HALKAAN KA AQRISO W/WARGEYSKA MOGADISHU TIMES 9-JULY 2021

0
Monday August 09, 2021 - 08:06:46 in Wararka by
  • Visits: 510
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    HALKAAN KA AQRISO W/WARGEYSKA MOGADISHU TIMES 9-JULY 2021

    ....

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

....

RW Rooble Oo Ka Hor Yimid Wareegtadii Farm aajo Uu Ku Hakiyay Heshiisyada Xukuumadda

   Iyadoo Habeen hore Madaxweynaha Dowladda Fede raalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Ma xamed farmaajo uu ware egto Madaxweyne ku hak iyay Heshiisyada xukuu madda, ayaa waxaa si kul ul kaga hadlay arrintaasi RW Maxamed Xuseen Rooble.

    War kasoo baxay Xafiiska RW Rooble ayaa waxaa si kulul looga hadlay arrintaasi, waxaana war-murtiyeed laga soo saaray Xafiiska RW Ro oble lagu sheegay in hay’adaha xukuumadda ay sii Wadan doonaan howlahooda, aysana istaagi doonin dhammaan shaqooyinka xukuumadda.



Hoos ka akhriso War-murtiyeedka kasoo baxay Xafiiska RW Rooble

     R/Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ah oo cuskanaya Qodobka 97-aad faqradiisa 1-aad ee Dastuurka KMG ah, awoodda fulinta ee Ja mhuuriyadda Federaalka ah waxaa leh golaha Wasiirrada, waxayna u qabanayaan sida Dastu urka ku tilmaaman, waana hay’adda ugu sarrey so fulinta maamulka dalka.

     Xukuumaddu waxa ay sidoo kale mas’uuliyad ka saaran tahay Dhaqangelinta shuruucda, sug idda nabadgelyada dalka, ilaalinta danaha dalka iyo Dadka Soomaaliya, sidaas la mid ah Dastuur ka Qaran ayaa u xilsaaraya XF wada-xaajoody ada la xiriira Kaalmada Dibadda, ganacsiga, cah diyada ama arrimaha muhiimka ah ee laxiriira hishiisyada caalamiga ah.

     Sida ku cad Qodobka 103 ee Dastuurka Ja mhuuriyadda, inta u dhexaysa taariikhda doora shada guud iyo marka Raisul-Wasaare cusub la dhaarin doono, Raisul- Wasaaraha xilka haya iyo golihiisa Wasiirradu waxay sii haynayaan xil ka, waxayna fulinayaan waajibaadka caadiga ah ee Dawlada si xilgaarsiin ah taas oo R/ Wasaar aha iyo Golihiisa Wasiirada u fasaxaysa inay si caadi ah u fuliyaan waajibadka Qaran ee Dastuu rku saaray isla markaana Meesha ka saaraysa in wax hakad ah ku yimaado shaqooyinka Daw ladda.

    Haddaba, iyada oo laga ambaqaadayo Qodo bada Dastuuriga ah ee kor ku xusan, R/Wasaar aha XFS, wuxuu farayaa dhamaan hay’adaha Dawladda inay si caadi ah u gutaan Waajibaadk ooda shaqo si waafaqsan Dastuurka KMG ah, joogteeyaanna adeegyada loo hayo shacabka Soomaaliyeed iyo ilaalinta hantida iyo danaha guud ee Qaranka, iyagoo xusuusan isla markaa na dhawraya go’aamadii uu horay usoo saaray Ra’isul Wasaaraha.

WAR MURTIYEED XAALADDA SIYAAS ADEED EE DALKA

    Ra’isul Wasaaraha XFS Maxamed Xuseen Rooble Sida ay lawada socdaan bulshada Soom aaliyeed, Dalku waxa uu ku jiraa marxalad adag oo dhammaan hay’adaha Dastuuriga ah uu ka dhamaaday muddo-xileedkoodii caadiga ah loona baahanyahay in si xilkasnimo leh looga gudb iyo dalka marxaladan kala guur ka ah.

      Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble iyo Xukuumaddiisu waxa ay xilka fulinta ee Dal ka la wareegtay xilli aad u adkaa oo Soomaaliya ay wajahaysay xiisado gudaha iyo dibadda ah, kuwaas oo keenay in lagu sigto in dalku uu ku noqdo burbur iyo colaado sokeeye. R/ Wasaa rahu isaga oo maanka ku haya mas’uuliyadda Qaran ee saaran waxa uu dadaal wayn ku bixi yay sidii dalka looga badbaadin lahaa marxa ladaas adag, wuxuuna u hawlgalay sidii loo daji nlahaa Xiisadaha Gudaha iyo kuwa dibadda, iya doo la ilaalinayo danaha Shacabka Somaliyeed.

       R/Wasaaraha iyo Golihiisa Wasiiradu wax eey ku guulaysteen toban bilood ka dib in uu mu uqdo isbadal wayn oo ku yimid muuqaalka qaran ka ee gudaha iyo dibadda, taas oo keentay in Shalay dalka ay ka bilawdeen Doorashooyin na bdoon oo dhinacyadii kala fogaaday wada aqbal sanyihin, isla markaana si tartiib tartiib ah uu usoo noqonayo Cilaaqaadka dublamaasiyadeed ee ay Soomaaliya la leedahay dalalka dariska ah, Ururada iyo Dawladaha kale ee danuhu ina gala dhaxeeyaan.

     Tilaabooyinka xalinta mushkuladda gudaha ee uu qaaday Ra’iisul wasaaruhu waxaa ka mid ah hagaajinta wadashaqaynta Dawladda dhexe iyo Dawladaha Xubnaha ka ah, furista masraxa siyaasadda, si Siyaasiyiinta Soomaaliyeed ee leh hanka loogu diyaariyo jawi xasiloon oo ay aamini karaan, dhisidda kalsoonida Bulshada ee hanaanka Doorashooyinka iyo wadashaqaynta saaxiibada beesha Caalamka ee na garab taa gan.

    Si la mid ah arrimaha Diblomaasiyadda. R/ Wasaaraha isaga oo garawsan in aanay Soom aaliya wax dan ahi ugu jirin in uu xumaado xiriir ka ay la leedahay dariskeeda iyo dunida inteeda kale, wuxuu dedaal ku bixiyay in Soomaaliya ay cilaaqaaad ku dhisan simanaan la yeelato dal alka muhiimka u ah, isagoo socdaal ku tagay dal ka aan walaalaha nahay ee Jabuuti, sidaas oo kale wuxuu wadahadallo la bilaabay dalka Ken ya iyo qaar ka mid ah wadamada Carabta kuwa as oo uu inagala dhaxeeyaan xiriirro dibliomaa siyadeed, amni ,ganacsi,waxbarasho ,ama marti galiya qaxooti iyo dad Soomaaliyeed oo degan aansho ku leh kuwaas oo ay mas’uuliyad ka saarantahay Dawladda Soomaaliya.

     Waxaa xusid mudan in wada xaajoodyada lagu hagajinayo xiriirka dibadeed ee Soomaaliya ay yihiin kuwa dhawraya Madaxbanaanida iyo Siyaadda Qaranka Soomaaliyeed oo waajib das tuuri ah uu ka saaranyahay Ra,iisul Wasaaraha iyo Xukuumddiisa, dhanka kalana xeerinaya Danaha Shacabka Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaan iyo dhimista nooc kasta oo ah nac ayb iyo colaad laga maarmi karo.

     Dedaalada kor ku xusan waxa ay marayaan meel wanaagsan oo u baahan in horay loosii wado iyada oo yoolku uu yahay in R/Wasaaruhu gaarsiiyo kuna wareejiya Xukuumadda dhalan doonto ,Soomaaliya xasilooni ,nabad ah oo xiriir wangaagsan la leh dariskeeda iyo dunida inteeda kale.

   Haddaba, iyada oo ay socdaan shaqooyinkaas wanaagsan ayay soo muuqatay baahida loo qabo jihaynta qaabka xil gudasho ee hay’adaha Dawladda marxaladda soo socota, sidaas awgeed,

     R/ Wasaaraha XFS oo cuskanaya Qodobka 97-aad faqradiisa 1-aad ee Dastuurka KMG ah, awoodda fulinta ee Jamhuuriyadda Federaalka ah waxaa leh golaha Wasiirrada, waxayna u qa banayaan sida Dastuurka ku tilmaaman, waana hay’adda ugu sarreyso fulinta maamulka dalka.

   Xukuumaddu waxa ay sidoo kale mas’uuliyad ka saaran tahay Dhaqangelinta shuruucda, su gidda nabadgelyada dalka, ilaalinta danaha dal ka iyo Dadka Soomaaliya, sidaas la mid ah Das tuurka Qaran ayaa u xilsaaraya Xukuumadda Federaalka ah wada-xaajoodyada la xiriira Kaa lmada Dibadda, ganacsiga, cahdiyada ama arr imaha muhiimka ah ee laxiriira hishiisyada caa lamiga ah.       

      Sida ku cad Qodobka 103 ee Dastuurka Jam huuriyadda, inta u dhexaysa taariikhda doora shada guud iyo marka Raisul-Wasaare cusub la dhaarin doono, Raisul- Wasaaraha xilka haya iyo golihiisa Wasiirradu waxay sii haynayaan xil ka, waxayna fulinayaan waajibaadka caadiga ah ee Dawlada si xilgaarsiin ah taas oo R/Wasa araha iyo Golihiisa Wasiirada u fasaxaysa inay si caadi ah u fuliyaan waajibadka Qaran ee Dast uurku saaray isla markaana Meesha ka saaray sa in wax hakad ah ku yimaado shaqooyinka Dawladda.

     Haddaba, iyada oo laga ambaqaadayo Qodobada Dastuuriga ah ee kor ku xusan, R/Wa saaraha XFSoomaaliya, wuxuu farayaa dhama an hay’adaha Dawladda inay si caadi ah u guta an Waajibaadkooda shaqo si waafaqsan Dastu urka KMG ah, joogteeyaanna adeegyada loo ha yo shacabka Soomaaliyeed iyo ilaalinta hantida iyo danaha guud ee Qaranka, iyagoo xusuusan isla markaana dhawraya go’aamadii uu horay usoo saaray Ra’isul Wasaaraha.

Wasiirka arrimaha dibadda KENYA oo Timid Muqdisho

     Wafdi culus oo ka socda dowladda dalka Ke nya, isla-markaana ay hoggaamineyso wasiirka arrimaha dibadda ee dalkaasi, Raychelle Oma mo ayaa Shalay soo gaaray magaalada Muqd isho ee caasimada Soomaaliya.

     Raychelle Omamo iyo wafdigeeda ayaa wax aa garoonka Aadan Cadde kusoo dhoweeyey wasiirka arrimaha dibadda Maxamed Cabdir isa aq & mas’uuliyiin kale oo ka tirsan dowladda.

     Wararka ayaa sheegaya in wasiirka arrimaha dibadda Kenya ay wada-hadallo gaar ah la yee lan doonto dhiggeeda Soomaaliya, sidoo kalena waxay la kulmi doontaa ra’iisul wasaare Maxa med Xuseen Rooble iyo madaxweynaha muddo xileedkiisa uu dhammaaday.

Inta badan wada-hadalladan ayaa waxaa diirad da lagu saarayaa xiriirka diblomaasiyadeed ee labada dal, si meesha looga saaro mad-mado wga soo kala dhex-galay labada dhinac.

     Sidoo kale ilo wareedyo ka tirsan Villa Soom aaliya ayaa innoo xaqiijiyey in wada-hadalladan waxyaabaha looga hadli doono ay sidoo kale ka mid yihiin isu socodka shacabka labada dal, xiriirka ganacsi iyo xoojinta xiriirka diblomaasiy adeed ee dhowaan dib loo soo celiyey.

       Sida aan xogta ku helnay kulamadan ayaan wax shaqo ah ku laheyn arrimaha badda iyo dhex-dhexaadin la sheegay in Midowga Afrika uu isku dayi doono inuu ka dhex-sameeyo lab ada dal ee dariska ah Soomaaliya iyo Kenya, si loo dhammeeyo khilaafka ka dhexeeya.

      Socdaalka wafdigan sare ee ka socda Kenya, isla-markaana soo gaaray Muqdisho ayaa kusoo aadayo, xilli xasaasi ah oo ay Soomaaliya ku jiro marxalad doorasho.


MAXAA LOOGA DAN LAHAA WAREEGTADII FARM AJO?

    Ka dib wareegto kasoo baxday xafiiska madax weynaha muddo xileedkiisa uu dhammaaday ayaa waxaa lagu shaaciyey amar ah in aysan geli karin hay’adaha dowladda heshiisyo siyaasaddeed, mid amni iyo kuwa dhaqaale, inta lagu guda jiro xilliga kala guur ah, isla-markaana laga qabanayo doorashooyinka dalka ee 2021-ka.

Prof Huseen Warsame oo ah bare Jaamacadeed oo ku sugan maga alada Calgary ee dalka Canad ayaa fasiraad ka bixiyey wareegtada uu soo saa ray mad axweynaha oo ku soo aaday xilli xasaasi ah, wux uuna shaaciyey inay tahay mid muhiim ah oo ku soo aaday xilligeeda. Aqoonyahankan ayaa xusay in adduunyada inteeda ay ka jirto arrintan oo kale, isla-markaana la qaado tallaabooyinkan, marka la gaaro waqtiga doorashada.

      "Anigu waxaan isleeyahay cid loola jeedaa oo gaar ah in aanay jirin, laakiin waxaa muhiim aheyd koleyba mar haddii kala guur la joogo een dad badan oo xilal haya oo soo noqoneyn-baa jira, ka na baqanaya inay doorashada waayaan, marka ad uunyada oo dhanba waa iska sidaas, ” ayuu yiri Prof Huseen Warsame oo ah bare Jaamacadeed.

     Sidoo kale wuxuu intaasi sii raaciyey in tallaaba da uu qaaday madaxweynaha uu sharciga u ogol-yahay, maadaama uu yahay cidda ugu sarreysa ee maamulka dowladda.

   "Qodobka 18-aad ee dastuurka wuxuu madaxw eynuhu awood u siinayaa in isagu yahay cidda ugu sarreysa ee dowladda ha noqoto fulin ama ha no qoto sharci dajin ama garsoor,” ayuu raaciyey.

     Prof Huseen Warsame oo hadalkiisa sii wata ay aa xusay inay jiri karaan farsamooyin kale oo mad axweynaha ku kalifay amarkan, balse si guud ma rka loo eego ay warqaddani ku soo aaday xilli loo baahnaa, isla-markaana ay dowladdu ku kalifeyso inay dadajiso doorashada.

    "Anigu waxaan is leeyahay warqadan waqti yare loo baahnaa ayey soo baxday oo tartarsiin doonto dowladdu, si aanay mashruucyada uga xirmin ayna deg deg isaga dhammeyso arrimaha doorashooyin ka ee daba jiitamay-baan anigu isleeyahay,” ayuu markale yiri.

      Si kastaba direegtada kasoo baxday xafiiska madaxweynaha muddo xileedkiisu dhamaaday ee xayiyaaradda lagu saaray hay’adaha dowladda ayaa timid, kadib markii uu soo shaac baxay safar ka wafdiga ka socda dalka Kenya ee Shalay soo gaaray magaalada Muqdisho.

R/Wasaaraha Soomaaliya oo kulan Muqdisho kulan qaatay wasiirka arrimaha dibadda Kenya

     Riisul Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuse en Rooble ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Wasiirka Ari maha Dibedda ee dalka Kenya Raychelle Omamo oo Shalay soo gaartay Muq disho. Warsaxaafadeed oo ka soo baxay xafiiska raysal was aaraha ayaa lagu sheegay in Labada dhinac ay ka wada hadleen sare u qaad idda iyo xoojinta xiriirka diblomaasiyadeed ee u dhaxeeya labada dal ee dariska ah ee Soomaaliya iyo Kenya.

   Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa wasiirka Arrimaha Dibadda Kenya ka guddoomay casuumad rasmi ah oo uu ka helay madaxweynaha dalka Kenya Uhuru Kenyata.Ra’iisul Wasaaraha ayaa adkeeyey muhi imadda ay leedahay xoojinta xiriirka soo jireenka ah ee ay wadaan Labada dal ee Kenya iyo Sooma aliya, ku waa soo ay ka dhexeeyaan dano badan sida dibl omaasiyadda,amniga iyo arrimaha dhaq aalaha.

      Xukuumadda Soomaaliya ayaa mar kale cad deysay in dacwada muranka badda ee u dhaxeeya Soomaaliya iyo Kenya go’aankeeda laga sugayo Maxkamadda Caalamiga ee Caddaalada.

Beelaha Hawiye oo ka shiray dagaal siyaasade edka MUQDISHO ka socda ee…

      Waxgaradka beelaha Hawiye ayaa Shalay shir gaar ah ka yeeshay dagaalka siyaasadeed ee siya asiyiinta reer waqooyiga ee ku sugan Muqdisho, ku waas oo u kala jabay laba garab oo ay kala hoggaaminayaan guddoomi ye Cabdi Xaashi Cabdullahi iyo ra’iisul wasaare ku xig een ka xuku uma dda Mah di Maxamed Guuleed.

        Kulankaas oo laga soo saaray baaq ku aadan arrin taan waxaa hadal ka jeediyey guddoomiyaha oday aasha dhaqanka beelaha Hawiye Nabadoon Max amed Xasan Xaad, isagoo sheegay in guddoomi ye Cabdi Xaashi lagu dulminayo Muqdisho, taasna ay bahdil ku tahay Soomaali oo dhan.

       "Hadaan nahay odayaasha Hawiye, waxaan Shalay ka hadalnay waxa nagala gudboon caba shada iyo qeylo dhaanta ka soo yeertay qaar ka mid ah siyaasiyiinta gobollada waqooyi, si gaar ah guddoomiye Cabdi Xaashi, sida aan maqleynay odaygu markii xaaladdu ku xumaatay arrinta waxa uu u soo bandhigay umadda Soomaaliyeed inay ga rsoor ka noqdaan, meesha qeyladu ka yeereyso an agaa ka odayaal ah, kamana aamusi doono arri ntaas,” ayuu yiri Nabadoon Xaad.

                Nabadoonka ayaa sheegay inay dirayaan laba fariimood oo ku kala socda dadka reer wa qooyiga ah ee ku sugan Muqdisho iyo Ra’iisul was aare Rooble, waxayna kala yihiin labadaas fariin:

    1 – "Dadka reer waqooyiga waxaan leenahay Ca bdi Xaashi maaha waxa lala dagaalayo ee waa awoodiina, waxaa la yiri Maska madaxa ayaa laga dilaa, tani waa fariin la idinku bahdilayo, sida Soom aalida kale ay xaq ugu leedahay inay is doortaan, ayaad idinkuna xaq ugu leedihiin, odagii idinkugu sareeyey ee la doortay in la bahdilo ma ahan wax aan fiirsa karno, sida aad u kala qeybsan tihiina dhamaantiin ayey idinku tahay dhibaato, aniga aragtideyda waxa lagu sameeyey kooxda Cabdi Xaashi, kama duwana diyaaradii lagu duqeeyey Hargeysa, waxayna sii fogeyneysaa midnimada umadda Soomaaliyeed, reer waqooyina ku gaar maaha ee Soomaali oo dhan ayey taabanee,” ayuu yiri.

       2 – "Fariinta labaad waxaan u dirayaa Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, waxaan leenahay ra’iisul wasaarow anagoo odayaashaadii ah, waxaan kaa codsaneynaa in arrintaas aad dib u eegis ku sameyso, arrintaan saameyn xun ayey nagu yeel an doontaa, waan ognahay meesha mushkiladdu ka jirto, waxaan balan qaadnay inaan kula shaqeyn eyno, cabashada reer waqooyiga waa nadhibey saa, awoodii wax looga qaban lahaana adigaa noo haya, hada dalkena laba dhib ayuu qabaa oo kala ah qadiyadda Somaliland iyo Shabaab, hadii do orashadu sidaan ku meel marto, dhib kale ayaa imaan doona,” ayuu yiri guddoomiyaha odayaasha dhaqanka beelaha Hawiye.

              Dad kale oo Cudurka COVID-19 ugu geeriy ooday Magalada Muqdisho

       Wasaaradda Caafimaadka Xukuumadda Fed eraalka Soomaaliya ayaa warbixinta maalinlaha ah ee xogta Feyruska Karoona ku sheegtay in la diiwaan geliyay 63 xaalado cusub oo COVID-19 ah 48-kii saac ee la soo dhaafay, 10 qof ayaa u geeriyootay, waxaana ka bogsatay 34 ruux. Was iirka Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada Xuk uumadda Federaalka Soomaaliya, Marwo Fowziya Abiikar Nuur ayaa caddeysay in xaaladaha cusub laga diiwaan geliyay gobalka Banaadir (50), Pun tland (9) Galmudug (3) iyo Hirshabeelle (1) qof ah, 32 ka mid ah bukaannada la xaqiijiyay waa rag, halka 31-na ay yihiin haween.

     Tirada xaaladaha COVID-19 ee dalka laga diiw aan geliyay ayaa gaartay 15,788, waxaa bogsootay 7,729 Ruux. guud ahaan 847 ruux oo kale ayaa u geeriyootay cudurka.

      Marwo Fowziya Abiikar Nuur ayaa bulshada ka codsatay inay qaataan talooyinka caafimaad ee laga helayo khuburada caafimaadka ku takhasusay iyo wacyi gelinta kale ee bulshada lagu ogeysii nayo khatarta cudurkaan uu dadka ku keeni karo, maadaama uu markale soo labo kacleeyay halista cudurka COVID-19, ayna ku dadaalaan qaadasha talaalka cudurka.

Madaxweyne Uhuru Kenyatta Oo Dhamb aal U Soo Diray Farmaajo

      Ilo Diplomaasiyadeed ayaa sheegay inay Wasi irka Arrimaha Dibedda Kenya, Raychelle Omamo oo soo gaartay Magaalada Muqdisho ay Dhambaal Qoraal ah ka wado Madaxweyne Uhuru Kenyatta, kaasoo u gudbin doonto Madaxweyne Farmaajo marka ay kula kulanto Xarunta Madaxtooyadda ee Villa Somalia.

      Kulanka ay la yeelan doonto Rayche lle Oma mo dhigeeda dowladda Soo maaliya Maxamed Cabdirisaaq ayaa looga hadli doonaa intiisa badan xoojinta xiriirka Labada dal, Siyaasadda, Socd aalka, Xayiradda Qaadka Kenya, Arrimaha Qaxoot iga Soomaalida ku nool Xeryaha Kenya iyo Amaanka Xuduudka.

       Diplomasiyiinta ayaa rumeysan in kulankaasi lagu soo hadal qaadi doono Dacwadda Xuduud-baddeedka ee u dhexeysa labada dal oo haatan hor taalla Maxkamadda Caalamiga ee ICJ.

       Ilo ka tirsan Golaha Midowga Africa ee AU ayaa sheegay inay Dowladda Kenya dhawaan cod satay Taageero Farsamo oo lagu xalinayo Mur ankaasi.

      Dowladda Federalka ayaa waxaa ay sanadkii 2014-kii dacwad u gudbisay Maxkamadda ICJ, oo ay kaga cabanaysay sheegashada Keny ee qeybo ka tirsan Xudduud-baddeedka Somalia ee Badweynta HindiyaLabada Dowladood waxay ka war sugayaan Natiijada Xukunka Kma-dambaynta ee Maxkamadda ICJ, iyadoo Kenya horey gala angal u gashay in Khilaafkaasi lagu xaliyo

 meel ka baxsan Maxkamadda ICJ.


Shaqaalaha Dowladda Soomaaliya Oo La Fasaxay Iyo Sababta Oo Shaaciyay

     Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulsh ada Xukuumadda Soomaaliya ee xilgaarsiinta ay aa fasaxday dhammaan Shaqaalaha Hay’adaha Dawladda Federaalka iyo kuwa gaarka ah.

Qoraal kasoo baxay Agaasimaha guud ee Wasaaradda Shaqada Cabdullaahi Maxamed Cali ayaa waxaa lagu sheegay in dha mmaan Shaqaalaha Hay’adaha ay fasax yihiin maalinta Isniinta berri oo ku aadan bilowga san nadka cusub ee Hijriga 1443.

     Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada oo hambalyo u diray dha mmaan Shaqaale-waynaha Soomaaliyeed ayaa u rajeeyay inay camal wanaagsan uga faa’I ideystaan maalinta muhiimada u leh muslimiinta ee sanadka cusub ee Hijriga.

      Sidoo kale Agaasime Cabdullaahi Maxamed Cali ayaa u rajeeyay dhammaan in shacabka Soomaaliyeed ka faa’iideystaan maalintii Nab igeena Muxamed NNKHA ka hijrooday Magaa lada Maka, una hijrooday Magaalada Madiina.

Inta badan dadka Muslimiinta ayaa Xalay indhaha ku haaya bilashada bisha Muxaram ee Sanadka cusub ee Hijriyada ee 1443, waxaana Khubarada Cilmiga Xiddigiska ay sheegeen in suurtogal aheyn in bisha Xalay la arko, isla markaana bisha si fiican loo arki doono hab eenka ay soo galeyso Talaadada.

RW Rooble oo la kulmay Guddiga Xaqiijinta Qoondada haweenka

      Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda xilgaar siinta Maxamed Xuseen Rooble ayaa qaabilay Guddiga Xaqiijinta Qoondada haweenka ee Baarlamaanka federaalka Soomaaliya.Ra’iisul Wasaar aha ayaa Guddiga ka dhagey stay warbixin ku aaddan how laha u qabsoo may, isagoo ku boorriyay in ay sii dardar galiyaan dadaalkooda ku aaddan xaqiijinta matalaadda haweenka ee labada aqal ee Baarlamaanka.

     Xubnaha Guddiga ayaa sidii kale Ra’iisul Wa saaraha u gudbiyay hadii ay jiraan cabasho la xiriirta in haweenkanay helaan qoondada ay ku leeyihiin Baarlamaanka labada Aqal.

Maxay mucaaradka uga gaabsadeen taage eradii iyo garab istaagii Cabdi Xaashi?

      Midowga Murashaxiinta Madaxweynaha So omaaliya, Golaha Badbaadinta Qaranka iyo Mad axweynayaasha maamulada Puntland iyo Jub aland ayaa ku keli yeelay dagaalka uu Villa So malia kula jiro guddomiyaha Aqalka Sare ee Ba arlamaanka Soomaaliya Cabdi Xaashi Cabd ullaahi. Cabdi Xaashi oo garab weyn ka heystay dhinacyadaan ayaa muddooyinkii ugu damb eeyay si keli ah ula daala dhacayay xiisada u dhaxeysa isaga iyo Mahdi Guuleed oo ay gadaal ka taagan tahay Villa Somalia. Ma cadda sababta rasmiga ah, hase yeeshee waxaa muu qata in ay uga baxeen dagaalkii wadajirka ahaa ee ka dhanka ahaa Qorshaha Villa Somalia.

     Xasan Sheekh Maxamuud, Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame, Sheekh Shariif Sheekh Axmed, Axmed Madoobe iyo Saciid Deni waxay ahaayeen garbihii ugu muhiimsanaa ee uu ku duuli jiray Cabdi Xaashi oo culeys ka tan badan kala kulmaya Villa Somalia. Dhamaan mas’u uliyiinta aan soo sheegnay ayaa hadda meesha ka baxay, mana cadda sababta rasmiga ee keentay.


      Dadka falanqeeya arrimaha siyaasadda ay aa qaba in mucaaradka ay aaminsanyihiin in ay san waxba ka qaban karin arrimaha taagan, sid aas darteed ay door bideen in aysan ka hor ima anin talaab kasta si aan cadaawad kale loogu qa adin, ama aysan Rooble ugu sii riixin dhanka Vil la Somalia. Xubna ha mucaaradka ayaa soo dha weeyay natiijada doorashadii ka dhacday Baydh abo ee Aqalka Sare oo laga reebay xubno xisbiy adooda ka tirsanaa, iya goo sidoo kale ka aamu say doorashadii Dorraad ka dhacday Teendhada Afisyooni, taasoo ka dhigan in ay gaabsadeen mas’uuliyiinta mucaaradka ah.

      Dhinaca kale, waxaa jira warar sheegaya inay kala durqeen Mahdi Guuleed iyo Villa Som alia, sidaas darteedna ay yaraatay walaaca ay mucaaradka ka qabeen Mahdi Guuleed, taasi oo horseeday inaysan dhex-galin xiisadda siyaasiyi inta gobollada waqooyi.

Tallaal Looga Hortegayo Cudurka COVID-19 Oo Shalay La Keenay Muqdisho

     Garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee M/ Muqdisho ayaa waxaa Shalay kasoo degtay di yaarad sida tallaalka Oxford/AstraZeneca ee Cu durka halista ah ee COVID-19 oo gaaraya 108,000 Shixnad oo tallaal ah.

     Tallaalkan ayaa waxaa dowladda Soomaaliya ugu deeqday Dowladda Faransiiska, waxaana loo soo marisay xarunta COVAX (CEPI, Gavi, UNICEF, WHO), iyadoona Garoonka ay kula wareegeen Mas’uuliyiin ka tirsan Wasaaradda Caafimaadka Xukuumadda.

      Qoraal kasoo baxay Wasaaradda Caafima adka dowladda ee xilgaarsiinta ayaa waxaa lagu sheegay in ujeedka tallaalkan loo keenay dalka ay tahay in Soomaaliya laga saacido ka hor tagga Caabuqa halista ah ee COVID-19.

      Wasaaradda ayaa sheegtay in keenista qaybtaan labaad ee tallaallada Astrazeneca ee COVID-19 ay ku soo aaday, iyadoo lagu guda jiro waqti xasaasi ah oo uu COVID-19 soo laa baty markii 3aad, isla markaana lagu joojin karo in la tallaalo dadweynaha.

     Ugu dambeyn Wasaaraddda Caafimaadka xilgaarsiinta ayaa waxaa ay uga mahadcelisay Dowladda Faransiiska deeqdan tallaalka, waxaa na loogu baaqay dhammaan Shacabka Soomaa liyeed in ay qaataan Tallaalka.

NIN ANIGA YIRI DAD ISKA SOOC

   Somalidu waxay ku Maahmaahdaa (Nin Aniga yiri Dad iska sooc). 

 Doorashadii Shalay Ka dhacday Teendh ada Afisyoni, ee lagu Been Doortay Ergada Gudiga Halka dhinac ah ee Somaliland, Natiij ada ka soo baxday, Anigu Qof ahaan ma Aqo onsani. ( F.S: 1aad)   Ogoow: Reer Wa qooyi ma ihi, Xubnaha 2da dhinacna Qof kama Aqaan, Siyaasi dan gaara lehna ma ihi, Laakin waxaa Nafteeydu ey diide eysaa inaan Dulmi Cadaalad Darro u muuqdo aan u hiiliyo.

   waxaan ahay Muwaadin Somali ah oo xaq u leh in uu dhiibto Aragtidiisa.

Qore: YahyavAmir

Madaxweynaha Somaliland Biixi Oo Dhambaal U Diray Shacabka

     Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa Hambalyo iyo Bogaadin u diray gu ud ahaan Ummada islaamka gaar ahaan shac abka Somaliland, isagoo ugu hambalyeeyay curashada sannadka cusub ee Islaamka 1443-ka (Hijiriyada) o o berri ku beegan.

       Sidoo kale Madaxweynuhu ayaa waxa uu Hambalyo taa la mida u diraya dalalka a iyo um mada muslimiinta ah ee dacallada dunida ku nool, isagoo ku than iyadayey curashada sannadka cus ub ee Islaamka oo ku beegan berri oo Isniin ah.

 "Madaxweynuhu waxa uu Illaahay uga barya yaa inuu shacabka Somaliland iyo shucuubta islaamka guud ahaanba sannadkan Sannadkiisa ku gaarsiiyo bash-bash iyo barwaaqo, inta buktana uu ka dulqaado xannuunka, inta caafi maad qabtana uu u siyaadiyo, intii dhimatayna uu naxariistii janno ka waraabiyo” ayuu yiri Muuse Biixi.

      Ugu dambayna Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa waxaauu shacabka Isla amka u rajaynay



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip