Qarax ay dad ku dhinteen oo ka dhacay Shabeellaha Hoose

0
Wednesday August 11, 2021 - 19:28:18 in Wararka by
  • Visits: 154
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Qarax ay dad ku dhinteen oo ka dhacay Shabeellaha Hoose

    Dhimasho iyo dhaawac ayaa ka dhashay qarax Miino oo Maanta barqadii ka dhacay wadada xiriirisa degaannada Golweyn iyo Ganow oo ka tirsan Gobolka Shabeellaha Hoose. Qaraxa ayaa waxaa la sheegay in Aaga tuulada jeedeey oo u dhaxeysa Golweyn iyo Gano

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Dhimasho iyo dhaawac ayaa ka dhashay qarax Miino oo Maanta barqadii ka dhacay wadada xiriirisa degaannada Golweyn iyo Ganow oo ka tirsan Gobolka Shabeellaha Hoose. Qaraxa ayaa waxaa la sheegay in Aaga tuulada jeedeey oo u dhaxeysa Golweyn iyo Ganow uu ku qabsaday Mootada Saddexda lug leh ee Qudaarta lagu qaado, waxaana goob joogayaal sheegeen inay qaraxa ku dhinteen saddex Ruux saddex kalena ku dhaawacmeen. Wararka la helayo ayaa waxaa ay sheegayaan in goobta qaraxa uu ka dhacay ay tahay meel u dhow halkii shalay Ciidamada AMISOM ay dadka Shacabka ah ku xasuuqeen ee gobolka Shabeellaha hoose, dhulkaas oo ah Goobo ay ku yaallaan Beero uu ka baxo Mooska. Dadka ku nool degaanka Golwey n ee Gobolka Shabeellaha hoose ayaa waxaa la sheegay inay u gurmadeen dadka ku waxyeeloobay qaraxaas, kuwaas oo loo soo qaaday caasimadda Soomaaliya ee magaalada Muqdsisho. Wadada xiriirisa degaannada Golweyn iyo Ganow oo oo hoostaga Magaalada Marka ayaa waxaa dhowr jeer ka dhacay qaraxyo miino oo badankood ay ku waxyeeloobeen dad Shacab ah.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip