"Inuu Zlatan Ibrahimovic U Wareego Premier League Hoos U Dhac Ayay U Tahay Isaga" – Thiago Silva.

0
Tuesday April 12, 2016 - 10:48:43 in English News by
  • Visits: 608
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    "Inuu Zlatan Ibrahimovic U Wareego Premier League Hoos U Dhac Ayay U Tahay Isaga" – Thiago Silva.

    Kabtanka Paris Saint-Germain Thiago Silva ayaa aaminsan in Zlatan Ibrahimovic uu hal talaabo hoos u soo degi doono haddii uu u wareego horyaalka Premier League.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Kabtanka Paris Saint-Germain Thiago Silva ayaa aaminsan in Zlatan Ibrahimovic uu hal talaabo hoos u soo degi doono haddii uu u wareego horyaalka Premier League.

Ibrahimovic ayaa qandaraaskiisa kooxda ka dhisan caasimada Faransiiska waxa uu ku eg yahay xagaaga, waxaana si weyn u doonaya 34 jirkaan gooldhaliyaha ah dhamaan kooxaha waa weyn ee dalka Ingariiska.

Kooxda Faransiiska ayaa soo gaartay magaalada Manchester shalayto iyagoo durbaba soo xaqiijistay hanashada horyaalka France, islamarkaana hamigooda uu haatan yahay inay meel dheer ka gaaraan Champions League.

01_12011555_27c89b_2794341a

Daafaca reer Brazil Silva ayaa aaminsan in PSG ay ka fiican tahay haatan koox kasta oo ka ciyaareysa Premier League.

Waxa uu yiri: "Zlatan waa saaxiib aan isku fiicanahay, laakiin sidoo kale isagoo 34 sanno jir ah waxa uu ciyaarayaa kubadiisii ugu fiicneyd waayihiisa ciyaareed. Waa mid ka mid ah xiddigaha ugu fiican dunida, waa nin qariib ah, ma jiro ciyaaryahan isaga la mid ah.

"Dabcan waxaan doonayaa inuu sii joogo PSG, ma qiyaasi karo anagoo uu inaga maqan yahay isaga.

"Waan ogahay inuu dalabyo ka helayo England waana horyaal weyn, laakiin uma maleynayo inay jirto koox England ka dhisan oo ku heer ah PSG waqtigaan. Aniga ahaan waxa ay ila tahay inay hoos u dhac u tahay isaga inuu halkaas aado.”




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip