Xog: Waa maxay sababta uu QOOR QOOR meesha uga saarayo Abshir Bukhaari?

0
Monday August 09, 2021 - 23:58:58 in Wararka by
  • Visits: 152
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xog: Waa maxay sababta uu QOOR QOOR meesha uga saarayo Abshir Bukhaari?

    ...

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

...

Xog ay Caasimadda Online ka heshay ilo-wareedyo ku dhow madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor ayaa xaqiijineysa in Qoorqoor uu labadii todobaad ee la soo dhaafay ku mashquulsanaa sidii uu meesha uga saari lahaa kurisiga Aqalka Sare ee uu ku fadhiyo Abshir Bukhaari.

Arrintan oo qeyb ka ah heshiis hoose oo ay galeen Madaxweyne Farmaajo iyo Qoorqoorayuu Farmaajo ku adkeeyay muhiimadda ay u leedahay in Abshir Bukhaari oo uu eedo badan ka tirsanayo meesha laga saaro.

Guddoomiye ku-xigeenka labaad ee Aqalka Sare Abshir Bukhaari ayaa la aaminsan yahay in uu ahaa caqabad weyn oo maamulka Farmaajo ka hortaagnayd wax ka bedelka nidaamka federaalka dalka muddadii afarta sano ahayd ee la soo dhaafay.

Sida ay ogaatay Caasimada Online, Farmaajo ayaa sidoo kale arrintan ku tijaabinaya daacadnimada Qoorqoor iyo sida uu uga soo dhalaali karo fulinta dib-u-doorashada madaxweyne Farmaajo.

     Xogta ay heshay Caasimada Online ayaa sheegeysa in durbaba uu Qoorqoor billaabay isku dayga ah kursigan loo wareejiyo Golaha Shacabka, si Abshir meesha looga saaro. Waxaa sidoo kale suurta-gal ah in kursigan uu Qoorqoor siiyo qof jufo hoose la ah Abshir Bukhaari, si uu xitaa uga rajo tiro Golaha Shacabka.

Dhanka kale, heshiiska Qoorqoor iyo Farmaajo waxaa ka mid ah in dhammaan kuraasta Aqalka Sare ee Galmudug lagu qoro taageerayaasha Farmaajo, maadaama ay yartahay fursadda uu Farmaajo ka heli karo kuraasta Golaha Shacabka oo qabaa’ilku ay leeyihiin go’aankooda.

Waxaa la xaqiijiyay in Senetor Samsam oo ka mid ah kooxda Farmaajo dib loo qorayo, halka xildhibaan Cabdixakiin Macallin Axmed oo ku dhow Farmaajo kursigiisa loo soo wareejinayo Aqalka Sare, si loo damaanad qaado in uu dib u soo laabto, taas oo muujineysa dadaalka uu Qoorqoor ku bixinayo dib-u-soo laabashada Farmaajo.

Si uu u fuliyo qorshahan, Qoorqoor ayaa malaayiin dollar loo ballan-qaaday, hase yeeshee waxaa laga cabsi qabaa inay tan horseedo dagaal ka dhacao Dhuusomareeb ama ay Galmudug burburto.

Toddobaadyadii dhowaa waxaa magaalada caasimadda u ah Galmudug ku qulqulayey ciidamo badan oo taabacsan siyaasiyiinta beesha Habargidir ee xil doonka ah, waxaana magaalada uu dagaal ka qarxi karaa marka Qoorqoor uu shaaciyo liiska musharaxiinta.

Xog: Waa maxay sababta uu QOOR QOOR meesha uga saarayo Abshir Bukhaari?XIGASHO:-CAASIMADDA.NET




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip