Wasiir ka tirsanaa Puntland oo COVID-19 u geeriyooday

0
Monday August 09, 2021 - 20:12:51 in Wararka by
  • Visits: 158
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wasiir ka tirsanaa Puntland oo COVID-19 u geeriyooday

    ....

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

....

 Magaalada Garoowe ee xarunta gobolka Nugaal waxaa saaka ku geeriyooday Allaha u naxariistee wasiir ku xigeenkii wasaaradda howlaha guud & gaadiidka dowlad goboleedka Soomaaliyeed ee Puntland, Marxuum Asad Xuseen Xaashi.

Wararka ayaa sheegaya in Marxuumka oo xanuunsanaa saddexdii maalimood ee la soo dhaafay uu u geeriyooday cudurka saf-marka ah Covid-19 oo soo kacleeyey markii 3-aad.

Geerida ku timid marxuumka ayaa waxa ka tacsiyeeyey madaxda sare ee Puntland oo uu ugu horreeyo madaxweyne Siciid Cabdullahi Deni, waxaana qoraal kasoo baxay xafiiskiisa dhambaal tacsi ah loogu diray ehellada wasiirka geeriyooday & guud ahaan reer Puntland.

"Waxaan dhammaan ummada Soomaaliyeed, Shacabweynaha Puntland iyo Golaha Xukuumadda Puntland, uga Tacsiyeeynaya geerida Alle ha u naxariistee Wasiir Ku-xigeenkii Wasaaradda Howlaha Guud iyo Gaadiidka ee Puntland Asad Xuseen Xaashi oo ku geeriyooday Garoowe,” ayaa lagu yiri warsaxaafadeedka kasoo baxay madaxtooyada.

Sidoo kale qoraalkan ayaa waxaa lagu sheegay Marxuum Asad Xuseen uu ahaa mas’uul soo qabtay xilal ka duwan, isla-markaana u soo shaqeeyey dalkiisa iyo dadkiisa.

"Marxuumku waxa uu ahaa masuul usoo shaqeeyay dalkiisa iyo dadkiisa, waxaana alle uga baryaya inuu naxariistii Janno ka waraabiyo, dembigiisa dhaafo, su’aasha qabriga u sakhiro, samir iyo iimaanna ka siiyo dhammaan ummadda Soomaaliyeed, shacabka Puntland, eheladii, qaraabadii, asxaabtii iyo qoyskii uu ka baxay” ayuu sii raaciyey Deni.

     Xanuunka Covid-19 oo haatan kusii baahaya dalka ayaa waxaa soo baxaya warbixino ka imaanaya bahda caafimaadka oo la xiriira kororka cudurka ee guud ahaan dalka.

Wasiir ka tirsanaa Puntland oo COVID-19 u geeriyooday





Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip