Murashax Madaxweyne Maxamed Siiriin oo soo dhaweeyay War-murtiyeedkii ka soo baxay Xafiiska Ra'iisul Wasaaraha

0
Monday August 09, 2021 - 23:32:05 in Wararka by
  • Visits: 160
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Murashax Madaxweyne Maxamed Siiriin oo soo dhaweeyay War-murtiyeedkii ka soo baxay Xafiiska Ra'iisul Wasaaraha

    ...

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

...

Murashax Madaxweyne Maxamed Cabdiraxmaan Cali Siiriin oo ka mid ah murashixiinta u taagan qabashada xilka Madaxtinimo ee dalka, isla markaana wareysi siiyey Radio Muqdisho ayaa ka hadlay war-murtiyeedkii ka soo baxay xafiiska Ra’iisul Wasaare Rooble.

Mudane Maxamed Cabdiraxmaan Cali Siiriin ayaa xusay in qoraalka ka soo baxay xafiiska Ra’iisul Wasaaraha uu qeexayay sida dastuurka qabo in xilliga kala guurka ay mas’uuliyadda Xukuumaddu leedahay oo ay dalka gaarsiineyso inta laga soo dooranayo hogaanka cusub ee dalka.

"Anigu waxaan taageeray bayaanka ka soo baxay Ra’iisul Wasaaraha oo tilmaameyay in marka la gaaro xilliga kala guurka ay mas’uuliyaddu leedahay Xukuumadda”. Ayuu yiri Siiriin.

Murashax Madaxweyne Maxamed Cabdiraxmaan Cali Siiriin ayaa tilmaamay in hanaanka ay ku bilaabatay doorashada ay tahay mid hagaagsan oo uu soo dhaweynayo, isagoo xusay in ay jirto xoogaa dib u dhac ah oo ku aadan jadwalka doorashada, balse uu ku faraxsanyahay in la guda galay doorashada oo dowlad goboleedyada qaar ay ka qabsoomeen doorashada Aqalka Sare.

"Seneatorada la doortay waa 9 xubnood oo ka mid ah 54-ta xubnood ee uu Aqalka Sare ka koobanyahay, waana talaabo wanaagsan oo bilow ah, waxaana ku rajo weynahay in marka uu soo dhameytirmo ay mudnaanta siin doonaan maslaxadda dalka iyo dadkaba”. Ayuu yiri Musharax Maxamed Siiriin.

Musharaxa mar uu ka hadlayay arrimaha ku saabsan ololaha doorashadiisa ayaa hoosta ka xariiqay inay soo socdeen muddadii labada sano ee la soo dhaafay, haatanna waxa uu ku rajo weynyahay in marka ay soo idlaato guud ahaan doorashada Xildhibaannada uu dar dargelin doono ololahiisa doorashada.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip