhibaannada ugu codeeyeen 65 mudane oo kulanka fadhiyay Maxamed Cali Yuusuf (Gaagaab) kadib markii uu u tanaasulay Maxamed Geedi Maxamuud oo la tartami lahaa. Sidoo kale kursiga Saddexaad ayaa waxaa cod gacan taag ah ay xildhibaannada ugu codeeyeen 65 mudane oo kulanka fadhiyay Maxamed Cismaan (Majiino) oo ah Wasiirka Dekadaha Puntland kadib markii uu u tanaasushay Kowther Cabdullahi xersi oo la tartami laheyd. Doorashada ayaa waxaa weli ka socota hoolka Golaha wakiilada Puntland ee magaalada garoowe, waxaana manta qorshuhu yahay in dhamaan Maanta la doorto 11 kursi ee aqalka Sare ku matalaya Puntland.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip