Pep Guardiola: Waan Ka Xumahay Cristiano Ronaldo, Waan Ogaa Inaad Rabtay In Aad Benfica Semi-finalka La Ciyaarto.

0
Thursday April 14, 2016 - 10:45:15 in Sports News by
  • Visits: 588
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Pep Guardiola: Waan Ka Xumahay Cristiano Ronaldo, Waan Ogaa Inaad Rabtay In Aad Benfica Semi-finalka La Ciyaarto.

    Pep Guardiola ayaa raaligeliyay Cristiano Ronaldo ka dib markii Bayern Munich ay u soo baxday semi-finalka Champions League, taasoo soo gabagabeysay rajadii uu xiddiga Real Madrid ka lahaa inuu ku wajaho wareega afar dhamaadka kooxda dalkiisa ee Benf

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Pep Guardiola ayaa raaligeliyay Cristiano Ronaldo ka dib markii Bayern Munich ay u soo baxday semi-finalka Champions League, taasoo soo gabagabeysay rajadii uu xiddiga Real Madrid ka lahaa inuu ku wajaho wareega afar dhamaadka kooxda dalkiisa ee Benfica.

Barbaro 2-2 oo ay ku galeen Lisbon ayaa ugu filenyd inay kooxda Bundesliga wadar ahaan ku soo baxdo xalayto guul 3-2 ah, halka Madrid ay xaqiijisatay booskooda wareega afar dhamaadka markii ay ka soo gudbeen kooxda Wolfsburg.

Ronaldo ayaa qirtay ka dib ciyaartii habeen hore inuu jeclaan lahaa inuu semi-finalka ku wajaho kooxda dalkiisa ee Benifca, laakiin Guardiola ayaa ku kaftamay inuu ka xun yahay inuu burburiyay riyadii xiddiga Los Blancos.

pep-guardiola-cropped_67ltmpxb078015dpu48guo5ak

"Waan ogahay in Cristiano Ronaldo uu jeclaan lahaa in Benfica ay isku arkaan semi-finalka, waan ku xumahay ayaan leeyahay.” ayuu tababaraha u sheegay suxufiyiinta ka dib ciyaarta.

Guardiola ayaa hantay Champions League labo jeer intii uu joogay Barcelona, laakiin waxa uu ku guuldareystay inuu labo jeer koobka la hanto Bayern Munich, inkastoo kooxda ay heysteen koobka markii uu la wareegayay.

Tababaraha reer Spain ayaa sheegay inuusan u baahneyn inuu u qaado Champions League kooxda Jarmalka si loogu arko in seddexdiisii sanno ee kooxda ay aheyd mid lagu najaxay.

"Sida warbaahinta Jarmalka ay leedahay, haddii aanan ku guuleysanin Champions League, shaqadeyda halkaan ma noqon doonto mid dhameystiran” ayuu yiri.

"Laakiin ugu danbeyn, tababarayaasheena waxaan halkaan u joognaa inaan ku guuleysano koobab badan intii macquul ah.”




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip