Man City Oo Etihad Stadium Ku Garaacday Kooxda PSG, Kevin De Bruyne Oo Cadeeyay Sababtii Lacagta Qaaliga Ahayd Looga Soo Bixiyay Iyo Sky Blues Oo Taariikhda Cusub Ee Kooxdeeda Sii Wata, Xili Kooxda Pellegrini Ay Afar Dhamaadka Champions Leaque-ga U Soo Baxday

0
Wednesday April 13, 2016 - 09:59:02 in Sports News by
  • Visits: 749
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Man City Oo Etihad Stadium Ku Garaacday Kooxda PSG, Kevin De Bruyne Oo Cadeeyay Sababtii Lacagta Qaaliga Ahayd Looga Soo Bixiyay Iyo Sky Blues Oo Taariikhda Cusub Ee Kooxdeeda Sii Wata, Xili Kooxda Pellegrini Ay Afar Dhamaadka Champions Leaque-ga U Soo Baxday

    Manchester City ayaa Etihad Stadium ku garaacday kooxda PSG si ay u sii wado taariikhada cusub ee ay kooxdeeda u samaynayso xili ciyaareedkan, waxayna City iska xaadirisay wareega afar dhamaadka Champions Leaque-ga oo ay markii ugu horaysay taariikhd

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Manchester City ayaa Etihad Stadium ku garaacday kooxda PSG si ay u sii wado taariikhada cusub ee ay kooxdeeda u samaynayso xili ciyaareedkan, waxayna City iska xaadirisay wareega afar dhamaadka Champions Leaque-ga oo ay markii ugu horaysay taariikhda kooxdeeda soo gaadhay.

Kevin De Bruyne ayaa Sky Blues ka caawiyay in ay PSG banaanka uga tuurto Champions Leaque-ga isla markaana ay kooxda Pellegrini sii wadato Champions Leaque-ga. Man City iyo Real Madrid ayaa noqday kooxihii ugu horeeyay ee boos ka helay afar dhamaadka champions Leaque-ga.

Manchester City ayaa kooxda PSG ku soo dhawaysay Etihad Stadium kulanka lugta labad ee Champions Leaque-ga wareegiisa sideed dhamaadka. Manchester City ayaa kulankan ciyaaraysya iyada oo haysatay faa’iidada in ay kulanankii lugta hore ay laba gool kula timid garoonka PSG.Kevin De Bruyne

SHIXIHII LABADA KOOXOOD EE KULANKAN:

Manchester City (4-2-3-1): Hart; Sagna, Otamendi, Mangala, Clichy; Fernando, Fernandinho; Navas, De Bruyne, Silva; Aguero.

Kaydka: Caballero, Zabaleta, Kolarov, Bony, Delph, Toure, Iheanacho.

PSG (3-5-2): Trapp; Aurier, Silva, Marquinhos; Van der Wiel, Rabiot, Motta, Di Maria, Maxwell; Ibrahimovic, Cavani.

Kaydka:Sirigu, Kimpembe, Stambouli, Lucas, Kurzawa, Pastore, Ongenda.Manchester City fans were expectant as their side looked the book their place in the Champions League semi-finals for the first time

Paris Saint-Germain ayaa ku qasabanayd in ay weerar ku qaado goolka Manchester City maadaamo ay ku hadhi kartay barbaro gool la’aan ah ama barbaro ka yar laba gool, waxayna bilawday in ay inta badan yeelato bosishanka ciyaarta ee bilawgii kulankan.Aguero (right) and Fernandinho (centre) react after a missed chance as Di Maria appeals to the referee on the groundSubstitute Lucas thought he had given Paris Saint Germain the lead early in the second half but his goal was disallowed for offsideEngland goalkeeper and Manchester City captain Hart barks orders at his side during the first half of the Champions League clash

Daqiiqadii 16 aad Ibrahimovic ayaa ku dhawaaday in uu PSG u keeno goolka furitaanka kadib markii uu darbeeyay kubbad laaga xorta ah ku timid laakiin goolhaye Joe Hart ayaa dirqi iskaga saaray halista waxayna u dhawayd in PSG ay la timaado goolka ay sida wayn ugu baahnayd.Manchester City-Paris Saint-Germain

Daqiiqadii 24 aad markiisa Sergio Aguero ayaa meel fog ka soo toogtay goolka PSG laakiin darbo qurux badan oo uu sameeyay ayaa goolka Trapp wax yar u martay, waxayna ciyaartu noqotay mid labada dhinacba gool laga filan karo.Aguero ayaa sidoo kale helay fursado fiican oo uu goolal ku dhlain karayay.

DAQIIQADII 29 aad Manchester City ayaa heshay fursad ay kula iman kartay goolka ay sida wayn ugu baahnayd in ay PSG ku kala dhantasho waxaana City lagu abaal mariyay rekoodhe kadib markii uu goolhayeKevin Trapp uu qalad ku galay Serigo Aguero, laakiin Aguero ayaa si lama filaan ah kooxdiisa fursdan dahabiga ah uga lumiyay isaga oo darbadiisa gool ku laadka banaanka mariyay.

DAQIIQADII 44 aad ee dhamadkii qaybta hore PSG ayay dhibaato dhaawac soo gaadhay kadib markii uuThiago Motta uu awoodi waayay in uu dhamaysto daqiiqadaha kooban ee ciyaarta ka hadhsanaa waxaana booskiisa lagu soo badalayLucas Rodrigues Moura.

Dhinaca kale Sergio Aguero ayaa u muuqday in uu dhawac soo gaadhay laakiin waxa uu awooday in uu ciyaarta sii wadan karo isla markaana uu kooxdiisa u sii dagaalami karo, waxayna qaybta hore ku dhamaatay barbaro gool la’aan ah isla markaana ay wali Man City ugu soo bixi kartay wareega xiga.

Markii layskugu soo laabtay qaybtii danbe ayay labada kooxoodba bilaabeen in ay raadiyaan goolal laakiin Manchester City ayaa markan noqotay kooxda laga filan karo goolka furitaanka iyada oo qaab ciyaareed cusub la soo baxday.

DAQIIQADII 76 aad Manchester City ayaa ugu danbayn awooday in ay jabiso ismari waagii waqtiga dheer soo taagnaa waxaana Man City goolka guusha isla markaana ay ku xaqiiqjisatay wareega afar dhamadka udhaliyay xidiga kooxdeeda qiimo ahaan ugu qaalisan ee Kevin De Bruyne kaas oo muujiyay sababtii ay Sky Blues lacagta badan uga soo bixisay, wuxuuna gool qurux badan kooxdiisa ugu dhiibay hogaanka isaga oo ciyaarta ka dhigay 1:0 ay City ugu danbayn hogaanka ciyaarta ku qabtay.

Goolka ayaa dabaylaha kala raaciyay wixii ka hadhsanaa kooxda martida ahayd ee PSG, wuxuuna si rasmi ah goolkan u aasay rajadii PSG ee ahayd in ay dhinaca kale u dhigto barbarihii kulankii hore ay Man City kula soo gashay Paris. Manchester City ayaa ilaa dhamaadkii ciyaarta awooday in ay natiijada ilaashato inkasta oo ay PSG dagaal ugu jirtay in ay la timado goolka barbaraha waxayna ugu danbayn ciyaartu ku dhamatay 1:0 ay Manchester City ku garaacday kooxda PSG.

Manchester City goalkeeper Joe Hart embraces substitute Fabian Delph at full time after City made it to the semi-finals

TAARIIKH CUSUB: Manchester City ayaa xili ciyaareedkan awooday in ay sii wado taariikhda cusub ee ay kooxdeeda usamaynayso waxayna markii ugu horaysay soo gaadhay afar dhamaadka Champions Leaque-ga iyada oo waliba awooday in ay sii difaacdo calanka England. Man City iyo Real Madrid ayaa u soo baxay afar dhamadka waxayna habeen danbe ogaan doonaan kooxaha kula soo biiri doono afar dhamadka Champions Leaque-ga.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip