Isku aadka Champions League oo la soo saaray. Real Madrid Vs Man City iyo Atletico Madrid Vs Bayern Munich

0
Friday April 15, 2016 - 20:06:07 in Sports News by
  • Visits: 657
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Isku aadka Champions League oo la soo saaray. Real Madrid Vs Man City iyo Atletico Madrid Vs Bayern Munich

    Uefa ayaa shaacisay waqtiga ay koox waliba ciyaari doonto lugta hore iyo lugta danbe ee wareega afar dhamaadka Champions League oo isku aadkiisa goordhow lagu qabtay magaalada Nyon ee dalka Switzerland.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Uefa ayaa shaacisay waqtiga ay koox waliba ciyaari doonto lugta hore iyo lugta danbe ee wareega afar dhamaadka Champions League oo isku aadkiisa goordhow lagu qabtay magaalada Nyon ee dalka Switzerland.

Manchester City ayaa lugta hore soo dhaweyn doonta kooxda Real Madrid waxaana la ciyaari doonta habeenka talaadada ee 26ka bishaan April, halka habeenka Arbacada ee ku xigta ee 27ka bisha April ay ciyaari doonaan kooxaha Atletico Madrid iyo Bayern Munich ciyaartaasoo ka dhici doonta Vicente Calderon.

Lugta labaad Bayern Munich ayaa soo dhaweyn doonta Atletico Madrid habeenka talaadada ee 3da bisha May, halka habeenka ku xiga ee arbacada ee 4ta bisha May ay Manchester City soo booqan doonto Bernabeu si ay lugta labaad u wajahayaan Real Madrid.

Champions League Semi Final 2016

Taariikhda La ciyaarayo Semi Finalka Champions League:-

LUGTA HORE

26ka April

Man City v Real Madrid

27ka April

Atletico Madrid v Bayern Munich

LUGTA DAMBE

3da May

Bayern Munich v Atletico Madrid

4ta May

Real Madrid v Man City.

Champions League

Laacib.net.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip