Farmaajo iyo Rooble: Yuu dastuurka la jiraa, muxuuse ka leeyahay awoodahooda?

0
Monday August 09, 2021 - 16:08:44 in Wararka by
  • Visits: 140
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Farmaajo iyo Rooble: Yuu dastuurka la jiraa, muxuuse ka leeyahay awoodahooda?

    ...

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

...

Madaxweynaha muddo xileedkiisu dhammaaday ee Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo iyo Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble ayaa waxaa ka dhex-qarxay dagaal siyaasadeed ku saabsan cidda leh awoodda fulinta iyo heshiis gelista xukuumadda.

Labada mas’uul ayaa isku haya heshiis ganacsi oo dib loogu furayo qaadkii Soomaaliya uga iman jiray Kenya, oo Rooble uu doonayo inuu saxiixo, iyo Farmaajo oo kasoo horjeeda maadaama qoyskiisa uu xiran yahay qaadka laga keeno Ethiopia.

Hase yeeshee, marka meel la iska dhigo wareegtooyinka ay soo saareen labadooda iyo ujeedka mid walba, yuu awoodda arrinta la isku hayo siinayaa dastuurka ku-meel gaarka ah ee Soomaaliya?

Muxuu cuskanayaa Farmaajo?

Wargeetadii uu 7-dii bishan kasoo baxday Farmaajo waxaa lagu yiri"Madaxweynaha oo gudanaya waajibaadka dastuuriga ah ee ka saaran ilaalinta Hantida Qaran iyo madaxbannaanida dalkeenna ayaa Xeer Madaxweyne ku joojiyay in Hay’adaha Dowladdu ay galaan heshiis ama is af-garad kasta oo taabanaya siyaasadda, dhaqaalaha iyo amniga dalka.”

Si kastaba, Farmaajo ma uusan shaacin qodobka dastuuriga ah ee uu u cuskanayo tallaabada uu qaaday iyo halka uu dastuurka uga qoran yahay

     Waxaan eegnay qodobka 90-aad ee dastuurka oo qeexaya "Xilka iyo Awoodaha Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka,”mana jirto meel xitaa ay kaga qoran tahay in madaxweynaha ay waajib ka saaran tahayilaalinta Hantida Qaran iyo madaxbannaanida dalkeenna.

Waxaa intaas dheer, haddii xitaa dastuurka uu ku jiri lahaa qodob Farmaajo awood u siinaya "ilaalinta Hantida Qaran iyo madaxbannaanida dalkeenna,” Rooble ma wuxuu sameynayaa wax madax-banaanida dalka wax u dhimaya mase bixinayaa hanti-qaran?

Muxuu cuskanayaa Rooble?

Wareegtadii xafiiska Rooble kasoo baxday 8-dii bishan, wuxuu dastuurka kaga xusay laba goor, labada goorna wuxuu cuskaday laba qodob oo kala ah; qodobka 97-aad iyo kan 103-aad.

Qoraalka ayaa lagu yiri "Ra’iisul Wasaaraha oo cuskanaya Qodobka 97-aad faqradiisa 1-aad ee Dastuurka KMG ah, awoodda fulinta ee Jamhuuriyadda Federaalka ah waxaa leh golaha Wasiirrada, waxayna u qabanayaan sida Dastuurka ku tilmaaman, waana hay’adda ugu sarreyso fulinta maamulka dalka.”

Qodobka 97-aad- ee dastuurka ayaa u dhigan sidan:-

Farqada 1-aad:Awoodda fulinta ee Jamhuuriyadda Federaalka ah waxaa leh Golaha Wasiirrada, waxayna u qabanayaan sida Dastuurka ku tilmaaman.

Farqada 2-aad:Golaha Wasiirradu waa hay’adda fulinta maamulka ugu sarraya Dowladda Federaalka, wuxuuna ka kooban yahay Ra’iisul Wasaare, Ra’iisul-Wasaare ku-xigeen/ku-xigeenno, Wasiirro, Wasiirro-Dawlayaal iyo Wasiirro-ku-Xigeenno.

Qodobka 103-aad ee dastuurkaoo sidoo kale Rooble uu cuskaday ayaa waxa aku qoran sidan:

"Inta u dhexaysa taariikhda doorashada guud iyo marka Raisul-Wasaare cusub la dhaarin doono, Raisul-Wasaarihii hore ee xilka hayey iyo Golihiisa Wasiirradu waxay sii haynayaan xilka, waxayna u fulinayaan waajibaadka caadiga ah ee Dawlada si xilgaarsiin ah.”

Gunaanadka

Doodda Farmaajo iyo Rooble waxay u dhaceysaa; Farmaajo oo doonaya inuu digreeto wax ku maamulo, iyo Rooble oo adeegsanaya sharciyad iyo qodobo dastuuri ah oo aan dood la gelin karin.

Waxaa intaas dheer, in madaxweyne Farmaajo muddo xileedkiisa uu dhammaaday 7-dii Febraayo 2021, inta laga dooranayana madaxweyne cusub, ay talada dalka leeyihiin ra’iisul wasaaraha iyo xukuumadda xil-gaarsiinta.

Farmaajo iyo Rooble: Yuu dastuurka la jiraa, muxuuse ka leeyahay awoodahooda?




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip