"Cristiano Ronaldo Waxa Uu Weli Sannado Ka Horeeyaa Xiddigaha Kale Ee Dunida" – Pepe

0
Tuesday April 12, 2016 - 10:47:10 in Sports News by
  • Visits: 768
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    "Cristiano Ronaldo Waxa Uu Weli Sannado Ka Horeeyaa Xiddigaha Kale Ee Dunida" – Pepe

    Xiddiga Real Madrid Cristiano Ronaldo waxa uu weli sannado ka horeeyaa xiddigaha kale ee kubada adduunka, sidaasi waxa aaminsan saaxiibkiisa ay isku kooxda yihiin Pepe.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xiddiga Real Madrid Cristiano Ronaldo waxa uu weli sannado ka horeeyaa xiddigaha kale ee kubada adduunka, sidaasi waxa aaminsan saaxiibkiisa ay isku kooxda yihiin Pepe.

31 jirkaan ayaa dhaliyay 43 gool 41 kulan uu saftay tartamada oo dhan xilli ciyaareedkan, waxaana uu sabtidii noqday ciyaaryahankii ugu horeeyay ee taariikhda La Liga ee dhaliya 30 gool ama ka badan lix xilli ciyaareed oo isku xigta.

Si kastaba, Ronaldo oo abaalmarinta Ballon d’Or u waayay Lionel Messi bishii Janaayo, waxaana eedeymo la xiriira qaab ciyaareedkiisa uu la kulmay xilli ciyaareedkan, iyadoo wararka xanta ay sheegayeen in Real Madrid ay dhageysan doonto dalabyada u imaanaya xagaaga.

Ronaldo

Laakiin Pepe ayaa aaminsan inuusan jirin ciyaaryahan ku soo dhawaan kara ninka ay isku wadanka yihiin.

"Dadka sida Cristiano waa dad qariib ah, waa dad uu Alle barakeeyay” ayuu yiri wareysi uu siinayay website-ka xiriirka kubada cagta Portugal. "Waa mid ka mid ah xiddigaha ugu fiican taariikhda kubada cagta.

"Cristiano ayaa ugu fiican, waxaana uu sannado ka horeeya inta kale. Waa shaqsi degan, shaqo badan, daacadna ah.”

Madrid ayaa caawa martigelineysa Wolfsburg lugta labaad ee wareega 8da champions League, iyagoo raadinaya inay dhanka kale u rogaan guuldarada 2-0 ee lugtii hore.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip