Dowladda Soomaaliya Oo Shaacisay In Dalka Ay Ku Soo Badanayaan Dadka Isticmaala Maandooriyaha

0
Monday August 09, 2021 - 21:56:04 in Wararka by
  • Visits: 167
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dowladda Soomaaliya Oo Shaacisay In Dalka Ay Ku Soo Badanayaan Dadka Isticmaala Maandooriyaha

    ..

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

..

Wasiirka Diinta iyo Awqaafta ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Cumar Cali Rooble ayaa sheegay in dalka ay ku soo badanayaan dadka isticmaalaya waxyaabadaha maanka dooriya oo ay ugu horeyso cirbado daroogo ah oo ay dhallinta si joogto ah u isticmaalaan.

Wasiirka ayaa bulshada ugu baaqay in loo caqli celiyo dhallinyarada isticmaaleysa daroogada, isla markaana qofkii ku arka inay soo gaarsiiyaan goobaha ugu dhaw ee hay’adaha amniga, si wadajir loogula dagaalamo ka hortagga daroogada.

    "Wax la aqbali karo ma ahan waxyaabaha ka socda Hotellada qaarkood, wadanka waa wadan Muslim ah, waa umad Aabayaal illaa iyo xilligan diinta Islaamka ku saoo barbaartay waaye, sidaa darteed ma aqbali karno waxyaabaha qaar ee ay dhallintu isticmaalayaan ee daroogada ah”. ayuu yiri Mudane Cumar Cali Rooble

Wasiirka ayaa hadalkan ka jeediyay munaasabad weyn oo dalka iyo dadka loogu duceynayay, laguna daahfurayay Barnaamij lagu tababarayo Imaamyo, Khadiibyo, Culimo iyo Macallimiin Dugsi Quraan, kaasi oo lagu qabtay Muqdisho, isla markaana ay tababarkaan bixin doonto Jaamacadda Al-Azhar Alshariif.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip