Madaxii xabsiyada ee Al-Shabaab oo u gacan galay DF

0
Wednesday August 11, 2021 - 19:20:30 in Wararka by
  • Visits: 144
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Madaxii xabsiyada ee Al-Shabaab oo u gacan galay DF

    Idiris Cabdullaahi Macalin oo loo garan ogyahay "Food Cade" ayaa waxa uu kasoo goostay kooxda Al-Shabaab, wuxuuna isku soo dhiibay ciidamada dowladda, sida uu shaaciyey Taliska ciidanka xooga dalka Soomaaliyeed. Taliska Ciidanka xoogga dal

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Idiris Cabdullaahi Macalin oo loo garan ogyahay "Food Cade" ayaa waxa uu kasoo goostay kooxda Al-Shabaab, wuxuuna isku soo dhiibay ciidamada dowladda, sida uu shaaciyey Taliska ciidanka xooga dalka Soomaaliyeed. Taliska Ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed gaar ahaan qeybta 60-aad ayaa magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay kusoo bandhigay Sarkaalkan kasoo goostay Al-Shabaab, kaasi oo ahaa madaxii ilaalinta xabsiyada. Food Cade ayaa waxa uu ka howl-gali jiray degmada Xarardheere ee gobolka Mudug, wuxuuna xarakada ka tirsanaa muddo lagu sheegay 7 sanno, isagoo oo ka qeyb galay dagaalo faro badan oo ka dhacay Koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya. Sarkaalkan ayaa dib uga laabtay fikirkii uu hore dadka ugu gumaadi jiray, wuxuuna warbaahinta u mariyey xubnaha kale ee ka tirsan kooxda Al-Shabaab inay isaga soo tagaan oo aan loo adeegsan daadinta dhiiga shacabkooda. Ma aha markii u horeysay ee ciidamada dowladda ay soo bandhigaan Sarkaal ka tirsan Al-Shabaab oo u soo goostay dhanka dowladda, waxayna kusoo aadeysa xili ay socdaan howl-galo ballaaran oo dagaalyahanada kooxdaas looga xoreynayo dalka.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip