Ra'isul Wasaare Rooble oo gaaray magaalada Mombasa ee dalka Kenya

0
Tuesday August 10, 2021 - 18:20:46 in Wararka by
  • Visits: 181
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ra'isul Wasaare Rooble oo gaaray magaalada Mombasa ee dalka Kenya

    ..

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

..

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa gaaray magaala xeebeedka Mombasa ee dalka Kenya, halkaasoo uu wada hadalo kula yeelanayo Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta.

Wafdiga ayaa waxaa soo dhaweeyay garonka diyaaradaha magaalada Mombasa Wasiirka Arimaha Dibadda Kenya, waxaana ujeedka safarkiisa uu yahay casuumaad uu ka helay Madaxweynaha dalkaas Uhuru Kenyatta.

Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa la filayaa in uu galabta kulan la qaato Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyata iyo madax kale oo ka tirsan dowlada Kenya.

Booqashada Ra’isul Wasaare Rooble ee uu ku tegey dalka Kenya ayaa ah tii ugu horeysay oo mas’uul sare oo ka tirsan xukuumada Soomaaliya uu si rasmi ah booqasho ugu tago dalka Kenya kadib markii xiriirka labada dal uu xumaaday horaantii sanadkan.

ra'isul wasaare rooble oo gaaray magaalada mombasa ee dalka kenyara'isul wasaare rooble oo gaaray magaalada mombasa ee dalka kenyara'isul wasaare rooble oo gaaray magaalada mombasa ee dalka kenyara'isul wasaare rooble oo gaaray magaalada mombasa ee dalka kenya

 




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip