Qiimeynta Ciyaartoyda Ee Kulankii Real Madrid & Wolfsburg – Cristiano Ronaldo Oo Hormuud Ka Ahaa Bandhigii Bernabeu.

0
Wednesday April 13, 2016 - 09:51:59 in Sports News by
  • Visits: 706
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Qiimeynta Ciyaartoyda Ee Kulankii Real Madrid & Wolfsburg – Cristiano Ronaldo Oo Hormuud Ka Ahaa Bandhigii Bernabeu.

    Kooxda ugu guulaha badan Champions League ee Real Madrid ayaa sameysay mar kale taariikh soo laabasho ah ka dib markii 2-0 oo looga soo badiyay lugtii hore ee wareega 8da ay 3-0 uga jawaab celiyeen lugtii labaad ee xalayto, waxaana ku mahadsan xiddig

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Kooxda ugu guulaha badan Champions League ee Real Madrid ayaa sameysay mar kale taariikh soo laabasho ah ka dib markii 2-0 oo looga soo badiyay lugtii hore ee wareega 8da ay 3-0 uga jawaab celiyeen lugtii labaad ee xalayto, waxaana ku mahadsan xiddigooda Cristiano Ronaldo oo seddexda goolba dhaliyay islamarkaana aamusiyay dadkii dhaleeceynayay qaab ciyaareedkiisa xilli ciyaareedkan.

Los Blancos markii lixaad oo isku xigta ayay ciyaareysaa semi-finalka, waxaana ay xalayto Bernabeu ku soo bandhigeen ciyaar wacdarro leh, hadaba waxaan eegi doonaa qiimeynta ciyaartoyda ee kulankii xalayto.

Real Madrid

Keylor Navas 7 –Goolhayaha reer Costa Rica waxa uu labo badbaadino oo raaxo leh ku sameeyay Wolfsburg, iyadoo aysan kooxda Jarmalka abuurin fursado badan.

Pepe 7– Wuxuu sameeyay taakal qariib ah balse marka taas laga soo tagay xiddiga reer Portugal naftiisa ayuu ag dhigay wax walba, wuxuuna wax ku hogaamiyay si tusaale leh.

Carvajal7– Si wanaagsan ayuu isaga celiyay Schurrle wuxuuna hubiyay inuusan wax fursad ah ka helin garabka bidix ka dib markii Draxler uu dhaawacmay.

Marcelo 7–Xiddiga reer Brazil difaacashadiisa ma qumaneyn laakiin si wanaagsan ayay isagu xirmeen isaga iyo Benzema qeybtii hore.

rrrrrrrrr

Sergio Ramos 6 –Wuxuu ku dhawaaday inuu goolka seddexaad helo qeybtii labaad, laakiin birta iyo goolhaye Benaglio ayaa ka beeniyay kabtanka inuu kubad madax ku dhaliyo.

Toni Kroos 6 –Tuuristiisa koornooyinka waxa ay ahaayeen kuwa halis ah, iyadoo xiddigii hore ee Bayern Munich uu caawiye ka ahaa goolkii labaad ee Ronaldo.

Luka Modric 6 –Wuxuu ahaa madaale hami leh, wuxuuna ciyaarta ku soo kordhiyay hal abuuris.

Casemiro 7 –Wuxuu iska dhaqay ceebtii kulankii lugta hore, si wanaagsan ayuu u burburinayay ciyaarta Wolfsburg, wuxuuna isku dheelitirnaanta ku soo celiyay khadka dhexe.

Gareth Bale 8 –Orodkiisa ayaa ka caawiyay Real Madrid inay kala dhantaasho mar walba Wolfsburg ilaa dhamaadkii, laakiin mararka qaar kubadiisa danbe ayaa xumeyd.

Karim Benzema 8 –Dhowr jeer ayuu si sahlan u maray daafacyadii raacanayay, waxaana fursado dhowr ah ka beeniyay goolhaye Benagllio laakiin waxa ay aheyd inuu labadoo gool dhaliyo.

Cristiano Ronaldo 10 –Xiddiga reer Portugal ayaa lugtiisa ku soo saaray Real Madrid, labo gool oo uu ku barbareeyay Wolfsburg ayuu dhaliyay qeybtii hore ka hor inta uusan laad xor ah ugu xaqiijinin inay markii lixaad oo isku xigta u soo gudbaan wareega afar dhamaadka.

Wolfsburg

Benaglio 7 –Badbaadino badan ayuu sameeyay oo ka celiyay Wolfsburg in xasuuq ba’an loogu geysto Bernabeu.

Naldo 4 (Xiddiga Garoonka Ugu Liitay) –Kubadihiisa madaxa waa ay fiicnaayeen laakiin mar walba waxa uu ahaa mid taakalada ku degdeg ah, mana jirin qaab ciyaareed wanaagsan uu soo bandhigay.

Rodriguez 6 –Kubadaha dhintay ee uu soo tuurayay ayaa dhalinayay mararka qaar dhibaatooyin laakiin xiddiga Switzerland waxa uu danbille ku ahaa inuu kubada dhiibanayay mar walba.

Dante 5 –Daafaca si iska yara fiican ayuu u ilaalinayay laakiin orod la’aantiisa ayaa banaanka la soo dhigay.

Andre Schurrle 6 –Tiro yar ayuu isku dayay nasiibkiisaa laakiin ma uusan sameynin wax uu ku tijaabiyo goolhaye Navas.

Draxler 6 –Waxaa lagu qasbay in la bedelo qeybtii hore ka dib markii uu ku riyaaqay inuu gacanta sarre ka helo Carvajal.

Guilavogui6 –Tiro yar ayuu kubado halis ah ka soo bixiyay xeradiisa goolka laakiin xiddigii hore ee Atletico wax intaas ka badan ma sameynin.

Arnold 5 –Tamar iyo madaalenimo ayuu la soo baxay, laakiin cidna ugama faa’ideynin howshiisa.

Vieirinha4 –Kubadaha madaxa ayuu ku xumaa, waxaa mar walba garaacayay Benzema xitaa dhowr jeer waxaa garaacay Jesse. Habeen la ilaawo ayaa soo maray.

Luis Gustavo 7 –Si wanaagsan ayuu ciyaarta u kala burburinayay, laakiin caalamadii uu qaatay ee jaalaha ayaa keentay inuu isdejiyo oo ciyaartiisa ay hoos u dhacdo.

Bruno Henrique 6 –Waa ay ku adkeyd inuu dhaafo daafaca Real Madrid,




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip