Muxuu Macalinka Barcelona Luis Enrique Ka Yiri Guuldaradii Ka Soo Gaartay Atletico Madrid Ee Ay Uga Hareen Champions League?

0
Thursday April 14, 2016 - 10:46:34 in Sports News by
  • Visits: 634
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Muxuu Macalinka Barcelona Luis Enrique Ka Yiri Guuldaradii Ka Soo Gaartay Atletico Madrid Ee Ay Uga Hareen Champions League?

    Luis Enrique ayaa sheegay inuu qaadayo mas'uuliyada buuxda ee ka haritaankiisa Barcelona ee Champions League ee ay xalayto ku baxday gacmaha Atletico Madrid, laakiin waxa uu carabka ku adkeeyay in kooxdiisa ay weli u hareen wax badan oo u ciyaar

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Luis Enrique ayaa sheegay inuu qaadayo mas'uuliyada buuxda ee ka haritaankiisa Barcelona ee Champions League ee ay xalayto ku baxday gacmaha Atletico Madrid, laakiin waxa uu carabka ku adkeeyay in kooxdiisa ay weli u hareen wax badan oo u ciyaaraan xilli ciyaareedkan.

Labo gool uu dhaliyay Antoine Griezmann ayaa ka caawiyay Atletico Madrid inay 2-0 ku badiso kulankii Vicente Calderon ka dib markii Barcelona ay lugtii hore ee Camp Nou 2-1 ku badisay, taasoo soo gabagabeysay rajadii ay Catalans ka qabeen inay difaacdaan koobka.

Barcelona ayaa badisay kaliya hal kulan oo ka mid ah shantii kulan ee ugu danbeysay tartamada oo dhan, waxaana ay haatan kaliya seddex dhibcood ka sareeyaan kooxda Atletico Madrid horyaalka La Liga.

luis-enrique-atletico-madrid-barcelona-130416_11fl6f6nys53s1i6e1bon5uyg2

Luis Enrique ayaa diiday inuu xiisada sii kiciyo, waxaana uu ugu baaqay kooxdiisa inay haatan diiradooda u soo weeciyaan koobka horyaalka iyo Copa del Rey.

"Boqolkiiba 99.9 aniga ayaa leh eeda ka haritaankeena Champions League. Maya, waxaad ka dhigtaa boqolkiiba boqol. Anigaa ah tababaraha anigaana leh mas’uuliyada” ayuu Enrique ku sheegay shirkiisa jaraa’id.

"Waxa ay aheyd ciyaartii aan fileynay. Wax dhibaato ah ma aanan qabin qeybtii hore, xitaa haddii ay gool ku dhaliyeen xaalad uusan nasiibka na saacidin.

"Waxaan abuurnay fursado nagu filan qeybtii labaad si aan u helo gool. Waxa ay aheyd ciyaar xiiso leh. Waxaan kaliya u hambalyeyn karnaa Atletico, waxaana u rajeyneynaa nasiib kan ugu fiican.

"Uma maleynayo inay Atletico inaga fiicneyd. Waxaan garoonkaan ku ciyaarnay marar badan, hada ka horna garoonkaan waan ku dhibtoonay. Ciyaartaan waxa ay marqaati ka sii noqoneysaa inaanan ku jirin qaab ciyaareedkeena ugu fiican. Laakiin waxaan weli heysanaa labo koob oo aan u ciyaarno.

"Champions League waxa uu ahaa koob aan xaqiiqdii dooneynay, waana ka xunahay inaan xilli ciyaareedkan ku guuleysan karin. Waxaan mar walba tiigsanaa meesha ugu sareysa, waxaana sharaf inoo ah inaan ugu cadcad nahay tartan walba. Waa qasab inaan fahamno in guuldarada ay tahay qeyb ka mid ah ciyaarta.

"Waxaa weli inoo hartay labo koob oo muhim ah. Waxaan weli heli karnaa xilli ciyaareed weyn haddii aan ku guuleysano labada koob. Laakiin waa inaan horumar sameyno.”




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip