IGAD Oo Ka Wada Hadli Doona Xiisadaha Ka Taagan Dalka Koonfurta Suudan

0
Monday August 09, 2021 - 23:58:03 in Wararka by
  • Visits: 157
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    IGAD Oo Ka Wada Hadli Doona Xiisadaha Ka Taagan Dalka Koonfurta Suudan

    ..

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

..

Wasiiradda Arrimaha Dibedda ee Toddobada dal ee xubnaha ka ah Urur-gobaleedka IGAD ayaa la filayaa in caawa Kulan dhanka Muuqaalka (Video Conference) ku yeeshaan Colaadda u dhexeysa Garabyada Xisbiga Madaxweyne-ku-xigeenka dalkaasi, Reek Majaar.

Qoraal ka soo baxay Xoghaynta Urur-gobaleedka IGAD ayaa lagu sheegay in Wasiirada Arrimaha Dibedda ee dalalka Sudan, Somalia, Jabuuti, Kenya, Ethiopia, Uganda iyo Koonfurta Suudan Kulan Khadka Zoomka kaga xaajoon doonaan Xaalladda Siyaasadeed ee haatan ka taagan dalka Koonfurta Suudaan.

    Ugu yaraan 32 qof ayaa lagu dilay iska-horimaadyo dhacay toddobaadkan,kadib, markii Reek Majaar laga qaaday xilalka Hoggaamiyihii Xisbiga SPLA-IO iyo Madixii Ciiddanka ee Xisbigaasi.

Urur-gobaleedka IGAD waxa uu kaalin muhiim ah ka ciyaaray Wada-hadaladii Nabadda ee lagu soo af-jaray dagaalkii muddada shanta sano u dhexeeyey Madaxweynaha dalka Koonfurta Suudaan, Salva Kiir iyo Taageerayaasha u daacadda ahaa Reek Majaar.

Dagaaladaasi waxay galaafteen nolosha dad lagu qiyaasay 400,000 oo qof.





Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip