Muxuu Diego Simeone Ka Yiri Guushii Ay Kooxdiisa Atletico Madrid Xalayto Ka Gaartay Kooxda Barcelona?

0
Thursday April 14, 2016 - 10:40:39 in Sports News by
  • Visits: 648
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Muxuu Diego Simeone Ka Yiri Guushii Ay Kooxdiisa Atletico Madrid Xalayto Ka Gaartay Kooxda Barcelona?

    Diego Simeone ayaa ku amaanay kooxdiisa Atletico Madrid isbiiritkii ay soo bandhigeen iyagoo Barcelona ka saaray koobka Champions League xalayto.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Diego Simeone ayaa ku amaanay kooxdiisa Atletico Madrid isbiiritkii ay soo bandhigeen iyagoo Barcelona ka saaray koobka Champions League xalayto.

Labo gool uu dhaliyay Antoine Griezmann ayaa ka saaciday kooxda Los Rojiblancos inay wadar ahaan 3-2 kaga talaabsadaan kooxdii difaacaneysay koobka Champions League.

Simeone ayaana sheegay in kooxdiisa ay u qalantay guusha sababtoo ah amaaninaada iyo daacadnimada ay soo bandhigeen isagoo sheegay in qiimahaas uu dunida ka sii dhamaanayo.

diego-simeone-atletico-madrid-barcelona-130416_13t1w0ahtvnbp1b81h2sdxdkc3

"Dhaqan wanaag ayaa ka jira kooxdaan, waxaan aay ku timid shaqadii weyneyd ee ay aan qabanay afar sanno iyo waxoogaagii aan isla joognay” ayuu yiri Simeone.

"Waan u faraxsanahay ciyaartoydaan ku midoobay kooxdaan; kama fekerayo kaliya inaan gaarnay semi-fialka, waa wax intaas aad uga muhiimsan. Qiimaha bulshooyinka hoos ayuu u sii dhacayaa waqti walba, laakiin waxaan nahay koox si daacad ah ku xamaalada oo badin karta ama guuldareysan karta. Waxaan isku xoojinaa hubka aan heysano.

"Mar kale, waxaan badinay kulan aad u adag, laakiin mid aad u fiican. Marnaba aaminaada inagama bixin. Waxaan shaqeynay anagoo og xaalada, anigoo og waxa aan sameyn karno. Qeybtii hore ciyaarta waxa ay aheyd sidii aan dooneynay. Waxa ay heysteen ciyaartoy ciyaarta kala furfuri karta laakiin isku duubni ayaan muujinay, waxaana noqonay kuwa awood ku taagan.

"Waxaan la ciyaareynay koox aad u fiican oo taariikh weyn leh islamarkaana heysta ciyaartoy bedeli kara natiijada waqti walba. Waxa ay aheyd ciyaar u dhaxeysay kooxo awoodo kala duwan leh, mararka qaar waad badineysaa, maantana anagaa badinay.

"Waxaa jira waqtiyo aan soo laabaneynin. Waxa ay qariib ku yihiin kubada cagta. Waxaan aragnay caruur badan markii aan saarneyn baska oo garoonka u soconay. Waa ay ina aaminsanaayeen. Waxa ay aheyd maalin special ah.”




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip