Wararkii ugu dambeeyey ee dagaalka Itoobiya iyo go'aan kasoo baxay Oromada

0
Monday August 09, 2021 - 19:52:36 in Wararka by
  • Visits: 178
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wararkii ugu dambeeyey ee dagaalka Itoobiya iyo go'aan kasoo baxay Oromada

    ..

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

..

Maamulka Oramada ayaa war ka soo saaray xaalada dagaalada TPLF ee ka socda deegano ka tirsan gobalkada Oramada.

Shemelis Abdisa, oo ah madaxweynaha Oromia ayaa sheegay in aysan fiirsan doonin colaadda dadkiisa ay ku haayan xoogagga Tigrayga.

Shemlis ayaa sidoo kale xusay in ay dhawaan qaadi doonaan dagaalka ka dhan ah Jabhadda dib u soo laba kacleysay ee TPLF.

"TPLF ma u ogolaan doonno in ay sii waddo xadgudubyada ay ku heyso dadkeena,” ayuu yiri madaxweynaha maamulka Oromia.

Abdisa ayaa hadalkaan ka sheegay isku soo bax balaaran oo shalay galinkii dambe ka dhacay Meskel, halkaas oo ay shacabka Oromia ku sheegen in ay ka banaanbaxayaan dagaalka socda.

Madaxweynaha Oromia ayaa sidoo kale intaas hadalkiisa ku sii daray "Kooxda argagaxisada ah ee TPLF waxa ay toogasho ku dishay dhallinyaradii dalka,waxa ay sidoo kale boobeen hantidii dadka”.

     Dagaalka TPLF iyo xukuumadda Abiy ayaa soo laba kacleyay bishii May kadib markii ay jabhadda dib ula wareegtay caasimadda Tigray ee Make’lle.

Wararkii ugu dambeeyey ee dagaalka Itoobiya iyo go’aan kasoo baxay Oromada




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip