Nasashada Jimcaha. Q- 263: Madaxdeenu mar kasta khalad ay galeen ayeey saxa na leeyihiin. Maxaad kula talin leheyd?

0
Friday July 30, 2021 - 20:07:20 in Wararka by
  • Visits: 383
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Nasashada Jimcaha. Q- 263: Madaxdeenu mar kasta khalad ay galeen ayeey saxa na leeyihiin. Maxaad kula talin leheyd?

    1. Sh. Warsame ayaa isaga oo kaligii Tuualada ka soo lugeeyay una socdo Magaalada si uu ula kulno , Siyaasi tolkiis ahaa, ayaa waxaa ka soo hor baxay Libaax. Shiikhii waa naxay, indhaha ayuu isku qabtay, dhulka ayuu fadhiistay. Jilbaha ayuu dhulka dh

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

1. Sh. Warsame ayaa isaga oo kaligii Tuualada ka soo lugeeyay una socdo Magaalada si uu ula kulno , Siyaasi tolkiis ahaa, ayaa waxaa ka soo hor baxay Libaax. Shiikhii waa naxay, indhaha ayuu isku qabtay, dhulka ayuu fadhiistay. Jilbaha ayuu dhulka dhigtay, Gacmaha ayuu kor u taagay waana duceeystay. Markii uu indhaha kala furay ayuu arkay, Libaaxii oo isna jilba jabsaday, Lugaha hore kor u taagay oo duceysanayo. shiikhii oo Faraxay ayaa yiri: Adiguna Muslim miyaad tahay waa Adigan duceysanayee, mise Siyaasigii Tolkaa kuu soo diray in aad i soo dhaweyso. Libaaxii ayaa yiri: Maya, ee weligeyba wax ma cunin ilaa aan Allaah uga mahad celiyo, Aniga oo baahan Hilibka uu igu irsaaqay. Sh. Warsame Alla ha u naxariisto.( F.S: 1aad) (Siyaasiga aad Dooratay, Hadduu Tuuladaada ka soo tago kadib, ha soo daba kicin, yaan istaafkiisu kugu duceeysane). 2. Cali Jeesteeye ayaa yiri: Saaxiibteydii hore Aaminio Amran, ayaa ii soo dirtay iyada oo Saaxiibkeeda Cusub Xeebta Liido ku dhunkanee, sii aan uga maseeyso oo aan u caroodo. Anniguna isma dhibin ee Sawirkii ayaan u gudbiyay- Forward Aabaheed Sh. Axmed oo ah imaamka Masjidka Xaafadda. Aabaheed Sh. Axmad Go'aan ayuu qaatay, Maalintaa kadib Aamino Gurigooda kama soo bixin, Mobilkiina waa laga qaaday, kadibna waxaa lagu Daray Oday ey qaraabo ahaayeen . ( F.S: 2aad). (Xil aad dayacday, iyo Dadkii aad Dulmisay ha ku digin, oo yaan Sh. Axmed go'aan kaa gaarin). 3. Xassan Caajis, ayaa xaaskiisii oo dhinac jiiftay, Naalkuna u dansanyahay ayaa waxa uu si tartiib ah uga salaaxay Qoorta, waxa uu ku celceliyay Qoorteeda iyo Barkinta dhaxdooda, waxa uu wada salaaxay dhabarkeeda Qeybta hoose, Kadibna xudunteeda. Mar kaliya ayuu joojiyay, iyada oo kululaatay ayeey Cod naxariis leh ku tiri: Babe, maxaad u joojisay. waxa uu yiri: Waxaan Raadinayay Remot kii TV-ga oo aad ku dul jiifatay, waana helay. ( F.S: 3aad). (Madaxdaan istiinsan, ma is weeydiiyeen Beesha caalamku waxa ey hoosteena ka raadinee, Hadeey heshana ey bar go' nooga tagee). 4.Police ka Saldhiga Yaaqshiid ayaa sheegay in Habeen hore koox 10 Gabdhood ka kooban, ey wiil dhalin yaro ah ku kufsadeen kaawada Degmada Yaaqshiid. Habeenkii ka horeyayna ey sidaas oo kale sameeyeen . Xalay waxaa Kaawada Yaaqshiid u seexday 300 Dhalin yaro ah oo Bustayaashooda wato. (Odayaashii Tuulada ayaa sheegay in Sannadkii hore ey Xildhibaanimada Tolka ey ku tartameen Laba Xildhibaan oo kaliya, Sannadkaa waxaa Tuuladii tagay 25 Musharax oo Tolkaa oo Qurbaha ka wada yimid oo Bustayaashoodii wato, Xildhibaannimada Sannadkaan maxaa lagu arkay). 5. Gudoomiyaha Degmada ayaa Amray Dadkaa Degmada, in Qofkii xaafadda ku dhinto Marka la aaso kadib, in Xaafaddu ey xus Baroor diiq ah u sameeyso Muddo 24 saac ah, laguna xusu wixii uu sameey jiray intii uu noolaa. Doraad waxaa dhintay wadaad Xaafadaa deganaa. Habeenkii xigay oo dhan waxaa lagu dhafray Digri iyo Quraan akhris. Shalay waxaa dhintay Nin la dhihi jiray Marqaan weyne oo muqayil ahaa, Xalay oo dhan waa la wada qayilayay. Maanta Xaafadda waxaa ku dhimatay Haweeneey Dhilo aheeyd. Caawa muxuu Fari Doonaa Gudoomiyaha degmadu . Ciyaalkii Xaafadu waa diyaar. Xaafadda Xamar ma ka taqaan? (Haddii Berri Siyaasi dhinto maxaa lagu xusi doonaa?) 6. Naag ingriis ah ayaa waxa ey dharka u geeysan jirtay, Nin Shinees ah, oo Labadaanyo/Doobi ku lahaa Xaafadda, si uu ugu dhaqo, waxa ey dharka ugu dhax riday Warqad -Note ey ku qoran tahay "Kastuumada si fiican Biya kulul iyo Saabuun ugu dhaq". Maalintii Dambe ayeey sidii oo kale ugu soo qortay. "waxba ma nadiifi taqaanid ee si fiican u dhaq Maanta". Maalintii 3aad sidii oo kale, isagiina markii uu Dharkii dhaqay, ayuu Warqad- Note ah ugu dhax riday. uuna ugu qoray. "Marka aad Musqusha galeeysid warqad tiish ah isticmaal". ( F.S: 4aad) (Madaxdeenu mar kasta khalad ay galeen ayeey saxa na leeyihiin. Maxaad kula talin leheyd?). Qore: Yahya Amir
..


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip