Al-shabaab oo fagaare ku yaala deegaanka Kabsuuma ee gobolka Jubbada Hoose ku toogatay sadax ruux

0
Monday August 09, 2021 - 16:44:02 in Wararka by
  • Visits: 159
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Al-shabaab oo fagaare ku yaala deegaanka Kabsuuma ee gobolka Jubbada Hoose ku toogatay sadax ruux

    ..

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

..
 Dagaalamayaasha Al-shabaab ayaa fagaare ku yaala deegaanka Kabsuuma ee gobolka Jubbada hoose ku toogtay sadax ruux oo ay sheegeen iney ka mid ahayeen askar ka tirsan ciidamada dowladda iyo kuwa Jubbaland
Boqolaal dadweyne ah oo ka kala yimid xaafadaha deegaanka Kabsuuma ayaa usoo daawasho tagay fagaaraha lagu toogtay sadaxda ruux, waxayna Al-shabaab sheegeen iney kusoo qabteen sadaxda ruux howlgalo ay ka sameyeen deegaano ka tirsan gobolka Jubbada Hoose.


Sadaxda qof ee toogashada ku fuliyeen Al-shabaab ayaa lagu kala magacaabi jiray Bashiir Cabdow Cali, Maadeey Cali Maamow oo ka wada tirsana Militariga Soomaaliya iyo Cabdirashiid Shukri Sheekh Cabdi oo isna ka mid ahaa ciidanka maamulka Jubbaland.

Al-shabaab waxay horay toogasho noocaan oo kale ah ugu fuliyeen dad ay sheegeen iney ka tirsanayeen dowladda Soomaaliya iyo kuwa kale oo ay sheegeen iney ahayeen jaajuusiin.



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip